Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Marka Lama Taabtaha La Isku Taabto!

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Fahad yaasiin

Wuxuu ahaa shakhsiga ugu saamaynta badan maamulka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana lagu tilmaamaa ninkii madaxweyne Farmaajo u suurtogeliyay hankiisii ahaa in uu mar uun masallaha dhigto Villa Soomaaliya.

Waa dillaalka u dhexeeya dawladda F. Soomaaliya iyo dawladda Qadar oo iyadu la sheego in ay bixisay hantidii Farmaajo u adeegsaday doorashadiisa. Waxa uu aaminsanyahay habdhaqankiisana laga dheehan karaa in siyaasadda Soomaalida ay lacagtu wax walba u suurtogelin karto.

Waxa uu hore u soo qabtay xilka agaasimaha xafiiska madaxweynaha, isagoo iminkana ahaa agaasimaha hay’adda nabadsugiidda iyo sirdoonka Soomaaliyeed (NISA). Haseyeeshee sida laga wada dheregsanyahay awoodihiisu waa kuwo aad ugu weyn agaasime hay’ad dawladeed oo keliya.

Waxaa la aaminsanyahay in tallaabo aanu isagu raali ka ahayn aanu madaxweyne Farmaajo ku dhaqaaqi karin. Ras’iisal wasaare, Wasiirro iyo cidkasta oo xil ka haysa maamulka Farmaajona si uun buu magacaabistooda ugu luglahaa, isaga ayayna ka amar qaataan. Xataa ra’iisal wasaaraha hadda,  Maxamed Xuseen Rooble, waxaa la sheegaa in uu isagu keenay.

Sidaadarteed waxay shacabku u calaamo-saareen xil aan weligii hore loogu maqal siyaasadda Soomaalida, islamarkaana aan meelna kaga xusnayn qoddobada Dastuurka F. Soomaaliya. Mulkiilaha dawladda, taas oo ka dhigan in dawladda Farmaajo madaxweynaha ka yahay ay tahay hanti uu isagu iska leeyahay. Waa lama taabtaan cid uu ka haybaystaa aanay jirin.

Fahad Yaasiin X. Daahir, inkastoo sidaa aan kor ku xusnay uu yahay shakhsiga saxaafadda iyo baraha bulshada loogu hadalhaynta badanyahay maamulka Farmaajo, haddana ma aha nin ka soo muuqda warbaahinta, shirarka dawladda iyo fagaarayaasha midna sida looga bartay tan iyo intuu maamulkan ka midka ahaa. Waa nin ku jira dhuumasho dhabarku muuqdo.

Awooddaha xad-dhaafka ah ee uu ku dhex leeyahay maamulka Farmaajo, waxay dhaxalsiiyeen in uu cadaw badan kasbado. Wax walba oo ka khaldama iyo gaf kasta oo laga tirsanayo maamulka Farmaajo isaga ayaa eedda guudka laga saaraa gar iyo gardarraba..

Mas’uuliyiin xil laga qaaday, mucaarad la weeraray, madaxweynayaal hore oo safar laga horistaagay, maamul goboleedyo la farageliyay iyo waxyaalo kala oo badan oo dalka ka dhacay ayaa eeddooda dhiniciisa farta lagu soo fiiqaa. Haseyeeshee ma ahan nin u muuqda in eedahaasi dhib ku hayaan oo dhegba jalaq uma siiyo.

Ikraan Tahliil

Haddaba waxay godkiisii biyo ugu soo galeen dhawaan markii la waayay gabadh ka tirsanayd shaqaalaha hay’adiisa NISA, muddana aan wax wara laga maqal meel ay jaan iyo cidhib dhigtay. Waxay noqotay arrin demi weyday oo aanay aamusnaantu daawo u noqon karin.

Laba bilood ka dib markii waalid, oday-dhaqameed, siyaasiyiin, shacab, saxaafad cid waliba ka hadashay dawladdana caddaadis lagu saaray in ay geeri iyo nolol meel uun ku sheegto Ikraan Tahliil Faarax ayuu, mulkiilihii dawladdu soo saaray qoraal kooban oo sheegaya in gabadhaas ay dishay  argagixisada Alshabaab.

