Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Dibumilicsiga Kaydka WDN: Fanku ma wax laga toobad keenaa?

W.Q. Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)

“Inta ay fari i shaqaynayso; illaahayna waan caabudayaa; fanka qarrankayga sare u qaadayana waan wadayaa”,  Xudaydi.

Axmed Deeq

 Fanku waa hibo iyo howl, waa abuurid iyo wax soo saar, waa qurux iyo qaraaxo, waa khiyaal iyo sawirasho, waa horumar iyo hayaan, waa hilow iyo hammuun. Waa awood debecsan oo bulshooyinku si doqoni ma garatay ah ugu gudbiyaan afkooda, dhaqankooda, diintooda, dowladnimadooda iyo ilbaxnimadooda iyaga oo u maraya hab maqal, muuqaal, dhaqdhaqaaq iyo aragba. Waa astaan ahaanshiiyo oo bulsho waliba ku faanto, ku madadaalato, iskuna dareen geliso. Mana jirto adduunka bulsho aan fan lahayn, middii fankeeda dayrisaana waxay dalaq u tidhaahdaa mid kale. Haddaba, fanku wuu noocyo badan yahay, ee waxaynu maanta ka hadlaynaa fan heeseedku ma wax laga toobad keenaa?.

Anigu xilligan qofka fanka ka toobad keena waan u garaabaa, maxaa yeellay fanaankeennu aqoon diineed oo badan malaha, oo ma difaacan karo hibadiisa iyo shaqadiisa, waanu roon yahay haddii aan lagu qancin inuu nolosha ka toobad keeno. Sidoo kale waxa laga yaabaa inuu ku shaqeeyo aragtida ah: “Nin qoyani biyo iskama dhowro” oo is yidhaa xaaraan baad ku jirtay, waanad ka toobad keeni ee wax kale oo dhan walaaqo oo waxba ha xeerin ee dhinac walba u rid. Markaa intii la canaanan lahaa ama wax la waydiin lahaa, waxaan qabaa in horta wax loo sheego, wax la baro, wacyigiisana kor loo qaado. Cidda ugu horraysa ee uu ka martiyayo inay wacyigiisa kor u qaado, kaalintiisa bulshana ku baraarujiso waa isla fanaaniintii isaga ka horaysay, Maxamed Mooge oo ka hadlaya kaalinta fanaankuna wuxuu yidhi: “Fanaanku waa muraayaddii shacabka, ee waxa ay qabaan u gudbinayay dowladda, markaa fanaanku waa macallinka dadwaynaha. Fanaanku ruwaayadaha uma dhigo inuu dadka ku biiyo, ee wuxuu u dhigaa inuu mushkiladbulsheed oo markaa taagan inuu ku daaweeyo, marka waxaan ku tilmaami karaa fanaanku inuu yahay dowlad iskii calan u leh, waa macallin dhab ah oo sida uu baruhuba dabaashiirta iyo sabuuradda wax ugu baro, isaguna ugu bara masraxa, ama uga baahiya idaacadaha iyo rikoodhada”.

Intaa ka dib; qofku fanka inuu ku biiro iyo inuu ka baxo waa arrin doorasho oo uu isagu leeyahay; sidoo kale anshax xumadu nooc ay tahayba ma bannaana, oo ogaalkay ma jiro qof u doodayaa, kii anshax xumo sameeyaana haddii uu ka towbad keenno waa wax lafihiisa u wanaagsan, waxayse doodi dhalanaysaa marka uu yidhaa; fankii baan ka toobad keenay. Dooddaasi waxay ka dhex dhalanaysaa laba dugsi; 1: Dugsi qaba in miyuusiggu bannaan yahay asal ahaan iyo 2: Mid qaba inaanu bannaanayn miyuusiggu.

Qoloda xaaraan u arkaysay waxay bilaabaysaa bogaadin iyo soo dhawayn; kuwa xalaal u arkayayna yaab iyo waydiin ah: Fanku ma wax laga toobad keenaa?

Haddaba, ugu horrayn miyuusiggu diin ahaan inuu yahay mas’alo khilaafi ah oo lagu kala aragti duwan yahay, oo fahan diineed oo oggoli uu jiro waxaan ogaaday 2009kii, ka hor fahanka diidan ayuun baan ogaa. Ma aqaan culimadeennu waxay fahamka oggol bulshada uga qarin jireen, maxaa yeellay waxa habboonayd inay ammaanada aqoonta ilaaliyaan, oo ay yidhaahdaan fahan oggol baa jira, waxase aan ku qanacnay midka diidan. Mase dhicin taasi oo waxa laga yaabaa iyaga laftoodu inaanay maqal oo aan loo sheegin, iyaguna aanay baadhin, maxaa yeellay Sucuudiga iyo Yemen oo ay inta badan fahanka diinta ka soo qaadan jireen midkaa diiddan miyuusigga ayuun baa lagu hayay, illaa jeer danbe oo dhow. Ogaalkaa ka dib, waxaan galay baadhid iyo dabagal ku saabsan mas’alada, waxaanan gacanta ku dhigay kitaab uu leeyahay Sheekh Yuusuf Qardaawi oo la yidhaa: ‘Xukunka heesaha iyo miyuusiga iyada oo laga shidaal qaadanayo kitaabka iyo sunnaha” Kitaabkani wuxuu soo aroorinayaa labada dhinac iyo mid waliba waxa uu fahankiisa nusuus u haysto iyo waxa uu ku bushinayo fahanka ka soo horjeeda. Haddaba, is barbardhig ka dib waxan ku qancay oo illa xoog badnaaday fahanka miyuusiga oggol. Intaa wixii ka danbeeyay waxaan ku jiray tabliiqiyiinta ku howlan is waafajinta fanka iyo diinta, haddii aan si kale u dhigana wadaadka iyo fanaanka. Hadda ka horna waxan daawaday muuqaal Salaad Ciid ah oo lagu casuumay fanaanka weyn ee reer Soodaan Maxamed Amiin si uu takbiirta salaadda ka horaysa codkiisa halaasiga ugu jalbeebiyo bulshada, wadaad iyo waranlena aad loogu wada faraxsan yahay. Ka dib waxan is waydiiyay tolow wadaadkeennu Xasan Aadan Samatar ama Maxamed BK (Intii aanu fanka ka toobad keenin) ma ku casuumi lahaa salaad ciideed oo ma la odhan lahaa garoon hebel waxa ku qoran doorkan Takbiirta Hoobal hebel. Marka ay cibaadadu dhammaatana bandhig farxadeed ma la dhigi lahaa? Yaa Salaam.

Ugu danbayn waan qirayaa in fanku goldaloolooyin badan leeyahay, waan qirayaa inuu tayayn u baahan yahay, waan qirayaa inuu hufid u baahan yahay, laakiin kama maaranno fan wanaagsan, kamana maaranno diin, haddaba ma habboon tahay in bulshada fanka iyo diinta la isku waafajiyo, oo wadaadka iyo fanaanku is dhamaystiraan, oo muxaadarada wadaadku jeedinayo marka aynu ku yar caajisno fanaanku hees miyuusig macaan leh boodhka inagaga yara jafo?

W.Q. Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed Deeq)
Email: [email protected]

F.G. Maqaalkani waxa uu WDN ku soo baxay Nofember 26, 2018.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.