Ergeyga cusub ee Midowga Afrika Soomaaliya oo Muqdisho soo gaarey

Muqdisho (WDN)- Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ATMIS, Danjire Mohammed El-Amine Souef ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu ula wareego xafiiska sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay hawlgalka ATMIS.

Ergeyga cusub ee Midowga Afrika Soomaaliya oo Muqdisho soo gaarey

Danjire Mohammed El-Amine Souef  ayaa xilkan waxaa bishii Sebtember u magacaabay Madaxa  Midowga Afrika Moussa Faki, waxaana magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Fiona Lortan oo ah ku xigeenka ergayga gaarka ah, madax ka tirsan wasaarada aArimaha Dibadda Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidmada hawlgalka midowga Afrika ee ATMIS.

Danjire Mohammed El-Amine Souef ayaa bedelaya wakiilkii hore ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Amb. Francisco Madeira, kaasi oo uu Ra’iisal Wasaarihii  hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble dalka ka eryay bishii April, kadib markii uu ku eedeeyay inuu ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa oo faragelin toos ah uu ku sameeyey madax banaanida Soomaaliya

Amb. Souef ayaa horey u ahaa madaxa xafiiska gobolka Gao ee Hawlgalka Xasilinta Isku-dhafka ee Qaramada Midoobay ee dalka Mali (MINUSMA), waxaa kale oo uu soo noqdey wasiirkii arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ee Jaziiradda Comoros. Danjire Souef ayaa sidoo kale soo noqday madaxa xafiiska gobolka ee hawlgalka Isku-dhafka ah ee midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee gobolka Darfur ee wadanka.

Maxamed Cumar
Wardheernews, Muqdisho