Faadumo Dayib oo laga reebay guddiga ilaalinta anshaxa doorashada ka gadaal dacwad uga timid Xasan sheekh

Faadumo Dayib oo laga reebay guddiga ilaalinta anshaxa doorashada ka gadaal dacwad uga timid Xasan sheekh

Muqdishu (WDN) Warar lagu kalsoon yahay oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegaya in Faadumo Dayib laga reebay guddi dhawaan uu Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay. Guddigaasi oo loo igmaday ilaalilanta anshaxa iyo asluubta doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan, Faadumo oo horey uga mid aheyd xubnaha u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa laga reebay guddigaasi markii uu dacwad ka keenay Xasan Sheekh, oo ka cawday in aanu ku kalsooneyn dhexdhexaadnimada Faadumo.

Faadumo Dayib

Guddoonka ayaa ka gadaal aqbalay codsiga Xasan Sheekh, islamarkaana ka reebay Faadumo in ay ka mid noqoto guddigaasi.

Sidoo kale Cabdillaahi Fartaag ayaa laga saaray guddiga qabanqaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, ka dib markii uu cadaadis uga yimid murashaaxiinta, qeybo badan oo ka mid ah bulshada Soomaliyeed iyo bahda Saxaafada.

Fartaag ayaa qeyb ka noqday ol’olaha doorashada Xasan Sheekh, isaga oo si badheedh ah u taageeray, islamarkaana si weyn uga qeyb galay ol’oleha doorashada ee Xasan sheekh.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.