Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Ganacsatada Maandooriyaha Qaadka Ka Keena Kenya oo Sheegay In Ay Joojiyeen

Muqdisho, Ganacstada Soomaaliyeed ee maandooriyaha qaadka ka keena waddanka Kenya oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in ay gabi ahaanba joojiyeen qaadkii ay ka keeni jireen waddanka Kenya.

Guddoomiyaha guddiga ganacsatada qaadka  Qooje Maxamuud oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay go’aankasi qaateen kadib go’aankii dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay taageersan yihiin qaranka Soomaaliya.

“Laga bilaabo maanta waan joojinay qaadkii inooga iman jiray Kenya, waxaana ka dooranay difaaca qarankeena, baddeena & dhulkeena, wixii intaasi dheer oo siyaasad ah waxaan u dhaafnay dowladda Soomaaliya, qaadkana waxaan ka keensaneynaa dalka Itoobiya oo suuqeenii aan u wareejinay.” Ayuu yiri guddoomiyaha Guddiga Ganacsatada Qaadleyda Soomaaliyeed.

Lama hubo in go’aankani yahay mid ay ganacsatadu iskood u qaateen iyo in uu yahay mid ay dawladdu la ogtahay iyadoo maalmihii ugu dambeeyay khilaaf diblomaasiyadeed oo ka dhashay muranka  xuduudda badda ee ka dhex aloosnaa Sooomaaliya iyo Kenya uu cirka isku shareeray.

Warka ayaa waxa uu intaas ku darayaa in durtaba ay go’aankan ka biyodiideen dadka iyagu qaadka suuqyada ku iibiya ee ay nolol maalmeedkoodu ku tiirsantahay ka ganacsiga qaadka.

Beeralayda qaadka ee dalka Kenya ee ay Soomaalidu ka soo gadato ayaa iyagu horey u sheegay in ay diyaar u yihiin in ay lumiyaan suuqa Soomaaliya oo aanay ku beddelan karin qaranimadood qaadka ay diraan Soomaaliya.

Qaadka ay Kenya dhoofiso ayaa 90% loo dhoofiyaa waddanka Soomaaliya iyadoo islamarkaana ka hesha dakhli ka badan 100 milyan oo shilinka Kenya ah.

Haddii ay go’aankan ka dhabbeeyaan ganacsatada qaadku, waxay fursad u noqon doontaa waddanka Itoobiya siiba beeralayda deegaanka Oramada oo iyagu dadaal ugu jiray sidii ay qayb libaax uga heli lahaayeen suuqa muqayiliinta Soomaalida.

Qaadka ayaa waxa uu ka mid yahay aafooyinka ku habsaday shacabka Soomaaliyeed isagoo sababa dhibaatooyin caafimaad, akhlaaqiyaad iyo dhaqaale oo Soomaalida maanta haysta.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.