Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maraykanka oo si wadajira u bogaadiyay hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maraykanka oo si wadajira u bogaadiyay hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda koonfurta Soomaaliya

Muqdisho (WDN)- Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadkan sheegtay in wejigii hore ee gulufka ka dhanka ahaa al-Shabaab lagu dilay in ka badan 3 kun oo ah mintiidiinta ururkaas ah, laguna dhaawacay 3700 oo kale. 

Dawladda ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in al-Shabaab laga qabsaday 70 degaan, tuulo iyo magaalo, iyadoo sidoo kalena sheegtay in in dalku kusii siqayo wejiga labaad ee gulufka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al Shabaab. 

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Kamaal Daahir Xasan (Guutaale), ayaa waraysi uu siiyey VOA ku sheegay in dadka iyo dawladda Soomaaliyeed oo is garabsanayaa ay suurtogeliyeen guulaha ay ciidanku ka gaareen Al- Shabaab muddada kooban. 

“Waxay Al-Shabaab ka xoreeyeen in ka badan 500KM, welina way ku daba jiraan,” ayuu yiri Kamaal Daahir Xasan Guutaale. 

Sidoo kale Safiirka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Larry Andre, ayaa qoraal uu usoo qoray VOA ku yiri  “Hawlgallada ay Soomaalidu hoggaaminayeen waxay madaxbannaanidii Soomaaliya kusoo celiyeen saddex meelood-meel dhulkii ay sida xun u maamulayeen al-Shabaab”. Sidoo kale wuxuu wuxuu intaas ku daray  “Soo af-jaridda caburiska Al-Shabaab waa tallaabo kale oo horey loogu qaaday dib usoo noolaynta buuxda ee Soomaaliya.” 

Dhinaca kalena Af Hayeenka ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in gulufkii koowaad ee dawladda Soomaaliya oo taageero ka helaysa dadka degaanka ku qaaday ururka uu “fashilmay,” sida uu hadalka u dhigay. 

Cali Maxamuud Raage “Cali Dheere” ayaa hadalkan ku sheegay waraysi uu siiyey idaacad taageerta ururka Al-Shabaab oo lagu magacaabo Al-Furqaan.

Siciid Maxamed Axmed
WardheerNews