Muqdisho (WDN)- Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha iyo gargaarka bini aadminimada Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa maanta ku dhawaaqay in dalka ay ka jirto xaalad bini aadmino oo aad halis u ah muhiimna ay tahay in si degdeg ah wax looga qabto. Waxa uuna maanta soo bandhigey xaaladda abaaraha dalka iyo saamaynta xoogani ay geysteen.
Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa soo bandhigey xog ururin abaaraha dalka la xiriirta oo tan iyo markii la magacaabey uu sameeyey, isagoo shirar la qaatey masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Soomaaliya iyo maamulada dalka ka jira. Waxa uuna xogta ay heleen ee xaaladda abaaraha dalka ka jirta la xiriira ku soo koobey :-
- 6.1 milyan oo qof oo Soomaali ah ay halis ku sugan yihiin
- Wacyigelin la’aan baahsan ay ka dhex jirto bulshada
- Gurmad iyo birmad degdeg oo loo baahan yahay
- Deeqaha howlaha gargaarka dalka oo aad u ugu yar baahida jirta
- Wadajir iyo wadashaqeyn dhanka siyaasadda ah in ay lagama maarmaan tahay
Ergeyga ayaa baaq u direy dhamaan xubnaha beesha caalamka, dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed. Waxa uuna ka codsadey in gurmad degdeg ah lala soo gaaro dadka aadka ugu dhibaatoobey abaaraha ee malaayiinta gaaraya .
Dhanka kale ergeyga ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay ka shaqeynayso sidii loo mideyn lahaa dadaalada loogu gurmanaayo dadka abaaruhu saameeyeen, waxa uu sidoo kale tilmaamay in dhankooda u fududeyn doonaan hay’addaha gargaarka ka shaqeeya sidii ay hawlahooda gargaar loo dadajin lahaa una gaarsiin lahaayeen goobihii loogu talogaley.
Dawladda Soomaaliya ayaa ku howlan dadaallo loogu gurmanayo malaayiinta Soomaalida ee dhibaatada xooggani haysato, xilli xaaladan abaareed lagu tirinayo tii ugu xumeyd ee Soomaaliya soo marta tan iyo 2011.
Xiligaasi oo ay dhacdey abaar aad u daran oo dad iyo duunyaba baabi’isey waxaana waqtigaasi gurmad lama ilaabaan ah oo taariikhi ah dalka lasoo gaarey dawladda Turkiga oo madaxweynihii dalkaas iyo wafdi ballaaran uu hogaaminayo dalka booqasho ku yimid deeq bini aadmino oo baaxad lehna shacabka Soomaaliyeed ugu deeqay.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply