Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Baarlamaanka F. Soomaaliya oo Ansixiyay Ibeddel Lagu Sameeyay Xeerka Bangiga Dhexe

Muqdisho, Xildhibaannada Baarlamanka F. Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey isbeddel lagu sameeyey Xeerka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya. Isbeddelkan sharci ayaa meesha ka saaraya shuruudo ka horistagayay in jagada guddoomiyaha Bangiga Dhexe  uu qabto qof aan Soomaali ahayn.

Cod loo qaaday isbeddelkan ayaa waxaa oggolaaday 158 ka mid ah xildhibaannada halka ay ka diideen17 xildhibaan oo keliya, mana jirin cid ka aamustay.

Wax ka beddelka xeerka Bangiga Dhexe  ayaa ka dhigan in Bangiga Dhexe uu madax ka noqon karo qof ajnabi ah iyadoo arrintani ay dood weyn ka dhex dhalisay bulshada Soomaaliyeed maalmihihii aan soo dhaafnay.

Baahida keenaysa in isbeddel lagu sameeyo xeerkan ayaa dad bani shaki ka muujiyeen iyadoo wararka qaar sheegayaan in jagadan lagu wado in uu qabto nin u dhashay dalka Biritayn laguna magacaabo Nigel Roberts oo xidhiidh dhaw la leh Villa Soomaaliya.

Ma cadda sababta ay Villa Soomaaliya u doorbidayso in qof ajnabi ahi uu qabto xilka Jagada guddoomiyaha Bangiga Dhexe iyadoo la heli karo dad badan oo Soomaali ah aqoon, karti, iyo waayo-aragnimana u leh shaqada bangiyada iyo culuunta dhaqaalaha.

Aqoonyahan Soomaaliyeed oo WDN wax ka weydiisay arrintan ayaa sheegay in uu filayo in madaxda Soomaalidu rabto in ay kalsooni ka hesho hay’adaha maaliyadda ee caalamiga ah iyo waddamada deeqaha bixiya maadaama dawladda Soomaaliyeed ay tahay mid magac xun u meelmaray oo mar walba lagu eedeeyo musuqmaasuq baahsan.

Inkastoo ay jireen xildhibaanno si aad ah uga soo horjeestay wax kabeddelka xeerkan haddana aqlabiyadda weyn ee baarlamaanku ku ansixiyay xeerkani waa mid marag cad u ah sida ay dawladdu gacanta ugu dhigtay hay’adda xeerdejinta oo ah hay’adda ugu sarraysa dalka matashana shacabka.

Xildhibaan Sakariye xaaji Maxamuud oo ka tirsan xildhibaannada Baarlamaanka F. Soomaaliya oo ka mid ahaa xubnihii sida weyn uga soo horjeestay waxka beddelka sharcigan ayaa arrintan ku tilmaamay fadeexad la mid ah middii dhiibista Cabdikariim Qalbi dhagax ay dawladdu u dhiibtay waddanka Itoobiya.

Xildhibaan Sakariya ayaa xukuumadda weydiiyay Kitaabkii lagu dhaarin lahaa haddii qof ajnabi ah oo gaal ah xilka guddoomiyaha bangiga dhexe loo dhiibo iyo afkii uu kula shaqayn laha shaqaalaha kale.

Si kastaba ha ahaatee arrintan ayaa noqonaysa mid sii kordhisa ka aamin baxa iyo kalsooni darrada isa sii taraysa ee shacabka Soomaaliyeed ka qabaan dawladda uu hoggaamiya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

WardheerNews


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.