Muqdisho (WDN)- Kulankii Golaha wasiirada Xukuumada Xilgaarsiinta Soomaaliya, ayaa maanta meelmariyey miisaaniyadda dawlada 2022, taasi oo gaaraysa adduun lacageed oo dhan 918.7 milyan oo dollar.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa Golaha Wasiirada faahfaahin ka siiyey miisaaniyadda ay wasiiradiisu golaha soo hor dhigtey, taasi oo ay ugu danbeyn la ansixiyey.

Sidoo kale golaha ayaa ansixiyay magacaabista Xildh. Mahad Maxamed Salaad inuu noqdo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka oo in muddo ah banaanaa. Xilkaan oo uu hore u heyn jirey Fahad Yaasiin oo ahaa qofka ugu saamaynta badan kooxdii Nabad iyo Nolol ee dalka hore u maamuli jirtey.
Mahad Salaad oo magacaabistiisu maalmahan la hadal hayay, ayaa ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la filayaa in uu iska casilo xilka Golaha Shacabka marka loo dhaariyo xilka NISA.
Kulanka Golaha Wasiirada oo uu shir guddoominayey Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Md.Maxamed Xuseen Rooble, ayaa hayn doona xilka RW xukuumadda xilgaaarsiinta, tan iyo inta madaxwenaha cusubi uu soo magacaabayo RW cusub.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply