Farmaajo oo u magacaabay Xasan Cali Kheyre Ra’iisal Wasaare

Farmaajo oo u magacaabay Xasan Cali Kheyre Ra’iisal Wasaare

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Soomaaliya ee dhawaanta la soo doortay Md. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa u  magacaabay Xasan Cali Kheyre, ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Md. Farmaajo oo ku qoray magacaabista ra’iisal wasaaraha bartiisa twitter-ka, ayaa ku sheegay sidan hoos ku xusan:

Md. Xasan Cali Kheyre, ayaa horey ugu shaqayn jiray hay’adda NRC (Norwegian Refugee Council), isaga oo markii dambe wakiil uga noqday Soomaaliya shirkada Batroolka ee Somaoil (Soma Oil & Gas)

Gadaal ayaanu idinkala socodsiin doonaa wixii warar ah ee soo kordha.

WardheerNews