Muqdisho (WDN)- Koox hubaysan oo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa saaka degaanka Baarsangooni hoos taga maglaada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose, ku qaaday weerar ku bilowday qarax, kadibna halkaas waxaa ka dagaal ku dhexmaray Ciidamada Soomaaliya iyo Al Shabaab. Weerarkaasi ayaa la sheegayaa in maleeshiyaadka Al SHabaab ay ku beegsadeen saldhig ciidan.
Dhinaca kale degmada Baar-dheere ee duleedka magaalada Beled-wayne ee gobolka Hiiraan, waxaa saaka aroortii dagaal kusoo qaaday maleeshiyaadka ka tirsan Al-Shabaab, waxayna sidoo kale kooxdu beegsadeen saldhig Ciidan, oo ay halkaas ku lahaayeen Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo Ciidamada degaanku.
Weli wax faahdaahina lagama helin khasaaraha ka dhashay weeraradan.
Siciid Maxamed Axmed
WardheerNews