Golaha Wasiirada oo warbixin ka dhageystay guddiga qaran ee loo saarey qaraxyadii Zoope iyo qorshyaasha ka dhanka ah Al Shabaab

Muqdisho (WDN)- Guddiga Qaran ee loo xilsaarey gurmadka qaraxyadii Zoope ayaa maanta warbixino ka siiyey Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya halka ay marayaan hawlaha gurmadka, waxa uuna guddiga sheegay in dhaawacyada halista ahaa loo qaaday dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya sida dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.

Golaha Wasiirada oo warbixin ka dhageystay guddiga qaran ee loo saarey qaraxyadii Zoope iyo qorshyaasha ka dhanka ah Al Shabaab, Muqdisho

Guddiga ayaa sidoo kale warbixintiisa ku sheegay in dalka ay soo gaareen shixnado daawo ah oo ka yimid dalalka Jabuuti iyo Itoobiya iyo dhaqaatiir waxaana guddigu intaa ku darey hawlaha gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii 29-kii bishii dhamaatey ee October ay meel fiican maraayaan, iminkana ay ku hawlanyiniin tiro koobka khasaaraha hantiyeed ee qaraxyadaasi ay sababeen.

Dhanka kale Golaha Wasiirada ayaa warbixino ka dhagaystey Wasaaradda Gaashaandhiga halka ay marayaan hawlgalka ka dhanka kooxda argagixisada ah ee Alshabaab iyo deegaanada laga xoreeyey, waxaana wasaaraddu tilmaamtey in ciidamada xoogga dalka ay kala wareegtey deegaano badan Alshabaab sida deegaanka masaajidka Cali Gaduud ee gobolkla Shabeelaha Dhexe.

Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa sidoo kale sheegtay in ciidamada xoogga dalka ay kaabiga ku hayaan degmada ugu muhiim Alshabaab ee saldhigooda ugu wayn ku yaallo ee Aadan Yabaal ee Shabeelaha Dhexe, dhawaanna ay xoreyn doonaan, waxaana wasaaraddu intaa ku dartey in dhawaan ciidanka xooggu uu hawlgalo isku waqti ah ka bilaabi doono dhamaan gobolada dalka si kooxda jiritaankeeda loo soo afjaro loogana dulqaado ummada Soomaaliyeed dhibaatooyinka xoogan ay ku hayso.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.