Qoraha Buugga: Cali Jimcaale Axmed
Gorfeyntii: Dr. Maxamed Daahir Afrax
Hordhac
Buugga la magac-baxay Gaso, Ganuun iyo Gasiin oo uu dhawaan soo saaray Bare Sare Cali Jimcaale Axmed wuxuu ku bishaaraynayaa ifbax-suugaaneed ugub ah; ifbax Cali horseedayo in uu hore ugu sii tallaabsado fanka sheeko-falkinta Soomaalidu. Waa buug xambaarsan aqoon qota dheer iyo erayo dhumuc weyn. Waa sheeko jiilka cusub ee hal-abuurka qalinka u furaysa waddo jid-bixiyeenimo oo ku hagaysa hilin cusub oo loo mari karo hal-abuurka ku qoran Afka Soomaalida. Waxaa la yaab leh awoodda qoraagu u yeeshy isku dhafka sheeko-tabin hal-abuurnimo, aqoon-gudbin macallinimo, is xusuusin sooyaalkii Soomaalida ee ka sii baxayey maskaxda da’yarta iyo erayadii Af-Soomaaligu hodanka ku ahaa ee in badan oo ka mid ah ay ka baxeen ama ka sii baxayaan qaamuuska Af-Soomaaliga maanta lagu hadlo. Waa sida qacda horeba laga dhadhansan karo magaca sheekada ‘Gaso, Ganuun iyo Gasiin’.
Akhriskan an ku indha indhaynayno sheekada Gaso, Ganuun iyo Gasiin waxan diiradda ku saari doonaa ku far-fiiqa dhinacyada muujinaya ugubnimada an ku tibaaxay bilowgii erayadayda. Dhinacyo kala duwan oo la isla yaqaan ayaa laga abbaaraa guud ahaan lafagurka buugaagta iyo faaqidaadda shaqo-suugaaneedda. Teennaanse waxan tooshka la geebsan doonaa dhinacyadaas kuwooda ka marag kacaya oraahdii an hadalka ku furay ee an buuggan ku tilmaamay ifbax-suugaaneed ugub ah. Intase aynaan sii gudagalin gorfaynta sheekadan dhinacyadeedaas kala duwan, an hordhaca ku khatimo eray akhristaha hor-keena sawirka guud ee fanka sheeko-curinta Soomaalida iyo kaalinta ay ka galayso sheekadan oo ka mid ah waxqbadyadii ugu dambeeyey ee fankaas ku soo biiray.
Fanka sheeko-xardhiddu wuxuu ka mid yahay jaad-suugaaneedyada ku gaamuray sooyaalka hal-abuurka Soomaalida. Wuxuu soo maray xilliyo ama marxalado kala duwan: xilligii sheeko-xariirada ama sheeko-hiddeedda afka laga wariyo; xilligii sheeko-qoridda hidde-raaca ah iyo xilligan falkinta sheeko-faneedda casriga ah. Xilliyadaas midba mid ka xuubsiibanayey ma aha wax annaga noo gaar ah Soomaali ahaan; balse waa geeddi-socod ay soo wada martay taariikhda suugaanta quruumaha dunidu. Xilliga koowaad ee an ku magacaabayo xilligii sheeko-xariirada ama sheeko-hiddeedda, taariikh ahaan wuxuu ku beeganyahay qarniyadii ka horreeyey xilliyada magaalowga iyo nolosha casriga ah. Waa sabankii hab-nololeedkii soo jireenka ahaa ee xoolo-dhaqashada, beero-falashada iyo kalluumaysiga.
Gayiga Soomaalida saddexdaas hab-ba way ka jireen (walina way ka jiraan) aqlabiyadda weynse waxay ahayd xoolo-dhaqato reer-guuraa ah. Noocyada kala duwan ee fanka iyo suugaanta qayb ka mid ah waxaa la isku maaweelin jirey waqtiga laga nasanayo hawl-maalmeedda dhibta badan, qayb kalena waxay ku lammaanayd hawsha qudheeda, sida hees-hawleedda noocyadeeda kala duwan, taas oo la isku maaweelin jirey marka hawsha la hayo, si la isaga khafiifiyo culayska shaqada adag. Sheeko-hiddeedu waxay ka mid ahayd qaybta hore, micnaha qaybta la isku maaweeliyo xilliga laga nasanayo hawl-maalmeedda. Xilligaas aalaaba wuxuu ahaa habeenkii marka la soo hoydo inta la sugayo caweyska xoolaha ama waqtiga hurdada. Matalayaasha ugu caansan ee sheeko-hiddeedda Soomaalida waxaa ka mid ah Dhegdheer, Arraweelo iyo Cigaal Shiidaad.
