Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Doorasho Mise Kushubasho: Doorashada labada Gole ee 2021 ee Dawlad Goboleedka Puntland (Q.3aad)

W/Q. Cismaan X. Maxamed 

Waxaa dhawaan soo xirmey shirkii wadatashiga ee Wawlad Goboleedyada iyo Dawladda Federaalka ee 21 -22 August. Shirarka nuucan ah waxuu noqonayaa joogto bille ah ilaa inta doorashadu ka soo gabagaboobayso sidii doorashadii dadbaneyd ee 2016kii. Muddada lagu dhex jura doorashada waxaa kolba soo baxa waxaan horey loogu talagalin ama wax lagu talagalay oo hirgalintiisu adkaato, sababtaa ayaana qasbaysa in bil walba ay madaxdu yeelato Shir Bille ah oo joogta ah. 

Goa’anka ka soo baxay shirkan nuxurkiisu, waxuu ka tarjumayaa sharcigii doorashada dadban ee tirsigiisu ahaa 30. Sida caadada ah waxaa soo saara habraaca doorashada Guddiga Doorashada ee heer federaal isaga oo raacaya sharci lamber 30. Maba ahayn in Golaha Wadatashiga Qaranku soo saaro habraac, haddana haddii ay dhacday in ay soo saaraan waxuu noqday mid hal tallaabo oo horumar ah leh – Waa haddii sida loo qorey loo hirgalinayo. 

Haddaba waxaa muuqata in doorashadan dadban ee 2021 ay ka saartey meesha doorkii ay lahaayeen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee 135 ka ahaa. Ma xuma oo waxaa awooddii hoos loogu daadajiyey duqeyda Jufada iska leh kursiga ama uu ka dhexeeyo in ay soo xulaan ergada jufada. In hal odey dhaqameed kaligii go’aan ka gaaro kuraas jufooyin badan ka dhexaysa, waxaa ka fiican in awoodda loo daadajiyo duqeyda kursiga iska leh, si aanay u dhicin hal odey dhaqameed in uu go’aan ka gaaro kuraasta reerka, iyadoo aan ogeyn musuqmaasiqii ay sameeyeen 2016kii odeyada dhaqanka ee 135ta ah. 

Hase yeeshee su’aashu waxay ka taagan tahay awoodda hoos loo daadajiyey oo odey dhaqameedyada ama duubabka Jufada ka diiwaangashan Dawlad Goboleedka la siiyey faragalin la’aan ma noqoneysaa? Maadaama la arkey sida madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyada , haba kala darnaadeene, ugu takrifaleen awooddii loo siiyey soo xulidda Xubnaha Aqalka Sare, jawaabta dadweynuhu waa maya!. 

Kalsooni ay musharixiinta iyo dadweynuhu ku qabaan madaxda Dawlad Goboleedyadu haba yaraatee ma jirto, oo waxaa la aaminsanyahay in ay mashruucan dabada ka riixayaan madaxweynayaasha Dawlad Gobolleedyadu si ay: 1) ula wareegaan soo xulidda ergada wax dooranaysa, 2) soo saaridda iyo hubinta qofka musharax loo aqoonsanayo iyo 3) hubinta qofka ergada ka mid noqonaya iyada ooy adeegsanayaan Guddiga Doorashada ee heer Dawlad Gobolleed oo la ogyahay in ay ka amar qaadan doonaan madaxweynaha Dawlad Goboleedka. 

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni

Haddaba bal aan tusaale u soo qaato madaxweyne Deni, maadaama uu musharax yahay, islamarkaana Dawlad Gobolleedka Jubbaland isagu maamusho. Sidii aan horey ugu soo aragney Aqalka Sare caddaalad darradii iyo boobkii ka dhacay khaasatan Jubbaland iyo Puntland ee kuraasta aqalka sare. Madaxweyne Deni waxuu horey salaadiinta Puntland ugu sheegey in uu isagu keensanayo 65 ka mid ah ergada iyaguna keenayaan 36, waliba isaga laga talagaliyey. Arrintani waxay si buuxda u waafaqsantahay habraaca Dawlad Gobolleedadu sameysteen sidaa darteed waxa loo baahanyahay in ummadda Soomaaliyeed inta ay dhawdahay ka hortagaan damacan qaawan ee xayndaabkii dawladnimada dhaafay. 

Meelna kama dhicin in kuraas reero lahaayeen Madaxweyne Dawlad Gobolleed u boobo reerkiisa. Madaxweyne Dani, waa madaxweynaha iyada oo aan tartan la gelin kuraastii Geri Koombe iyo Cabdi Koombe u boobay reerkiisa. Taasi oo baal marsan saamimqaysiga 4.5. 

Haddaba Madaxweyne Dani waa mas’uul nooceeya: 

Waxaa lagu daabacay Website-ka Idil News taariikhdu markay ahayd Aug 27, 2018 sheeko dhexmartay Jibril Qoobey oo kula kulmay Deni , oo markaas madaxweyne Puntland murashax u ah, hotel ku yaala magaalada Copenhegen ee dalka Denmark, oo wax badan ka waydiiyay xaaladdaha dalka. Hadalka dulucdiisu waxuu ku sifeeyey Deni sida tan.. 

  • 1. Shakhsi uusan ku weynayn Fadaraaliisamku. 
  • 2. Shakhsi Puntland aysan maqaam sare la lahayn
  • 3. Shakhsi Xamar u hanqal taagaya, Puntlandna in uu sallaan ama jaranjar ka dhigto uu ku gaaro Villa Soomaaliya ka raba. 

Saaxiib kale oo ay Damjadiid isla ahaayeen ayaa saddex sano ka hor isna sidan ku sifeeyey fikiradda xagjirka qabyaaladeysan ee uu qabo madaxweyne Deni: 

“ Madaxweyne Deni waxuu aaminsanyahay in Majeerteenku dulmanayahay oo kuraastoodii loo dhacay Daaroodka kale. Waxuu tusaale u soo qaatey Carab Saalax oo saddex kursi leh iyo Cumar Maxamuud (Majeerteen) oo laba leh iyo sidoo kale Layli Kase oo Shan leh iyo Cumar Maxamuud oo Laba leh. Waxuu aaminsanyahay in Daaroodka kale aan wax matalaada la siin ooy mustareex ku ahaadaan in ay noolaadaan. Waxaa Maskaxdiisa ku qufulan in uu soo celiyo doorashadii 1968 ee Majeerteen ka soobaxay Kismaayo ilaa Puntland inta u dhaxeysa, ee cadhadii ka dhalatay lagu diley Allaha u naxariistee madaxweyne Cabdirashid Cali Sharmarke. Waa Diktaator khatar ku ah in uu siyaasadda Soomaaliya ku lug yeesho”. 

Madaxweyne Deni waxuu Puntland ka dhigtey meel uu siduu doono ka yeelo, isaga oo aan marnaba talo la wadaageyn duqeyda iyo hoggaanka dhaqanka. Hay’adaha Dawlad Gobolleedkiisa, waxa ay ku milmeen oo ka mid noqdeen laanta fulinta. Sideed Xildhibaan ayuu hal maalin ka siibay xasaanadda isla markaana eryey. 

Diktaatooriyadda madaxweyne Deni waxay si weyn usoo shaac baxday ka dib markii maalintii Sabtida ee 26 bishii Oktober 2019, uu madaxweyne Deni ka baxay kulankii furitaanka kalfadhigii 45-aad ee Baarlamaanka Puntland, isagoo ka careysan su’aal xildhibaan Cawil Xasan Daad u soo jeediyey oo ku saabsanayd eedeymo dhinaca amni darrada ah oo xukuumaddiisa loo jeediyay iyo dalab ku aaddanaa inuu iscasilo. 

Madaxweyne Deni ayaa isla markiiba dacwad ku soo oogey xildhibaan Cawil Xasan Daad si xasaanadda looga qaado, maadaama uu ku hadlay hadal aanu jecleysan. Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa 2dii Nov 2019, diidday in xasaanadda laga qaado xildhibaan Cawil Xasan Daad, kadib markii uu su’aalo weydiiyay madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni, waxaana xildhibaanadu ay si aqlabiyad ah ku meelmariyeen in la laalo dacwaddaasi. Afhayeenkii ayuu isna sidoo kale eryey sabab la’aan aan ka ahyn in afhayeenku diidey in uu baarlamaanka Puntland ku milmo laanta Fulinta. Sababta runta ah ee keentey in xilka laga qaado guddoomiye Cabdixakiim (dhoobo Daareed) 7 Nov 2019.

Sidoo kale bishii Diisember 3, 2020, ayaa mooshin laga soo abaabuley madaxtooyada xasaanaddi looga qaaday 8 xildhibaan, oo ka aragti iyo fikir duwanaaday madaxweynaha iyo guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland, iyada oo 13/12/2020, go’aan Maxkamadda Sare ku sheegtay in 8 xubnood laga saaro Golaha Wakiilada Puntland, iyaga oo shaqadoodii korjoogteynta Laanta fulinta gudanaya waana kuwan magacdoodii:

  • 1. Xildhibaan Cabdijamal Cismaan 
  • 2. Xildhibaan Cabdiqani surato 
  • 3. Xildhibaan Muuse Jajabsay 
  • 4. Xildhibaan Cabdicasiis Baduugaaye 
  • 5. Xildhibaan Maxamuud Maxamed Barre 
  • 6. Xildhibaan Saleeban Faarax. 
  • 7. Xildhibaan Cabdiraxman Dhoore 
  • 8. Xildhibaan Maxamud Axmed Caalim 

Guddoomiyaha Difaaca Xuquuqul Aadanaha Puntland Md. Siciid Cabdi Muumin, ayaa xafiiskiisu soo saray warqad ku saabsan sida sharciga ka baxsan oo xasaanadda looga qaaday Xidhibaanadaasi, islamarkaana shaqadoodii ku waayay sifo sharci aan loo marin. Guddoomiyaha Difaacaha Xuquuqda Aadanaha, ayaa cuskaday Qodoka 42 iy 118 ee Dastuulka Puntland, oo uu sheegay in la baalmaray, oo si ka baxsan sharciga iyo dastuurka Puntland xildhibaanadaasi ay ku waayeen xubintii Golaha Wakiilada Puntland. 

