Golaha Wasiirada oo Taliye Cusub oo Booliska Magacaabay Islamarkaana Ansixiyey Heshiiska Ciidamada Heeganka Bariga Afrika

Golaha Wasiirada oo Taliye Cusub oo Booliska Magacaabay Islamarkaana Ansixiyey Heshiiska Ciidamada Heeganka Bariga Afrika

Muqdisho (WDN)- Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkooda isbuuc laha oo uu shir gudoomiyey Ra’iisal Wasaare Kexigeenka Xukuumadda Md. Saalax Axmed Jaamac u magacaabay Jenaraal Sulub Axmed Firin, taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Golaha ayaa sidoo kale meelmariyay heshiiska aasaasidda ciidamada Bariga Afrika.

Taliye Sulub Axmed Firin

Golaha wasiirada xukuumadda ayaa ansixiyay soo jeedinta wasaaradda Amniga Gudaha oo ah in General Sulub Axmed Firin inuu noqdo taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, kaasi oo badali doono Gen. Cabdi Xasan Xijaar oo xilkaan tan iyo bishii April sanaddii 2019.

Dhanka kale golaha ayaa ansixiyay heshiiska aasaasidda ciidamada heeganka ah ee dalalka Bariga Afrika, oo ay ku mideysanyihiin sagaal waddan, oo kala ah Soomaaliya, Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Rwanda, Seychelles, Suudaan iyo Uganda. Ansixinta heshiiskani ayaa la sheegay in ay qeyb wayn ka qaadanayso xasilinta Soomaaliya, oo iminka wajahaysa dagaal ka dhan ah argagixisada gaar ahaan Alshabaab iyo Daacish.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.