Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Gorfayn Buug: Puntland 20 sano ka dib mala gaaray xilligii Is-beddelka?

Gorfayntii: Dr.Cabdifitax Nuur Axmed ( Ashkir)

Dr Cabdifitax Nuur (Ashkir)

Akhristow! buuggaan ka hadli doono ma xambaarsana cinwaankaan kor ku sheegay, dulucda buuguse, waxay ku wareegaysaa cimwaankaa kore, waa halkuu geedi-socodka siyaasadeed ee Puntland hayaanka u yahay.

Horraantii bishii Desember ee sannadkaan gabaabsiga ah 2018-ka – muddo bil un ah ka hor doorashada Puntland ee foodda nagu soo haysa- waxay si kadis ah, ishaydu u bidhaansatay xayeeysiin buug la magac baxay: ” Puntland 20 sano ka dib sooyaalkii iyo taariikhdii“. Oo uu qoray Siyaad Cali Jaamac, oo iminka ah qurbe-jooge qaaradda Yurub ku nool, horreyna u ahaa muddo dheer agaasimihii wasaaradda dekedaha iyo kalluumaysiga Puntland.

Waa anigii buug jeclida ku suntanaa, sidii dhallaan hooyadii u hiloobay, markiiba waxaan baadi-goob ugu dhaqaaqay buuggaas, cidda qortay, meeshaan ka heli karo, maxaa xilligaan kala guurka ah ku soo beegay?!

Baadi-goobku iguma dheeraan, muddo yar ka dibba, waan is helnay qoraaga buugga, waa tan mareegaha (internet-ka) dunidoo idil Ka dhigay, tuulo yaroo lays wada yaqaan, dadkuna jaar yahay iska wada warqaba.

Wada hadal dheer ka dib, oo dhexmaray  aniga iyo qoraaga buugga- wuxuu iigu bishaareeyay in dhaqso nuqul iigu soo hibeyn doono; isagoo hibeynta raacsaday codsi ah: in aan qalinka u qaato faaqidaadda buugga iyo fallanqayntiisa, dadkana aan u soo bandhigo nuxurka buuggu uu xambaarsanyahay.

Waan ka aqblay codsigiisii ku lifaaqnaa haddiyadda qaaliga ah, anigoo Guulle weeydiistay, in aanu qoraaga igu ceebayn, ammaanaduu dusha iiga tuurayna aan ka soo dhalaalo, waa tii hore loo yiri: ” Ammaanadu waa culays cirkiyo dhulkaa diidayoo”.

Iyadoo buug aan labo sano raadinayay markaas gacantayda soo galay, akhrintiisana aan u xiisa qabo, sidii ruux oomanoo ilo biyo leh haleelay, waa buuggii uu qoray Professo/Abdi Ismail Samater ee la magac baxay ” Africa’s First Democrats Somalia’s Aden A.Osman and Abdirazak H. Hussein” saaxiibkay siyaasi Saadaq Eenow ayaa igu wareejiyay buuggaas isagoo igu yiri ” Xarigiisa iga qabo aadmi kale kuma xurmeeyeene” waqtigu ciriidh buu igu ahaa, buuggaas akhrintiisuna ay i sugayo; baan misana, dhinac iska dhigoo, faallada kan Puntland u dhaqaaqay; anigoo mudnaanta siinaya hardanka doorashada foodda inagu soo haysa awgeed!

Buugta iyo Siyaasadda

Ugu horrayn, waxaan qirayaa, si marag-ma-doonta ah, in qoraaga buuggani, uu naga dulqaaday, culays ah, wax ka qoridda sooyaalkii Puntland soo martay tan iyo markii nidaamkeeda dowladnimo dhidibbada loo aasay sannadii 1998-dii. Ogaalkay, ma jiro, ruux guntiga dhiisha isaga dhigay bidhaaminta iyo qiimeyntii waayihii siyaasadeed ee dalku soo maray, oddoroskeeda, maxaa noo hirgalay? Maxaase laga gaabiyay oo la qaban karay?!

Buugtu, waxay saameyn weyn ku leeyihiin, geeddi-socodka siyaasadda dunida maanta, waxay -hage iyo toosiyaba u yihiin- cidda kursiga ku fadhida, danaha guud ee bulshadana maareeynaysa. Haddii aan tusaale u soo qaadano Mareykanka, sannadkaan kaliya, waxaa la daabacay, saddex buugoo siyaasadda mareenkanka ruxay oo gilgilay, guux dhawaqiisu weeynyahayna reebay.

Kan ugu horreyaa waxaa la yiraahdaa “Fire and Fury: Inside the Trump White House” qoraaga buugga ” Dab iyo Cadho” waxaa la yiraahdaa “Michael Wolff” waa saxaafi rug-caddaa ah, wuxuu ku faaqiday -buuggiisaa noqday kan loogu iibsiga badanyahay saacado ka dib markii suuqa loo iib geeyay- ceebta madaxweyne “Trump” buuna dibadda soo dhigay. Trumb wuu iska fogeeyay eedeymaha loo soo jeediyay, waxayse Soomaalidu horay u tiri ” fallaadhi gal galasho kaagama hadho”.

Buugga xigaa, wuxuu la magac baxay ” Fear: Trump in the White House”. Curintiisa waxaa iska leh saxafiga caanka ah ” Bob Woodward” kana tirsan wargeyska “Washington Post” Waa isla warfidiyeenkii daaha ka feyday, fadeexaddii siyaasadeed ee Mareykanka ka dhacday sannadii1972-dii, lana magac baxday ” Watergate” ee xilka ka xayuubisay madaxweynihii Mareykanka xilligaa kursiga ku fadhiyay “Richard Nixon”. Waa duni horraysoo erayga qorani uu raad reebo, iyo duul bislaadoo la xisaabtama cidda hoggaankiisa haysa.

Buugga saddeexaaad ee isaguna fallaadha dhuunta gashay ku noqday “Trump” waxaa qortay ” Michelle Obama” oo ah xaaskii madaxweynihii hore ee Mareykanka “Brack Husein Obama, Buugga waxaa loogu wan-qalay “Becoming” iyadoo ay jirto saadaalo siyaasadeed oo sheegaya, in “Michelle” u sharraxantahay xilka Madaxtinimo ee dalka mareykanka doorashada soo socota, buugga ay dhawaan suuqa ku soo fasaxdayna, wuxuu si qoto dheer u tilmaamay meesha ay iminka siyaasadda Mareykanku ka gurracantahay.

Buugga iminka aan fallanqayntiisa wadnana kama duwana kuwaas aan kor ku soo xusnay; kaliya waxay ku kala duwanyihiin iyada oo uu dhaliisha qoraagu dusha uga tuurayo dhammaan hoggaankii na soo maray, iyo -annagoo haddaan Soomaali nahay- qoraallada noocaan oo kale ah ee dhab-ka-hadalka ahi nagu yaryihiin.

Fallanqaynta Buugga: Dulmar Guud

Buugga ” 20 sano iyo Sooyaalkii Puntland” wuxuu ka koobanyahay 260 bog, iyo lix Cutub marka laga reebo hordhaca iyo gunnaanadka iyo lifaaqyada la socda buugga.

Manhajka uu qoraagu raacay -qorista buuggiisu- waa kan taarikh-warranka tilmaantu raacsantahay.

Cutubka ugu horreeya wuxuu qoraagu diiradda ku saaray bilowgii dowladnimo ee Puntland isagoo si faahfaahsan uga warramay asaasayaashii Puntland, iyo Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf (AUN), wuxuu kaloo cutubkaas si waafiya uga warramayaa shaqaaqadii Jaamac Cali jaamac iyo Cabdullaahi dhex-martay taasoo ay dhalatay Jabhaddii la magac baxday “GBP”

Cutubyada xiga wuxuu taxay sooyaalkii hoggaankii dalka soo maray ee ka dambeeyay madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed, mid kasta wuu ka taariikheeyay, golayaashii wasiirrada ay soo dhiseenna faalluu ka bixiyay.

Qaddiyadda Sool, Sanaag iyo Ceyn kama maqnayn maanka qoraaga buugga, wuxuuna ka warrammay marxaladihii kala duwanaa ee goboladaasu soo mareen, caqabadaha iminka horyaala, wuxuuna ka dhiibtay qoraagu aragtidiisa ah: xal-u-helidda qaddiyaddaas godka mugdiga ah gashay.

Mid baan qoraaga buugga ku diidanahay ah: in uusan si fiican u soo ban-dhigin wixii la qabtay 20-kii sano ee tagay, libin inkirkuna kuma habboona cilmi-baaraaha. Tusaale ahaan, madaxweynaha iminka kursiga ku Fadhiya Dr.CabdiWeli Cali Gaas wuxuu qabtay wax badanoo taariikhdu ku xusi doonto, ka sakow, kaabayaasha dhaqaalaha ee uu wax badan ka qabtay, misana, waxa uu boorka ka jafay heshiis bulsheedkii Puntland lagu unkay “Social Contract” qabaa’iil badanoo maag iyo kas looga tagi jiray, buu matalaad siyaasadeed u fidiyay; isagoo xilal kale duwan uga magacaabay golayaasha kala duwan ee xukuumadda.

Waxaanse qoraaga aan ku diidanayn, in la gaaray xilligii qof iyo codkii, waa la joogaa xilligii dhammaan layska dhex arki lahaa hannaanka siyaasadeed ee Puntland.

Labaatan sano ku filan tijaabo siyaasadeed ee isbaddel hor seedi karta, iminkana waa waqtigii xisbiyada badan ee matalaadda degaanka ku dhisan.

Dhagaxii biyaha fadhiya dhaqaajiyay

Qoraaagu-sidaan afkiisa ka hayo- waa isku daygiisii koowaad ee uu buug ku curiyo, wuxuuse dhagax ku tuuray biyo fadhiyay, oo in la dhaqaajiyo u baahnaa. Siyaasaddu waa halgan joogto ah, oo u baahan in dib-u-milicsi lagu sameeyo dhacdooyinkii tagay, foogaal-aragna aan ka maarmin, markii loo baahdo aaya-ka-talinta, qoraalkaana u ah udub-dhexaadka ay ku dhisantahay siyaasaddu.

Anigu qoraaga buugga kuma taageersani xogaha qaarkood siduu u dhigay, dhaliilaha qaarkoodna ma aha kuwa xaqiiq ku dhisan, waxaanse ku bogaadinayaa u kicitinkiisa ah, aruurinta sooyaalkii Puntland soo maray. Waa shaqo uguboo ay suuragaltahay in qalinlay kale uga dambeeyaan, fal-celisyo wax dhisaya, toosinaya, hagaya, baanu filan idinka eebbe.

Gunaanadkii, waxaan ugu baaqayaa dhammaan inta siyaasadda ku hawlan, fursadna u heli karta in ay dhaxal reebaan, in ayan dhayalsan adeegsiga qalinka iyo soo ban-dhigidda xasuus qoryadoodii, iyo dharaarihii soo maray, waxay dhabbada u xaaraysaa jiilal soo socdoo war-moog u badan.

Buuggaan xaqiiqdii waa mid muhiim u ah siyaasi iyo aqoonyahan walbaa in uu akhriyo si uu waayo-aragnimi uga kororsado, ammaan iyo bogaadin baana qoraaga u soo jeedinayaa, anigoo isaga ku leh ” Hawl kama daale weli waa hogadii” waxaan ka sugnaaba waa qoraale kaloo xiisa badan.

Dr.Cabdifitax Nuur Axmed ( Ashkir)
Wasiiru dowlaha warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo dhaqanka Puntland.
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.