Xilliga labaad ee ah Xilligii sheeko-qoridda hidde-raaca ah. Wuxuu ku beegnaa xilligii magaalowga, wixii ka dambeeyey dagaalkii labaad ee dunida. Waxgarad qalinley ah ayaa u tafa xaytey dadaal laba qaybood ah: qayb ku dhaqaaqday ururin iyo qoraal-galin sooyaalkii ummadda oo ay ka mid ahayd sheeko-curintu iyo qayb u qalin-qaadatay allifaadda sheekooyin ugub ah haseyeeshee ku salaysan sheekooyinkii soo jireenka ahaa, ama raacaya habkii loo tabin jirey sheekooyinkaas, halka nuxurkoodu ku saabsanyahay nolol-bulsheedda xilliga cusub. Qalinleydaasi waa kuwa Prof. Andrzejewski, qoraalkiisa la magac baxay ‘The Raise of Written Somali Literature’ uu ku magacaabayo ‘transmuters’ oo AfSoomaaliga lagu oran karo xiriiriyeyaal. Micnaha waxay soo saareen qoraallo lagu tilmaami karo kaabad ama buundo isku xiraysa wixii hore iyo waxa cusub. Aqoonyahankii u guntadey ururinta iyo qoraalgalinta hormuudkooda waxaa ka mid ahaa, Allaha u wada naxariistee, Muuse Galaal, Cumar Aw Nuux, Axmed Cartan Xaange, Xasan Yaaquub “Sheeko-xariir”iyo rag kale. Qaybta labaad ragga qoray sheekooyinka kaabadda noqday tusaalaha ugu caansan waa Faarax Cawl iyo buuggiisa ‘Aqoondarro waa u nacab jacayl’.
Xilliga saddexaad ee an ku magacaabayo xilliga falkinta sheeko-faneedda casriga ah waa xilliga la bilaabay qorista sheekoo-faneed si buuxda u casriyaysan, xagga mowduucyada ay ka hadlayso iyo xagga farsamooyinka ay u adeegsanayso soo bandhigidda mowduucyadaas, farsamooyinkaas oo la jaan-qaadaya hababka falkinta sheeko-casrida dunida kale. Arrinkaas bilowgiisu wuxuu ku beegnaa bilashadii 1980nada. Xeeldheereyaasha suugaanta darsa waxay tilmaamaan xilligaas in ay iba-furtay sheekada Maana-faay ee caanka ah.
Haddaba sheekadeennan Gaso, Ganuun iyo Gasiin waxay ku abtirsataa xilligan saddexaad. Waxaa lagu tilmaami karaa sheeko-faneed casri ah haddana la timid farsamooyin ugub ah oo ka baxsan kuwii hore loogu bartay. Haddii si kale loo dhigo, waa sheeko-faneed lagu falkiyey farshaxan nooc cusub ah. Canaasirta ku cusub hababkii la isla yiqiin ee sheeko-falkinta Soomaalida waxaa ka mid ah fanka magac-bixinta, habka sheeko-tabinta, adeegsiga luqadda, dhex-muquurka sooyaalkii ummadda, milicsiga murtida laga tilmaan-qaadan karo ee ay kaydiyeen culimada caalamku iyo is dhexgalinta farsamaysan ee murtida la tixraacayo iyo majarihii sheekada lagu hoggaaminayey. Qormadan ubucdeeda waxan ku qaadaa dhigi doonnaa sii iftiiminta qodobbadaas.
Magac-bixinta sheekada
‘Cinwaanku waa in uu ka tarjumaa nuxurka buugga asagoon si qayaxan daaha uga wada rogin’
Cali Jimcaale Axmed doorashadiisa cinwaanka qisadan waxay na xusuusinaysaa oraahda kor ku qoran oo laga hayo hagaha sheeko-falkinta, Khaalid Al-Nasrallah (النصرالله خالد(.) Doorashada cinwaanka iyo helidda sadarrada furitaanka waxaa lagu tilmaami karaa udubdhexaadka guusha ama guuldarrada qisada ama buugga, sida ay isku raacsan yihiin qorayaal badan oo waaya-arag ah. Tusaale ahaan qoraagii weynaa, Gabriel García Márquez waxaa laga hayaa, waqtiga ugu dheer waxaa igu qaata hanashada cinwaanka iyo furitaanka; mar haddaan helo sadarrada ugu horreeya inta kale sidii tusbax go’ay ayay u shubantaa.
