W/Q. Cabdicasiis Guudcadde
“Booqasho keliyaa, badh iga hadhayee, bagoo aanad ina soo bariidiney.”

Erayadaas oo keli ah ayaa badweynta fanka Soomaalida ku soo daray qoftan baxaalliga ka noqon doonta badweyntaa. 1961 weeye sannadku. Raadyaw Hargeysa guddida ka socota, ee uu hoggaanka u yahay Cali Sugulle Duncarbeed, ayaa imtixaan ka qaadaya. Magaceeda ayaa la wayddiinayaa. Si dhiirrani ku jirto, ayay u sheegaysaa: Xaliimo Khaliif Cumar. Ka timi Gaalkacyo. Una socota in ay heesto. Baahida loo qabay in la helo hablo heesaa aad ayay u badnayd. Markii la waydiiyay heesta ay qaadi doontana, laxanka Raaxeeye Banaadiriga ayay midhahaa ka qaadday.
Fanka casriga ah ee Soomaalida iyo Xaliimo isku sannad ayay dhasheen. 1943 ayuu Cabdi Sinimoo iyo kooxdiisa Balwo sababeen in fanka Soomaalidu qaato qaab cusub, isla gu‟gaa ayayna Khaliif Cumar iyo Xaaskiisa Maddiino Dabay u dabbaaldegeen in inani ku soo biirtay qoyskooda Beledweyne deggan, iyaga oo aan waxba ka ogayn halka ay inantaa yari gaadhsiin doonta fankaa Sinimoo iyo kooxdiisu maanta Boorama ku yabyabayaan. Isla sannadkaa ay Magool dhalatay, waxa hawada markii kowaad laga dhegaystay Raadyawgii u horreeyay ee af Soomaali ku hadla, Raadyaw Hargeysa (oo markaa ahaa Raadyaw Kudo). Raadyawgani in uu in badan martigelin doono inanta ku dhalatay dhawrka kun ee kiiloo mitir meesha u jirta cidina may ogayn. Maalintii ay goosatay in ay dhiibto istiqaaladda shaqadii shaah-shubidda ee ay ka haysay maqaaxida Gaalkacyo, ayay Xaliimo qaadday jidka aan weligii qaloocsamayn ee ay u martay fanka Soomaalida.
Socodka ay Hargeysa ku timi, ee ay tartanka ku gashay, kuna soo baxday, ayay midhahiisa gurteen jiilasha fanka Soomaalida xiiseeya ee ka danbeeyay oo dhami. Maaddaama dadka lagu dhex faafiyay in diintu aanay oggolayn gabadh heesta, oo „ceeb iyo caasinnimo‟ loo arkayay, Xaliimo in magac tobalcaaro ah loo sameeyo ayaa qasab noqotay…sida hablaha kalaba loogu yeeli jiray (Xasuuso: Maandeeq, Guduudo, Baxsan, Iftin…). Cabdi Ayuub, oo waagaa Agaasime ka ahaa Raadyaw Hargeysa, ayaa ku dhawaaqaya abaalmarin u taal ciddii magac u soo bixisa fanaanaddan cusub. Yuusuf X. Aadan Qabille erayadan uu ka curiyay codkii marka keli ahaa uu ka maqlay Xaliimo, ayuu ku mutaystay in uu ku guulaysto 300 oo shilin oo miiska saarnaa:
Man u saaray
May arooryaad iyo
Ma mooday
Magool kaliileed!
Sidaas ayay Xaliimo ku heshay shaqo cusub iyo magac cusub. Magool. Bartan ayay isku baranayaan fanka iyo Magool, saamaynteeda nus qarniga soo socdaana wuxuu geyaysiinayaa in ay fanka ka dhigto mid magoolay!
Halkan ka akhri qoraalka oo dhan: Fan Magoolay
W.Q. Cabdicasiis Guudcadde
Email: aguudcade@gmail.com
Leave a Reply