Guddida Doorashooyinka Somaliland oo Si Rasmi ah Ugu Dhawaaqay Natiijadii Doorashada Madaxweynenimada Somaliland

Guddida Doorashooyinka Somaliland oo Si Rasmi ah Ugu Dhawaaqay Natiijadii Doorashada Madaxweynenimada Somaliland

Hargeysa (WDN)- Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Somaliland Md. Cabdilqaadir Iimaan Warsame ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in musharriintii Xisbiga Kulmiya ay ku guulaysteen doorashadii madaxweynenimada ee 13kii bishan Noofember ka qabsoontay Somaliland.

Guddoomiyaha ayaa shaaciyay in xisbiyadu ay codadka u kala heleen sidatan;

Xisbiga Ucid wuxuu helay 23,141 Cod oo u dhiganta 4.17%.

Xisbiga Waddani  wuxuu helay 226 ,092 Cod oo u dhiganta  40.73%.

Xisbiga Kulmiye wuxuu helay 305,909 Cod oo u dhiganta 55.19% dadka codeeyay.

Muran iyo eedaymo badan oo musuqmaasuq iyo kushubasho ku saabsan oo ay soo jeedinayeen maalmihii aan soo dhaafnay Xisbiga Waddani ayaa dibudhac ku keenay ku dhawaaqista natiijada oo la filayay toddobaadkii aan soo dhaafnay.

Warku waxa uu intaas ku darayaa in masulliyiinta xisbiga Waddani oo uu ku jiro Cabdiraxmaan Cabdillahi Cirro oo ahaa musharrixii xilka madaxweynaha ee xisbigaasi aanay ka soo xaadirin goobtii lagaga dhawaaqay natiijada.

Iyadoo ilaa hadda aanay war rasmi ah ka soo saarin xisbiga Waddani natiijada doorashada ayaan la ogeyn in ay ku qanci doonaan iyo in kale.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.