Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Slideshow

Doorka Maxkamadda Dastuurka: Afar iyo labaatan sanno kabacdi Maxkamadda Dastuuriga ee Puntland?

W/Q Siciid Maxamed Axmed “Carafaad”

Dastuurka Soomaaliya oo la ansixiyey 2012 ayaa dhigaya Maxkamadda Dastuuriga[1]. Dastuurku wuxuu Maxkamaddan awood u siinayaa inay go’aan kama dambays ah ka gaadho dhammaan khilaafyada Dastuuriga ah, sida khilaafyada ka dhasha xilalka, awooddaha iyo shaqooyinka u dhexeeya hay’addaha Dastuuriga ah ee dawladda federaalka iyo kuwa dawlad gobolleedyadda.  Sidoo kale waxaa awoodda Maxkamadda Dastuuriga Soomaaliya ka mida inay fasiraad ka bixiso qodobada dastuurka haddii uu khilaaf ka dhasho, iyada ayaana dhaqangelinaysa saraynta sharciga, kala madaxbannaanida hay’addaha dastuuriga ah heerkastoo ay yihiin[2].

Xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ee Soomaaliya waxay ka koobanyihiin shan garsoore oo ay ku jiraan Garsooraha sare iyo ku xigeenka Garsooraha sare[3], mudda xiloodkooduna waa shan (5) sanno.

Weli Soomaliya ma helin Maxkamad Dastuuri ah, maqnaanshaheeda ayaana sabab u noqday is qaqabsiga siyaasiyiinta sida madaxda dawladda federaalka dhexdooda iyo sidoo kale kuwa dawlad gobolleedyada. Tira malaha inta jeer ee madaxda sare ee dalku ay isku qabsadeen arrimo la xiriira Dastuurka, sidaas daraadeed haddii aanan dalka loo dhisin garsoor madaxbanaann iyo maxkamad Dastuutri ah, khilaafka Dastuuriga ah iyo fawdada  dhinaca sharciga laga dhammaan maayo inta laga heleyo Maxkamadda Dastuuriga.

Dhanka Soomaaliland Maxkamadda Dastuuriga waxay ka koobantahay Guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo dhammaan Garsoorayaasha Maxkamadda sare[4]. Awooddeedana waxaa kamida fasiraada iyo macnaynta Dastuurka iyo xeerarka kale ee Soomaliland lagaga dhaqmo, marka laysku qabto nuxurka u jeedadooda, iyo sidoo kale fasiraada iyo wax ka bedelka xukumadda garsoorka ee Dastuurka khilaafsan[5].

Maxkamadda Dastuuriga ee Soomaaliland way shaqaysaa oo marka khilaafyo sharci dhashaan iyada ayaa go’aan ka gaarta, sidaas ayaanu ku dhaqangalaa xukunkaasi, go’aanadeeduna waa kama danbays.

Dhinaca kale ee Puntland, wali kama jirto maxkamadda Dastuuriga 24 sano kadib dowlad dhiskii Puntland, inkasta oo hadda la wado dadaallo lagu yagleelayo maxkamadda dastuuriga, oo la magacaabay xubnihii maxkamadda dastuuriga asaaska u ahaa, walise la sugayo dhaqan gelinteeda.

Haddaba waxaynu maqaalkan si gaara ugu eegi doonaa:

  1. Maxkamadda Dastuuriga ee Puntland, afar iyo laabatan sanno ka bacdi, Puntland ma leedahay Maxkamad Dastuuriga?
  2. Xeerka dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ee Puntland wuxuu soo baxay 2013 ilaa iyo hadda maxay Puntland mar qura u yeelan wayday Maxkamad Dastuuriga?
  3. Hannaanka dhismaha, awoodda, luminta xubunimadda Maxkamadda Dastuuriga, iyo sidoo kale malaga maarmi karaa Maxkamadda Dastuuriga?
  4. Doorka Maxkamadda Dastuuriga ee Hannaanka qof iyo cod,  maxaa laga fili karaa magacaabista xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ee dawladda Siciid Cabdullaahi Deni soo dhisayso?

Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah

Dawladda Puntland waxay yeelanaysaa Maxkamad Dastuuriga ah, garsorayaasheeduna waxa ay ka koobnaanayaan:

  1. Garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo ka kooban 5
  2. Afar garrsoore oo bulshada laga soo dhex xulay[6].
  3. Wadarta garsoorayaashu waa sagaal garsoore[7].

