Gama’diidna maynaga baxay!

W.Q. Dr. Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir) 

Geeridu waa xaq, san-ku-neefle walbaa maro, mar bayse kadis kugu noqotaa ood ka naxdaa, oo murugo iyo tiiraanyo ku dhaxalsiisa, waa tay Soomaalidu horey u tiri: geeri aqoon bay kugu dishaa!

Ismaaciil Diiriye Gama’diid

Maanta subaxdii, waxaan ka warhelay in Ismaaciil Diiriye Gama’diid – oo ahaa wasiirkii degaanka iyo beeraha dowladda Puntland geeriyooday, ka dib markuu haleelay xanuunkii safmarka ahaa ee Karoona. Dhimashada “Gama’diid” waxay iiga dhigantahay: udub-dhexaad iyo tiir adagoo ummadda Soomaaliyeed lahayd oo dumay, shakhsi Eebbe ku galladay aqoon iyo dabci-wanaag in uu galbaday.

Muddaba, Ismaaciil Gama’diid, wuxuu la il-darnaa xanuunka Covid-19, xaaladdiisa caafimaad dhaqaatiirtu way la tacaashay markii hore, markay xaaladdisu sii xumaatayna, dowladda Puntland ayaa diyaarad gaar ah u kiraysay, oo iminka wuxuu ku dhintay isagoo ku sugan caasimadda dalka ee Muqdisho.

Aqoontaan  “Gama’diid” u leeyahay waa mid kooban, oo muddo dhawr bilood ah ayaanu ka wada tirsanayn golaha xukuumadda ee dowladda Puntland, waxaanse ku bartay inuu ahaa sama-talis saxar-diid ah; indheer-garad aqoon- dhaari ah, ruux kulansaday waayo-aragnimo shaqo iyo mid kaloo ay noloshu bartay.

Ismaaciil “Gama’diid” wuxuu dugsigii sare kaga baxay magaalada Gaalkacyo 1975-kii, dugsiga “Cumar Samantar” muddo kooban ayuuna macallinnimo ku shaqeeyay, dabadeedna  wuxuu ku biiray kulliyaddii “Lafoole” isagoo bartay cilmiga Fisikiska iyo Xisaabta. 

Markuu dhammaystay heerka koowaad ee Jaamacadda ayaa dowladdii Soomaaliya u dirtay dalka Ingiriiska si uu takhasuskiisa u soo dhammaystirto, wuxuuna ku biiray Jaamacadda caanka ah ee “Oxford University” isagoo ka bartay cilmiga daaqa iyo bii’adda ( Environment) kuna takhasusay dhirta nooca loo yaqaan “Acacia” geedka Soomaalidu u taqaan “ Galoolka” buuna cinwaankiisii qalin-jabinta heerka labaad ee jaamacaddiisu ahaa.

 Sannaddii 1988-kii ayaa “Gama’diid’ loo magacaabay agaasimaha wakaaladda daaqa qaranka Soomaaliyeed “Somali Range Agency” waana halka uu sumcadda fiican ku yeeshay oo saaxiibbo fara badan ku kasbaday.

Qaran-jabkii ka dib, Gama’diid wuxuu u qaxay dalka aan dariska nahay ee Kenya, bilowgii sagaashameeyadii Ismaaciil Gama’diid wuxuu ku jiray rag wax ka dhisay jabhaddii USP. 


Ismaaciil Kenya kuma hakan ee waxa uu mar labaad isagoo qaxooti ah galay dalka  “New Zealand” halkaas oo uu ka dhisay dallad kulmisa muslinka dalkaas, isagaana guddoomiye u noqday, ilaa iminkana waxay muslimka dalkaasu ku dhaqmaan xeerarkii iyo tubtii uu ku hagay “Gama’diid” raad lama ilaawaan ah ayuuna “Gama’diid” ku reebay muslinka dalka New Zealand. 

Muddo sanado ah ka dibna, Ismaaciil “Gamadiid” wuxuu u wareegay oo dagay dalka “Australia” saaka mar aan la hadlay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas way murugaysnaayeen oo ay ilmadu dhabannadooda hooreysay; waayo Ismaaciil wuxuu ahaa hoggaamiye wax badan taray muslimka dalka “Australia”. Wuxuu horseed u ahaa ururinta lacagtii lagu gaday kaniisad ku tiil magaalada “ Brisbane” lagana dhigay masjid jaaliyadda Muslimiintu leeyihiin, iyadoo masjidkaas loo bixiyay “ Morooka Mosques” waa raad kaloo lagu xasuusan doono Ismaaciil, anigoo Eebbe ka tuugaya in uu maanta abaalkeeda helo.


Waxaan halkaan tacsi u marinayaa dhammaan ehelladii iyo qaraabadii saaxiibkay Ismaaciil Gama’diid, waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa wiilkiisii aan muddada rafiiqa ku ahayn dalka Suudaan Dr.Maxamed Diiriye. Waxaan leeyahay saaxiib Ismaaciil wuxuu ahaa khadar ilaahay ummadda u soo diray isagaana oofsaday ee samir iyo iimaan ilaahay haynaga siiyo.

Dr Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir)
Emai: ashkirnuur84@gmail.com


Dr. Ashkir waa Wasiiru Dowlaha Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Puntland, waana qoraa ka faallooda arimaha Siyaasadda iyo Taariikhda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.