Golaha baarlamaanka Soomaaliya oo kulan wadajir ah yeeshay

Muqdisho, Labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta kulan wadajir ah oo uu guddoominayey guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur isugu yimid, waxaana kulanka ajandihiisu ahaa qeybinta miisaaniyadda dalka 2022.

Golaha ayaa ka dhageystey warbixin miisaaniyadda la xiriirta wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Beyle oo sheegay in doorashadii dalka ka dhacdey ay sabab u noqotey dib u dhac ku yimid diyaarinta miisaaniyad sanadeedka, sidaa daraadeed  wasaaraddu kaliya diyaariso miisaaniyad kmg ah oo 3 bilood ah.

Dhanka kale xubnaha golaha baarlamaanka labadiisa aqal, ayaa warbixin xaaladda abaaraha dalka la xiriirta ka dhegaystey ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha iyo gargaarka bini’aadanimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in xaaladda abaaraha dalka ay tahay mid aad u adag oo u baahan wax qabad degdeg ah, isagoo tilmaamey in meelaha ugu badan ee abaaruhu saameeyeen ay yihiin gobolada Bay, Bakool iyo Gedo. Waxa uuna baarlamaanka ka codsadey in la dedajiyo wax ka qabashada arrimahaasna dadaal weyn ku bixiyo. Sidoo kalena la fasaxo qarashaadkii doorashadii dalka kasoo xaroodey ee hore loogu balanqaadey in loo weecinayo gurmadka abaaraha.

Maxamed Cumar Sheekh Aadan

WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.