Afarta garsoore ee bulshada laga soo xulayo,  laba kamida waxaa dooranaya Golaha Wakiillada, laba kalena waxaa soo xulaya Golaha Xukuumadda. Sida uu dhigaco dastuurka Puntland, waxa ay aheyd in la dhiso Maxkamadda Dastuuriga 2013, oo ku beegneyd wakhtigii la ansxiayay xeerka dhismaha Maxkamadda Dastuuriga, oo hadda lagu joogu muddo ku dhow 10 sanno.

Xeerkaas oo dhigaya  in Maxkamadda Dastuuirga uu ansixanayo  Golaha Wakiillada[8], waxaana afarta garsoore ee bushada laga soo dooranayo lagusoo magacaabayaa muddo dhan soddon beri marka Golaha Wakiilladu ansixiyo xeerka dhismaha Maxkamadda Dastuuriga[9], ah oo la ansixyey sanadkii 2013[10] .

Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ee aan ka tirsanayn Maxkamadda sare waxaa laga hubinayaa inay buuxiyeen shuruudaha uu qorayo qodobka 91aad ee Dastuurka Puntland kuwaasoo ah:

  1. Waa inuu yahay muwaadin Puntland Muslim ah, gutana waajibaadka diiniga ah.
  2. In aan xuquuqdiisa maxkamaddi laalin shantii sanno ee ugu danbaysay.
  3. In aan da’diisu ka yarayn 40 sanno.
  4. Inuu haysto shahaado culuunta sharciga oo uu ka qaatay Jaamacad la aqoonsan yahay.
  5. Inuu leeyahay waayo-aragnimo garsoor oo aan ka yarayn shan (5) sanno ama qareenimo lix sanno aan ka yarayn.
  6. Inuu yahay qof lagu yaqaan hufnaan iyo daacadnimo, islamarkaana aqoon iyo kartina u leh arrimaha sharciga.

Waxaa Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ee Puntland noqonaya:

  1. Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland[11],
  2. Kaaliyaha Maxkamadda Sare ayaana noqonaya Xoghayaha Maxkamadda Dastuuriga ah[12],  
  3. Xarunta ay ku shaqaynayso Maxkamadda Dastuuriga ah waa caasimadda Puntland ee Garoowe[13].

Luminta xubinnimada Maxkamadda Dastuuriga ah[14]

Xubinnimadda Maxkamadda Dastuuriga ah waxaa lagu waayi karaa marka ay sugnaato mid ka mid ah sababaha oo uu tilmaamayo qodobka 98aad ee Dastuurka Puntland :

  • Haddii qofku lumiyo shuruudihii lagu soo doortay mid ka mida ah.
  • Geeri ku timaado ama ay dhacdo jirro keenta in xil gudasho la’aan.
  • Qafku keeno istiqaalo lagana aqbalo.
  • Ku xad-gudbo/gudubto Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo qawaaniinta Dalka.

kh.  Maxkamadi ku xukunto fal danbiyeed culus

Haddii markaa garsooraha lagu helo mid ka mida qodobadan, waxa uu  lumi-nayaa ama lumi-naysaa xubunimada Maxkamadda Dastuuriga, waa in markaa lagu buuxiyaa booskaa bannaanaaday afartan iyo shan (45) maalmood gudohood[15].

Awooddaha iyo xilalka Maxkamadda Dastuuriga

Maxkamadda Dastuuriga ah waxa ay leedahay awooddo u gaara oo Dastuurka dawladda Puntland [16]iyo Xeerka Maxkamadda Dasruuriga ee Puntland[17] siinayaan, waxaana ka mida awooddahaa :