Haseyeeshee qoraalkaasi jawaabta uu ka bixiyay maqnaanshaha gabadhaas, waxaa ka badnaaday su’aalaha ka dhashay. Ma noqon wax lagu qanci karo isagoo sii kordhiyay uun shakigii laga qabay in maqnaanshaha gabadhaas ay ku lug leedahay hay’adda NISA ee uu madaxda ka ahaa Fahad Yaasiin. Waxaa Iyana arrinta cirka ku siishareeray ka dib markii ay Alshabaab beenisay eedaha NISA  ayna iska fogeeyeen, sheegeena in aanay arrintaas wax lug ah ku lahayn.

Cadho iyo xasilooni darro badan ayay dhalisay warqadda NISA. Waxaa culays badan arrintan ka soo gaadhay Ra’iisal Wasaare Rooble, kuna kaliftay in uu ku dhaqaaqo fal aan laga filayn, iskuna taabto mulkiilihii lama taabtaanka ahaa ee u sababta ahaa xilkan uu hadda hayo in loo magacaabo.

Shaqo ka joojintii uu Ra’iisal wasaare Rooble ku sameeyay Taliye Fahad waxay noqotay arrin aan laga filayn aadna ay u soo dhaweeyeen, uguna riyaaqeen dad badan oo ay ka mid yihiin odaydhaqameedyo, mucaaradka iyo dawlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Haddaba jawaabta madaxweyne Farmajo ka bixiyay xilka qaadista Fahad iyo wareegtooyinka isduqaynaya ee labada ma’uul waa arrin inoo muujin karta khalkhalka siyaasadeed ee ka dhalan karta marka lama taabtaha la isku taabto. Waxay sababtay dood shacabka ka dhex aloosanta labada mas’uul midka sharci ku taaggan falkiisu waafaqsan yahay awoodihiisa dastuuriga.

doodda sharcinimada labada wareegto waxaan u dhaafayaa sharciyaqaannada, laakiin iyadoo hadda aan ognahay in muddo xileedkii hay’adaha dastuuriga ah siiba baarlamaanka labadiisa aqal iyo madaxweynuhu ay muddo dhaaftay waxaan shaki lahayn in arrintani ay dab ku sii shidday xaaladdii iyo isdiidooyinkii siyaasadee ee dalka ka jiray.

Haddaba wareegtadan cusub ee uu soo saaray madaxweyne Farmaajo, xilka lataliyanimana ugu magacaabay Fahad Yaasiin iyo taliyaha cusub ee uu u magacaabay hay’adda NISA, waa arrin sii fogaynaysa uun in xaluhelidda khilaaffka ka dhex aloosan labda mas’uul.

Si kastaba ha ahaatee, Fahad Yaasiin haddii uu NISA joogo iyo haddii uu xil kale hayo, mar kasta waa shakhsi saamayn ku leh go’aanada ka soo baxa Villa Soomaaliya inta Farmaajo madaxweyne ku magacaabanyahay.

Hadda oo xilli doorasho lagu jiro shaki ma leh in Fahad isu diyaarinayo shakhsigii uu dhabarka ka taaban lahaa una caleemo-saari lahaa xilka madaxweynaha Soomaaliya, Farmaajo amaba cid kale midkuu doono ha noqdee, boorsooyinkii lacagta ahaana u diyaarsanyihiin.

Ugu dambayn, Fahad Yaasiin, mulkiilaha dawladdu, waxa uu inna baray in awoodaada siyaasadeed aanay ku xidhnayn in aad beel yar amaba mid weyn ka dhalato balse ay ku xidhantahay kartida aad u leedahay maaraynta siyaasadda aan meel loogu hagaago lahayn ee Soomaalida iyo xirfadda aad u leedahay baadhashada jeebabka amiirada Khaliijka.

W.Q. Khaliil Cabdiraxmaan Xasan

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.