Guddi heer Qaran ah oo loo saarey wax ka qabashada waxyeeladii ka dhalatey qaraxyadii Zoope

Guddi heer Qaran ah oo loo saarey wax ka qabashada waxyeeladii ka dhalatey qaraxyadii  Zoope

Muqdisho (WDN) Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Xamse Cabdi Barre, ayaa u magacaabey guddi heer Qaran ah oo ka shaqaynaya gurmadka dadkii ku waxyeeloobey qarixii shalay ka dhacey agagaarka isgoyska 14-ka October ama Zoope. Kaasi oo lala beegsadey xarunta Wasaaradda Waxbarashada, hHddaha iyo Tacliinta Sare ee sababey dhimashada in ka badan 100 qof, dhaawaca 300 oo ruux iyo burbur hantiyeed oo baaxad leh.

Qaraxii Wasaaradda Waxbarasha, Muqdisho Okt 29, 2022

RW Xamse oo xiganaya qodobada 99 iyo 100 ee Dastuurka KMG ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana jawaab celinaya baaxadda khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoope iyo mudnaanta ay leedahay in daryeel degdeg ah loo fidiyo dhibbanayaashii waxyeelladu ka soo gaartay qaraxyada, wuxuu magacaabay guddi heer Qaran ah oo shaqeyn doona tan iyo inta laga soo gabagabeynayo hawlaha gurmadka kuwaasi oo ka kooban 10 xubnood oo kala ah :-

1. Dr. Cali Xaaji Aadan Wasiirka     Caafimaadka – Guddoomiye

2. Dr. Maxamed Axmed Sh Cali Wasiirka Amniga Gudaha – Xubin

3. Faarax Sheekh Cabdiqaadir Wasiirka Waxbarashada – Xubin

4. Daa’uud Aweys Jaamac. Wasiirka Warfaafinta – Xubin

5. Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Haweenka – Xubin

6. Abshir Maxamed Axmed Wasiiru dowlaha Madaxtooyada – Xubin.

7.Xirsi Jaamac Gaani  Wasiiru dowlaha xafiiska raisalwasaaraha – Xubin.

8.Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddomiyaha Gobolka Banaadir – Xubin.

9. Maxamuud Macalin Cabdulle Gudoomiyaha  hay’adda maareynta masiibooyinka SODMA – Xubin

10. Cabdulqaadir Cabdullaahi Faarax Maareeyaha  NEOC – Xubin 

Guddigaan uu RW Xamse magacaabey ayaa u xilsaaran waajibaadka soo socda :

1. Hubinta iyo la socodka khasaarihii ka dhashay qarixii xooganaa ee shaley ka dhacey Zoope.

2. Fidinta caawimaad degdeg ah dadkii waxyeeladu kasoo gaartey qaraxyada.

3. Diiwaangelin iyo baadi goob dadka la la.yahay.

4. Isku xirka iyo isklu dubarida hawlaha gurmadka.

5.Xal u helidda iyo xoojinta adeegyada caafmaad ee isbitaalada dalka.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.