  1. Awoodda waxba kama jiraanimada (null and void): Maxkamadda Dastuuriga waxay awood u leedahay inay buriso, xeer, xeer-hoosaad, wareegto, iyo amar maamul gebi ahaan ama qayb ahaan, sababo la xiriira inuu Dastuurka khilaafsanayhay. Sidoo kale waxay waxba kama jiraan ku tilmaami kartaa talaaba kasta, degreeta kasta, iyo amar kasta oo ay soo saaraan hay’addaha dawladda, hawl wadeenada dawladda ha ahaadeen kuwa jagooyinka sar sare jooga ama kuwa shaqooyinka yar yar haya; haddii ay khilaafsanyihiin Dastuurka Dawladda Puntland iyo mabaad’idda Shareecada Islaamka. Tusaalle haddii madaxwaynuhu uu adeegsado awood aanu lahayn sida ku takrifalka awooda (power abuse)  ee uu haddaba sameeyo ee magacaabida shaqaalaha Rayidka ah oo aan loo marin Guddiga Shaqaalaha Rayidka, oo uu soo saaro degreeto baal marsan sharciga, cida leh masuuliyada inay waxba kama jiraan ku tilmaamtaa waa Maxkamadda Dastuuriga ah.
  • Ilaalinta xuquuqda Dastuuriga ah ee muwaadinka: haddii muwaadin xuquuqdiisa dastuuriga ah lagu tunto, waxaa uu cabashadiiisa u gudbinayaa Maxkamadda Dastuuriga ah, iyada ayaana leh go’aan ka gaarista cabashada muwaadinka ee la xiriirta tacaddigaa loo gaystay xuquudiisa dastuuriga ah. Xuquuqda uu Dastuurka Puntlanad muwaadiniinta siinayo waxaa kamida: waxbarashadda, caafimaadka, xuquuqda siyaasiga [18]ah iyo kuwa kale. Tusaalle haddii uu muwaadin buuxiyey shuruudihii inuu u tartamo xil isla markaana loo diido inuu tartamo, waxa uu cabashadiisa u gudbinayaa Maxkamadda Dastuuriga ah iyada ayaana go’aan kasoo saaraysa, loogana fadhiyaa inay qofkaa usoo celiso xaqiisa.

Waxay go’aan ka gaaraysaa khilaafyada ka dhexeeya Hay’addaha dawliga ah: Maxkamadda Dastuuriga ayaa go’aan ka gaaraysa dhammaan khilaafaadka u dhexeeya hay’addaha dawliga ah sida hadba awooddahooda dastuuriga iyo xilalkoodu kala yihiin.

Halkan ka akhri maqaalka oo dhan: Doorka Maxkamada Dastuurka: Afar iyo labaatan sanno ka bacdi Maxkamadda Dastuuriga ee Puntland?

W/Q Siciid Maxamed Axmed “Carafaad”
Email: [email protected]


Tixraac:
[1] Fadlan fiiri qodobka 108aad ee Dastuurka Soomaaliya
[2] Fadlan fiiri qodobka 109[C] aad ee Dastuurka Soomaaliya
[3] Fadlan fiiri qodobka 109[B] aad ee Dastuurka Soomaaliya
[4] Falan fiiri qodobka 14aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka Soomaliland [Xeer LR-24/2003]
[5] Falan fiiri qodobka 15aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka Soomaliland [Xeer LR-24/2003]
[6] Fadlan fiiri qodobka 94aad, faqradiisa 1aad ee Dastuurka Puntland.
[7] Fadlan fiiri qodobka 1aad, faradiisa 2aad Xeerka Maxkamadda Datuuriga ee Puntland.
[8] Fadlan fiiri qodobka 94aad, faqradiisa 3aad ee Dastuurka Puntland.
[9] Fadlan fiiri qodobka 94aad, faqradiisa 2aad ee Dastuurka Puntland.
[10] Sharci Lr 4.ee 09/07/2013, kuna saabsan ansixinta Xeerka Maxkamadda Dasruuriga ah ee Dawladda Puntland oo ku jira kaydka xeerarka ee dawladda Puntland.[website-Puntlnad Parliament]
[11] Fadlan fiiri qodobka 94aad, faqradiisa 5aad ee Dastuurka Puntland.
[12] Fadlan fiiri qodobka 94aad, faqradiisa 7aad ee Dastuurka Puntland
[13] Fadlan fiiri qodobka 94aad, faqradiisa 9aad ee Dastuurka Puntland
[14]Fadlan fiiri qodobka 98aad, ee Dastuurka Puntland
[15]Fadlan fiiri qodobka 94aad, faqradiisa 8aad ee Dastuurka Puntland
[16]Fadlan fiiri qodobka 95aad ee Dastuurka Dawladda Puntland
[17]Fadlan fiiri qodobka 9aad ee Xeerka Maxkamadda Dastuuriga ah
[18] Fadlan fiiri qodobada 41aad iyo 44aad ee Dastuurka Puntland


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.