Tuesday, May 07, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Opinion
  • Slideshow

Gadaangad (Maanso)

W.T. Faarax Cali Gammuute

Arar

Wax la yidhi, rag lays ku tiriyo ayay ka sebaanba ahaayeen. Wayse ahaan jirtaye, midkood baa loo gawaamay.’Lagu ma dhaamee, dhaqaaq’ baa lagu yidhi. Cagtaa laga gujiyay. Damac baa hor booday. Gacantuu u haadiyay.Isna yidhi bal soo haabo. Raggay isku lugta ahaayeen ayuu u ged baxay. Guuxiisii ayuu u sheegtay. Si buu wax u filayay, iyana si kale ayay ula muuqatay. Waxaa yimi is maan-dhaaf. Waa la kala booday. Keligii buu guulmay. Wuu ka sibiq dhaqaaqay.

Muddaa ka soo waaday. Habeenkii dambay xisbigay mucaaridka isku ahaayeen fagaarihiisii cagta sii galiyeen. Sheed bay ka daalacdeen. Ninkii makarafoonka haystay markaa ayay qac indhaha ku siiyeen. Mise waa qudhiisii iyo ninkay waayo-waayo is ahaan jireen. Ushaa laysku taabtay. Waa lays dhawray. Indhahaa laga wada hadlay.Lama diran dibnaha. Aamuskaa lagu sheekaystay. Ka gadaalla midkood baa dhegta u ballaadhiyay. Kii kalase ninka afkiisii bay kaga dhegtay. Ishuu ka dusiyay. Shoocad buu la yeeshay. ”Ilaahow abuurtaada maanaan caayin,” intuu ku mashiikhsaday, ayuu saaxiibkii gujiyay. Ku ye:”Horta ilkihiisu awal, ma sidaney u dhaadheeraayeen?”…

Anse taa waxaan ku keenay baan kuu dacaldhabiye, nimaan wejigiisu igu cusbayn baa maalinaan sidaa u fogayn laliyaha ka soo muuqday. Goob-jooge ahaan baa loo waraystay. Guul buu ka dhawaajiyay. Raadkiisii oon qallalin, welina sii qoyan, ayuu warkii soo galay. Dayraa isla meeshii laga soo tebiyay. Waysu kay qaban weyday. Kala-maan bay igu noqotay. Oomanteedii baan dib u guray. Sii gudhiyay raadkii…

Balse tuba, tu baad ku xusuusataaye, wax la yidhi, hooyaa wiilkeediiyoo toban dublaynaya aragtay. Kor waayeel wada indho weeyaane, midabbayntiisii baa ka yaabsatay. Fajac bay ku dhigtay. Shantay dhabanka la haabatay. Hami dabadiina, “U gogol badi”, bay ku tallantay. Af-dhalaalkii baa se ka tan badiyay, oo waxa uurka jiifuu afku kaa xadaaye, iyadoon is-ogeyn ayay tidhi, ”Alla Hantooliyow hooyo, diina badanidaa!”…

Far baa se weli ii taagane, wax la yidhi, caawa oo kalaa gabadh la soo hooyay. Laba daryaale galool mudhay mullaaxdii sheegtay, oo googooska loo kala rogay, ayaa lagu hubsaday. ”Kanu galbay,” baa ka yeedhay. Cirkaa mashxaradda lagu shareeray. Fiid horaadkiiba dhalinyaro is guratay baa gagidii ku kulantay. ”Cagta garangarteediyo” waa halkii Hadraawiye,”Isu geeye jiibkii”. Maddad bay yeelatay.Gooray sidaa isugu dhacayso, oy saarreydu cugashada ku haloosiyaayaan, ayay aroosaddiiyoo ka tuuraysaa is keentay. Iyadoon dheg la qabto lahayn oo dhex taagan baa la arkay. Is laba roggeedii baa xigay. Way ku leexaysatay!

Halkan ka akhri maansada: Gadaangad

W.T. Faarax Cali Gammuute

E-Mail[email protected]

 


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.