Dooddii murashaxiinta oo la joojiyay!

Dooddii murashaxiinta oo la joojiyay!

Muqdishu (WDN)- Warar lagu kasloon yahay oo soo gaadhay WardheerNews, ayaa sheegaya in la jooojiyay dooddii lagu waday in ay maanta oo ku beegan bisha Janaayo 31-da dhex marto murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha  Soomaaliya,

Wararkaasi ayaa sheegaya in qaar ka mid ah murashaxiinta ay ka soo hor jeesteen qorshaha iyo qaabka maamulka  doodda oo loo xilsaaray guddi uu dhawaan doortay Baarlamaanka Soomaaliya. Guddigaasi oo guddoomiye looga dhigay Xildhibaan Cabdiraxmaan Bayle, islamarkaana uu guddoomiye xigeen ka yahay Cabdillaahi Sh. Ismaaciil Fartaag, oo aad ugu dhow Xasan Sheekh.

Bayle iyo Fartaag ayaa la sheegay in aynan dhex dhexaad ka ahayn arimaha doorashooyinka, iyaga oo ka mid ah dadka aad ugu ol’olenaya doorashada Xasan Sheekh.

Guddigaasi qabanqaabada doorashooyinka ee ay horseedka u yihiin Bayle iyo Fartaag, ayaa la sheegay in ay la yimaadeen qorshe lagu wiiqayo in dood rasmi ahi dhex marto murashaxiinta, iyada oo arinkaasi loogu danaynaya Xasan Sheeh, oo aan la rabin in madasha doodda su’aalo adag lala yeesho. Taasi oo cabsi gelinaysa fursada in mar kale la soo doorto.

Cabdiraxmaan Bayle ayaa sheegay in doodda loo joojiyay cilado ka yimid xaga farsmada.

Dooddan oo dad badan oo Soomaali ahi ay aad u sugayeen, ayaa mar kale ka marag kacaysa fadhiid nimada dadka maamulka u haya Soomaaliya.

Wardheernews

Leave a Reply

Your email address will not be published.