Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta kulankoodii khamiislaha ahaa diiradda ku saarey xaaladda guud ee dalka iyo xoojinta qorshayaasha hortabinta leh ee la xariira sugidda amniga iyo gurmadka abaaraha waxaana warbixinno looga dhagaystay Wasiiradda Amniga, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda xilli dalka uu ku jiro marxalad aad u adag .

Wasiiradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta iyo Wasiirka Amniga ayaa faahfaahino ka bixiyey halka ay marayaan hawlgalada ciidamada xoogga dalka wadaan ee ku aadan la dagaalanka kooxaba argagixisada ah ee Alshabaab iyo Daacish iyo qorshayaasha la xariira xasilinta deegaanada kooxahaasi laga xoreeyey.
Wasiirka maaliyadda oo kulanka dhankiisa warbixin ka dhiibay ayaa ka waramy halka ay marayaan dadaallada wasaaradiisa ee ku aadan deyn cafinta Soomaaliya iyo qorshayaasha guud ee xukuumaddu higsanayso ee ah in dalku gaaro isku filnaanshiyo dhanka dhaqaalaha.
RW Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegey in xukuumadiisu ay ka go’an tahay ka miro dhalinta dadaallada ku aadan ciribtirka kooxaha argagixisada iyo xasilinta dalka iyo sidoo kale u gurmashada malaayiinta Soomaaliyeed ee abaaraha dhibaatada ballaaran ku hayaan.
Ciidamada xoogga dalka ayaa maalmihii u danbeeyey xoojiyey hawlgalada ka dhanka ah ee Alshabaab, kadib markii kooxdu ku qaaday dialal joogta ah dadka rayidka, ceelal biyoodyadana ka duugtey, waxaana hawlgalada xooggooduna ka socdaan gobolada Hiiraan iyo Galgaduud oo Alshabaab weeraro xoogan kusoo qaadeen.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply