Golaha wasiirrada Jubbaland oo ka hadlay biyo la’aan ka jirta deegaanada Jubbaland iyo arrimo kale

Kismaayo- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta oo Khamiis ah shirgudoomiyay kulankii qamiislaha ahaa ee golaha Wasiirrada  Jubbaland.

Kulanka maanta waxaa lagaga hadlay biyo la’aan ka jirta degmada Afmadow iyo deegano kale oo ka tirsan Jubbaland, waxa uu warbixin ka dhagaystay Madaxweynahu  xubno ka tirsan xukuumadda oo maalmahii lasoo dhaafay loo xilsaaray in qiimayn ay ku sameeyaan sidii gargaarka biyo dhaaminta loo dardar galin lahaa iyo sidii qorsho waara oo aan mar danbe biyo yaraantu kusoo noqon deegaanadaasi loo samyn lahaa.

Xubnaha golaha wasiirradu waxay bogaadiyeen gurmadka xukuumadda iyo shacabku ay ka wadaan meelaha biyo la’aantu ay ka jirto, iyadoo la isku raacay in kaalmo dheeri ah la gaarsiiyo meelaha dhibaatada ugu daran ay ka jirto.

Dhinaca kale waxaa golahu ay ka dooddeen caqabado maalmahii lasoo dhaafay ka taagnaa dhulka dowladd, waxaana golahu uu meel mariyay in dhammaan dhulka dhisan iyo midka bannaan ee dowladdu ay yihiin lama taabtaan cdidii ku xadgudubtana sharciga la marsiinayo.

Dhammaan dadweynaha ku nool magaalada Kismaayo iyo deeganada kale ee Jubbaland ayaa looga digay in aysan ku kadsoomin iibsashada iyo dhismaha ama deegaamaynta xarumaha danta guud.

Dhinaca kale golahu wuxuu ku booriyay wasaaradda Maaliyada in ay sii dardar galiso hawlaha midaynta dakhliga  dowladda, iyadoo wasaaraddu ay meel wanaagsan marinayso midaynta canshuuraha dhammaan deeganada Jubbaland.

Qorshaha midaynta dakhliga dowladda ayaa la gaarsiinayaa dhammaan deegaanada iyo degmooyinka xorta ah ee Jubbaland bilowga sanadkan.

Foos Cabdi
WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.