Muqdisho, Ganacstada Soomaaliyeed ee maandooriyaha qaadka ka keena waddanka Kenya oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in ay gabi ahaanba joojiyeen qaadkii ay ka keeni jireen waddanka Kenya.
Guddoomiyaha guddiga ganacsatada qaadka Qooje Maxamuud oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay go’aankasi qaateen kadib go’aankii dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay taageersan yihiin qaranka Soomaaliya.
“Laga bilaabo maanta waan joojinay qaadkii inooga iman jiray Kenya, waxaana ka dooranay difaaca qarankeena, baddeena & dhulkeena, wixii intaasi dheer oo siyaasad ah waxaan u dhaafnay dowladda Soomaaliya, qaadkana waxaan ka keensaneynaa dalka Itoobiya oo suuqeenii aan u wareejinay.” Ayuu yiri guddoomiyaha Guddiga Ganacsatada Qaadleyda Soomaaliyeed.
Lama hubo in go’aankani yahay mid ay ganacsatadu iskood u qaateen iyo in uu yahay mid ay dawladdu la ogtahay iyadoo maalmihii ugu dambeeyay khilaaf diblomaasiyadeed oo ka dhashay muranka xuduudda badda ee ka dhex aloosnaa Sooomaaliya iyo Kenya uu cirka isku shareeray.
Warka ayaa waxa uu intaas ku darayaa in durtaba ay go’aankan ka biyodiideen dadka iyagu qaadka suuqyada ku iibiya ee ay nolol maalmeedkoodu ku tiirsantahay ka ganacsiga qaadka.
Beeralayda qaadka ee dalka Kenya ee ay Soomaalidu ka soo gadato ayaa iyagu horey u sheegay in ay diyaar u yihiin in ay lumiyaan suuqa Soomaaliya oo aanay ku beddelan karin qaranimadood qaadka ay diraan Soomaaliya.
Qaadka ay Kenya dhoofiso ayaa 90% loo dhoofiyaa waddanka Soomaaliya iyadoo islamarkaana ka hesha dakhli ka badan 100 milyan oo shilinka Kenya ah.
Haddii ay go’aankan ka dhabbeeyaan ganacsatada qaadku, waxay fursad u noqon doontaa waddanka Itoobiya siiba beeralayda deegaanka Oramada oo iyagu dadaal ugu jiray sidii ay qayb libaax uga heli lahaayeen suuqa muqayiliinta Soomaalida.
Qaadka ayaa waxa uu ka mid yahay aafooyinka ku habsaday shacabka Soomaaliyeed isagoo sababa dhibaatooyin caafimaad, akhlaaqiyaad iyo dhaqaale oo Soomaalida maanta haysta.
WardheerNews
Leave a Reply