Ninkii Madax ah ee waxaanu jecleyn Madaxweyne Dani ku hadlo isla saacado ayuu xilka uga xayuubiyaa. Xataa warbaahinta Puntland kama hadli karto wax innaba dhibaya madaxweyne Deni sababtoo ah xafiiska waa laga xirayaa, wariyayaashana xabbiska ayaa la galinayaa. Tusaale – Waxa aan kor ku soo sheegey iyo musuqa ka dhacay doorashadii Aqalka Sare ee Puntland hal Idaacad ama Telefishin Puntland deggan oo ka hadashay ma jirto. 

Arrimaha Doorashooyinka iyo Musuqmaasuqa ku gadaaman 

Haddaba sidii ay u billaabmeen arrimaha doorahooyinka Soomaaliya ee 2021, Siciid Deni waxa soo galay hami siyaasaddeed oo ah in uu noqdo madaxweynaha DFS, isaga oo aan markaas shaacin muharaxnimadiisa, balse kaga faa’ideysanaya kursiga madaxtimno ee Puntland, si uu u soo saarto xildhibaano u adeega damaciisa siyaasaddeed.

Bishan Aug. 9, ee sanadkan 2021 ayaa madaxweynaha Puntland Md. Siciid Cabdullaahi Deni soo saaray liiska Musharixiinta Golaha Aqalka Sare. Liiksaasi waxaa ku juray Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Puntland iyo Saraakiil kale oo ujeeddadu tahay in lagaga horjoogsado in ay qaar Xildhibaanada hadda joogaa dib-ugu soo noqdaan Golaha Shacabka: 

  • 1. Wasiirka Warfaafinta Puntland, Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacade), 
  • 2. Wasiirka Dekedaha, Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), 
  • 3. Wasiir-dowlaha Kalluumeysiga, Cabdiqani Geelle, 
  • 4. Wasiir ku xigeenka Deegaanka, Saynab Ismaaciil iyo 
  • 5. Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamed Yuusuf Abwaan 

Liiska waxaa kale oo ku jiray dad ay qaraabo hoose yihiin Madaxweyne Deni, sida Samiiro Maxamuud Cawad . Dhammaan dadka la rabay in la soo saaro, ayaa lagula soo qoray liiska dad ay iyagu keensadeen, iyada oo kharashkii diiwaangelinta (fee) uu madaxweynuhu bixiyey.- 

Sida lacgta ay u baxday : Lacagta waxaa qaybiyay Mas’uul ka tirsan xukuumadda Deni iyo shaksiyaad Deni qoyskiisa ah: 

1) 11 xubin Aqalka Sare ( Rag) 12 x $40,000 $ = $ 280,000 
2) Kharashka Diiwaangelinta gabdhaha: 08x $10,000= $ 80,000 
3) Khdimadda Waraaba taagga/minxiisiinta : 11x $ $5,000= $55,000 
4) Lacagta Guddoonka lasiiyay: 
a) Guddoonka Baarlamaanka: 03x$50,000= $150,000 
b) Xubanha Baarlamaanka: 60 x$30,000= $ 1,800,000 
Wadarta lacagta: $ 2,365,000 ( Laba Malyuun saddex Boqol iyo lixdan iyo Shan Kun) 

Xogta aan helay waxay tilmaamaysaa lacagtan lagu bixiyey Doorashada Aqalka Sare ee BFS inay qayb ka tahay lacag dhan $8,700,000.00 (Siddeed Malyuun iyo toddoba boqol oo kun) oo COVID-19 loogu talagalay in Puntland wax loogu qabto. Lacagtani waxay ku dhacday khasnadda dhexe ee Puntland, isla maalmo gudahoodna waxaa loo wareejiyey Xisaabo Shakhsiyaad iyo Shirkado leeyihiin si loo dhaqo oo ilaa maanta wax raad iyo xisaab celin ah oo laga hayaa ma jirto. 

Waxa kale oo jirta in kuraasta Golaha Shacabka ee Puntland way iska sii qoranyihiin xubnaha la soo dooranayo, oo waxay noqon doontaa mid aanay doorasho ka dhicin ee magacaabid ah sida tan Aqalka Sare – waa horumar uu musuqmaasuqa gaarey.

W.Q. Cismaan X. Maxamed
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.