Wednesday, April 24, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow
  • Women Corner

Doorashada Golaha Puntland 2018: Aaway Dumarkii?

W.Q Luul Carraweelo Kulmiye

Soomaaliya doorasho kama dhacdo ee xulasho ayaa ka dhacda. Bilahanba waxaa socotay xulidda xubnaha Golaha Wakiilada Maamulka Puntland u matali doona 5ta sano ee inna soo haysa. Xulidda waxaa gacanta loo geliyay isimada iyo cuqaasha beelaha, maadaama awood-qaybsigii lagu saleeyay habraaca 4.5 wax loogu magacdaray oo beelo ku loollamaan. Haweenka Soomaaliyeed ayaa ah kuwo ku dulman habraaca 4.5.

Doorashadii Dadbanayd ee heer Federaal markii la samaynayay 2016-kii, juhdi badan kadib waxaa suurto gashay in Madashii Qaran (MQ) ee xilligaa jirtay soo saartay wareegto si habsami leh u habaysay oo dhigaysay “Reer kasta oo saddex xubnood leh in ay mid Haween noqoto”.

Haweenka Puntland oo kaashanaya Kacdoonka Sinnaanta Jinsiga Soomaaliyeed (SGEM), ayaa mudda danba ku hawlanaa u qaraymaynta iyo muujinta ay gabdhuhu u leeyihiin hoggaanka iyo matalidda shacabka. Olole loogu magacdaray “DOORTA HAWEENKA” oo ay haween mug iyo meeqaam leh codkooda ku dareen ayaa la fuliyay. Isimada iyo Cuqaasha si gaar iyo si guudba waa loogu tagay. Rajaduna waxa ay ahayd Haweenka Puntland in ay helaan ka badan labadii xubnood ee teeramka dhammaaday ka mid ka ahaa Golaha Wakiilada oo ka kooban 66 xubnood.

Madaxweynaha Puntland Mudane Cabdiweli Cali Gaas ayaa ahaa 2012-kii Raysulwasaaraha Soomaaliya, kana mid ahaa madashii Garowe II ee qoondada 100/30-ka ah lagu soo saaray, sidaa oo kale 2016-kii ka mid ahaa MQ ee soo saartay habka ah 3-dii xubinba in mid ay haween noqoto Wakiillada Baarlamaanka Federaalka.

Sidaa darteed markii haweenka Puntland ay sida qaaska ah ula kulmayeen Madaxweyne Gaas waxay islahaayeen mudanuhu waa ninkaa taariikhdaa leh. 29 Oktoobar, Xafiiiska Madaxweynaha Puntland ayaa soo saaray wareegtada lambarkeedu yahay Lr. 11 oo ku boorinaysay Cuqaasha iyo Nabaddoonnada Dawladda Puntland in la tixgeliyo ka-mid noqoshada Haweenka Golaha Wakiillada, lagana siiyo qoondo dhan 30% (100/30). Waxaan islahayn hadda ayaa wax hagaagayaan oo qaacidooyin iyo jihayn isku jaangooysa bulshada inteeda tartamaysa ayaa soo socda. Ballanqaadyada haweenka ay kala soo tageen MW. Gaas waxaa ka mid ahaa in seddex xubnood oo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Wakiilada Puntland ay haween noqon doonaan.

Balse maxaa xigay? 3-dii Diseember ayuu MW. Gaas magacaabay Guddigii la filayay, guddiga oo ka kooban siddeed xubnood balse rag keliya ah. Wareegtadii hal bacaad lagu lisay ayuu ka dhigay MW. Gaas, sababta oo ah waa tii la yiri “Sowdkayga maqal, balse saantayda raac”. Maanta waxaa soo caddaatay in Isimada, Cuqaasha, Nabaddoonnada, Samadoonnada iyo Dhammaan cid kasta oo xulidda wakiilada Puntland ay qusaysay in ay raaceen “Saantii/Raadkii” MW. Gaas. Liiska Duwaanka Wakiilada Puntland ayaa caddaynaya taas oo sida aan aragno haween waynaha Puntland waa lagu qadiyay oo laga soomiyay in ay shacabkooda ku matalaan Golaha Wakiilada, maddaama 66 xubnood, 1 keliya ay haweeney ka tahay.

Hadda waxaa loo haaman raranayaa doorshada madaxweynaha Puntland, waana dastuuri in xubnaha Golaha Wakiillada Puntland ay u codeeyaan shaqsiga hoggaamin doona Maamulka Puntland 5 sano oo soo socota. Maddaama haween aysan ku jirin Golaha oo uu rag keliya yahay… ma la dhihi karaa rag baa rag dooranaya?

Madaxweyanaha ku guulaysta doorshada mas’uuliyad gaar ah ayaa ka saaran in uu sameeyo dheellitir. Awrku waa raranyahay, waa dheelinayaa ee si loo dheellitiro waa in Golaha Wasiirada Maamulka Puntland uu noqdaa 50% (100/50), haddii kale madaxda ragga ah ee Puntland, mid dhaqan iyo mid kaleba kaalaya shir qabta oo haweenka ku wargeliya in aydaanan marnnaba aqbalayn awood-qaybsi xagga siyaasadda ah. Habdhaqankiinnu intaa buu noo sheegayaa, afkana wax kale ayaad innooga sheegtaan ee fadlan afkiinna iyo qalbigiinna mideeya oo madasha iskeena.

Luul Carraweelo Kulmiye
Email: [email protected]

———
Luul Carraweer waaa Afahyeenka kacdoonka Jinsiga Soomaaliyeed (SGEM)
www.kulmiso.com


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.