Wednesday, July 03, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Gabay: Dekanadi Ikraan Tahliil

W/Q Abwaan Xuseen Cabdi Xalene (Xalane)

Ikraan Tahliil Faarax ( AHN) oo u shaqayneysey hay’adda Sirdoonka ee NISA, ayaa la waayey 26 Juun 2021. Inkastoo hayaddu war ka soo saarin, haddana qoyskeeda ayaa bilaabay inay Baraha Bulshada ku baroortaan. Muddo ka dib waxaa soo baxdey in gabadha ay dishey isla hayddii ay u shaqeynsey ee NISA, iyadoo la magac-dhabay saraakiisha sarsare ee tuhunku lugta la galay iyo in isla saraakiishaasi uusduugeen.

Ikraan Tahliil Faarax ( AHN)

Taas oo Soomaalida ku riddey argagax iyo amakaag, waayo marna waa gabadh oo waa birimageydo, mar kalana in dawladdi sidaas wax u dili karto.

Waa ka rogoo labo saarey, muddo bil iyo jarjar ah ka dib waxay NISA soo saartey in gabadha ay Al-Shabaab afduubeen ka dibna dileen, iyagoon wax caddeyn ah soo bandhigin. Al-shabaab waa beenisey inay lug leeyihiin dilka Ikraan. Taasi waxay keentey inay shacabku kacaan iyo in arrintu yeelato waji qabiil, taasoo ku qasabtey in Raisul Wasaaruhu xilka joojin ku sameeyo taliyihi NISA, amarna ku bixiyo in baaritaan madax bannaan ku sameyaan hayadaha garsoorka ee ku lugta leh.

Ayaandarro waxay noqotey in madaxweynihi dalku ka hor imaado go’aanadi RW isagoo u muuqdey inuu difaacaya eedaysanaasha. Gabaygan wuxuu tibaaxayaa dilka iyo cawaaqibta ka dhalan karta haddii loo xaqsoori waayo;

  • Ikraaney dilkaagii sidey, uga dideen uunku
  • Dareenkeeda Soomaali bay, danaqday eeddaase
  • Dulmigii laguu geystey iyo, waliba uus duugga
  • Duq ma warin dalkana soo marin, deyrta ka horowe
  • Xeerarkeenna duugowbey ee, dirirta loo qaydey
  • Daa’imiyo inaan dumar la dilin, duq iyo waayeelka
  • Dadki birimageydada ahaa, cidi durquumeynin
  • Hadday maanta dilayaan raggii, nabada loo duubey
  • Gabdho dooxashadu waa dunuub, aan dalku aqoone
  •  Iska daa inay dooriyeen, Diinti nabadeede 
  •  Waxay caawa dumiyeenba, waa deyrka dhaqankiiye
  • Waa dabargo’eennii habkaa,  daaha loo furaye
  • Dawlad kuu xaqsoortiyo haddaad, daacadnimo weydey
  • Nin damiir leh wuu dubnixi, doqoni yeelkeede
  • Dadweynuhu inay dibad baxaan, oo dulmiga diido
  • Oo caddaalad doonka iyo dacwadda, dunida gaadhsiiyo
  • Dadaalkeedu wuu soconayaa, waana daw furane
  • Haddii uu dariiqdaa saxda ah, daawo dhalin waayo
  • Docdey aadi meeshi ka degi, duugta waan garane
  • Inta uu danbiiluhu xor yahay, Adiga oo duugan
  • Dirkaagiyo dadkii kula dhashay, oo ciil dibnaha buuxshay
  • Dabka inay gurtaan iyo inay, dabagalaan eedda
  • Oo ay colaaduhu durkaan, sow dan badimeyso
  • Fitnaduba intay dadan tahay, bay daawo leedahaye
  • Markay dabarka soo goosatee, daaha laga qaado
  • Deyr celiya iyo looma helo, xadhig dabbaalaaye
  • Dagaaladii sokeeyaha nin, ogi tani ma doorteene
  • Dillaal iyo danaystaa dalkii, daw ka raaridaye
  • Dekenada qabiil iyo markuu, darisku eedoobo
  • Sidi digo hulaaqdaa markay, baladu duuflaalto
  • Duuduub u aarsiga hadday, kuman ku daaduunto
  • Oo dadaan dunuubtaba ogeyn, loo dardarin haybta
  • Oon aano loo dilin Duq iyo, culumo duub weyn leh
  • Oo reerihii wada degenaa,  kala duljoogoobo
  • Duufaanka kaca way adkaan, say u demiyaane
  • Daandaansiga raggii kuu daldalay, ee dafirey dhiigga
  • Inayn Rooble hadalkii danayn, kala danbeyn maamul
  • Oon darajo laga qaadi karin, waa dulliga yaale
  • Waayagaa Dastuurkiyo sharcigi, diiddan kibirkoode
  • Inay dabaqad gooni yihiin, oo dalkaba yeeshay
  • Hadday hore dad qaar uga dadneyd, daahir bay tahaye
  • Farmaajaha danbiilaha inuu, daafaco u xeytay
  • Wuxuu dooni Damacaa gurracan, dooda murankeede
  • Aafada ku hoos duugan ee, dadan tilmaanteede
  • Dadkaan wali dareenkeeda qabin, daacadna u haysta
  • Xaqiiqada ninkii doonayoo, maqal daliilkeeda
  • Dekenada dalkoo idil gubtee ee, gaadhey dunidoo dhan
  • Ee dirirta Madaxda dalkaba, daadsan tahay suuqa
  • Ee xukuumadii kala dishiyo, kala danbeyntooda
  • Daawadeeda oo labo ahayd, miduun inuu doorto
  • Inuu Qaranku dumo oo halkaa, Dawlad ku idlaato
  • Iyo inan dunuubtaa rag galay, lagu dacweyn maanta  
  • Oon darajo laga qaadi karin, waa duruuf ugube
  • Dal dhan baan dilaa ooga xilan, duugta cidhibteede
  • Doc inuu danbi qayb yahay, oo dusha u saaran
  • Docna dirir sokeeyo inuu, dhiigu Xamar daato
  • Labaduba u daran waa damiin, aan dantii garane
  • Dadkoo idil dabkiyo way sitaan, danabka baaruude
  • Iyagoo xaqaagaa la daday, diiddan godobteeda
  • Aanada hadday dabagalaan, waa dulkey tagiye
  •  Nabad kuma dekeyn karo, raggii gaystey daannada e
  • Dugsi ma le Dal idil oon danbiga, lagu dacweyn ruuxe
  • Dullinimo ma qaayibo nimayn, dani ku seeteyne
  • Haddii aan danbiilaha sidii, Deero la ugaadhsan
  • Oo aan Dakanaa darteed, NISA loo duminin
  • Duuduubka Soomaali baa, ceeb dushow ridane
  • Adna degenki aakhiro Jannada, Eebbe kugu dooji

Xuseen Cabdi Xalane
———–
Abwaan Xalane waxa uu in badan ka soo shaqeeyay ha’addaha samafalka. Waxa kale oo uu Xalane horey u noqday Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya wakhtigii KMG  ee sanadkii 2010 iyo ka gadaal DFS ee  sanadkii 2014.

Qoraalla kale oo la xidhiidha Xalane:

–  WARAYSI: XUSEEN CABDI XALANE (XALANE): WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.