Cali Jimcaale xulashadiisa cinwaanka qisadeennan, Gaso, Ganuun iyo Gasiin, marka loo fiirsado waxaa lagala soo dhex bixi karaa saddex natiijo: kow, in uu waqti dheer ku qaatay, sidii Marquez; laba, in uu ku talagalay in uu tibaaxo ama ka tarjumo haddana si qeexan u kashifin nuxurka sheekada, sidii uu ku taliyey Nasrallah; saddex, sheekada magaca noocaan ah loogu wanqalay kolleyba inay tahay mid jirriddeedu ku aroorayso moolka durugsan ee soo-jireenkii ummadda Soomaaliyeed, iyo dhanka kale inay tahay mid adeegsanaysa sarbeeb iyo duurxul, sida cinwaanka laga dhadhansan karo.
Xagga daboolidda nuxurka, daaha cinwaanku saarayo wuxuu gaarsiisanyahay heer laga yaabo in uu akhristuhu is weyddiiyo buuggu ma sheekaa mise waa gorfayn toos ah (non-fiction). Tani waxay ka mid tahay fursadaha Cali Jimcaale akhristihiisa u siinayo in uu kaga qaybgalo qorista sheekada; micnaha in uu ka dhex helo su’aalo ku khasbaya in uu maskaxdiisa ka raadiyo jawaabahooda. Akhristaha indheer-garadka ah “looma saafee waa loo saraa” asagu ha saaftee; in kastoo ay badan yihiin in dhow-garad kuu cuskanaya “damiin far waaweyn baa wax loogu dhigaa”. Taasna way jirtaa talo-bixin faaqideyaashu ku taliyaan in daaha culus laga ilaaliyo suugaanta casriga ah. Gaso waa dhigane loogu talagalay akhrisyahan aqoondhaari ah, indheergarad laf geel dhuuxi kara / haysta dubbe weyn oo laf geel u jabin kara, si uu ugala baxo dhuuxa dhex fadhiya ee nafaqadu ka buuxdo! In dhow garadkuse waa ka caajisayaa marka dhagaxa yar ee uu haystaa lafta geel u jabin waayo!
Haddaan isku dayo inaan wax yar ka bidhaamiyo furfuridda halxiraalahan uu maskaxdayada kaga shaqaysiinayo cinwaankan ah Gaso, Ganuun iyo Gasiin, an si kooban u tibaaxo micnaha guud ee erayada. Hal-xiraalaha Macallin Cali nagu intixaamayo waa laba-dhudoodle, ama dheh laba dhinac ayuu leeyahay: wuxuu naga rabaa in aynu akhristeyaal ahaan maankeenna ka helno, kow, micnaha erayada; laba muraadka laga leeyahay, ama dheh murtida ay sarbeebayaan ahna saldhigga mowduuca sheekada. Labadaas dhudood an isku dayo inaan wax yar ka bidhaamiyo tan hore ee ah micnaha erayada. Ogoobe saddexdan eray ee soojireenka ah mid kasta waxaa loo isticmaali jirey dhawr micne oo kala duwan haseyeeshee ka siman kaalintii halbowlenimo ee ay kaga jireen hab-nololeedkii Soomaalidii hore ama nolosha miyiga.
Tan kale dagaannada kala duwan waxaa dhici karta in ay ku kala duwanaayeen micneyowga qaarkood. Sidaa awgeed, haddaan soo qaadanno uun micnaha guud ee la isku waafiqi karo: Gaso waxaa loo yiqiin amaba loo yaqaan gudaha aqal-Soomaaliga salka ugu dambeeya ee lagu adkeeyo yacayga. Waa halka marwada qoysku ku xafiddo ama ku kaydiso agabka iyo anfaca qiimaha gaar ahaaneed u leh qoyska. Waaa kaloo loo yiqiin gasada xerada ama moorada xoolaha.
Halkan ka akhri: Gorfeynta Buugga: Gaso, Ganuun iyo Gasiin:Qiso jid-bixiyeen ah
Qoraha Buugga: Cali Jimcaale Axmed
Daabacadda: Laashin Publishers, Katrinehalm, Sweden
2018, bb. 219
Gorfeyntii: Dr. Maxamed Daahir Afrax
Email: mdafrax@gmail.com
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.
WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.
WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.
Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved