Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Golaha Wasiirada Xukuumada Xilgaarsiinta oo Ansixiyay Miisaaniyada iyo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka

Muqdisho (WDN)- Kulankii Golaha wasiirada Xukuumada Xilgaarsiinta Soomaaliya, ayaa maanta meelmariyey miisaaniyadda dawlada 2022, taasi oo gaaraysa adduun lacageed oo dhan 918.7 milyan oo dollar.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle,  ayaa Golaha Wasiirada faahfaahin ka siiyey miisaaniyadda ay wasiiradiisu golaha soo hor dhigtey, taasi oo ay ugu danbeyn la ansixiyey.

Golaha Wasiirada Xukuumada Xilgaarsiinta

Sidoo kale golaha ayaa ansixiyay magacaabista Xildh. Mahad Maxamed Salaad inuu noqdo Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka oo in muddo ah banaanaa. Xilkaan oo uu hore u heyn jirey Fahad Yaasiin oo ahaa qofka ugu saamaynta badan kooxdii Nabad iyo Nolol ee dalka hore u maamuli jirtey.

Mahad Salaad oo magacaabistiisu maalmahan la hadal hayay, ayaa ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la filayaa in uu iska casilo xilka Golaha Shacabka marka loo dhaariyo xilka NISA.

Kulanka Golaha Wasiirada oo uu shir guddoominayey Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Md.Maxamed Xuseen Rooble, ayaa hayn doona xilka RW xukuumadda xilgaaarsiinta, tan iyo inta madaxwenaha cusubi uu soo magacaabayo RW cusub.

Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.