Doktor Qooto Qooto

W/Q Cabdicasiis Maxamed Cismaan

Nin Soomaali ah ayaa shaqo la’aan ahaa mudo dheer. Ma heli karin shaqo, sidaa darteed wuxuu furtay Rug Caafimaad.

Si uu dad badan u soo jiito oo lacag u helo wuxuu banaanka sudhay boodh weyn oo ku qoran: “Ha laguugu daweeyo 50$, haddii lagu daweyn waayo waxaad leedahay 100$.”

Hadii aadan Cilmiga baran, Caqliga kaasho

Nin English ah ayaa ku fakiray tan inay fursad fiican tahay oo uu ku helo 100$. Wuxuu aaday rugti caafimaad, wuxuuna ku yiri, “Waxaa iga lumay dhadhanki carabkeyga, waxba iima dhadhamaan.

Dr. Qooto Qooto, “Kalkaaliso, fadlan soo qabo daawada ku jirta sanduuqa 22, ka dibna 3 dhibcood ku shub bukaanka afkiisa.

Ninki ayaa qeylo ku dhuftay marki afka looga shubay, “Tani waa shidaal Petrol maaha daawo!

Dr. Qooto Qooto: “Hambalyo, dhadhanki waad heshay, iska bixi 50$”

Ninki Britishka ahaa wuxuu baxay isagoo careysan, wuxuuna soo noqday laba maalin ka dib si uu lacagtiisi ula soo noqdo. Wuxuu yiri, “Waxaa iga tagay xusuusti. Waxba ma xusuusan karo”

Dr. Qooto Qooto: “Kalkaaliso, fadlan soo qabo daawada ku jirta sanduuqa 22, ka dibna 3 dhibcood ku shub bukaanka afkiisa.

” Ninki British-ka ahaa ayaa qeyliyay: Laakiin taasi waa shidaal Petrol”

Dr. Qooto Qooto: Hambalyo, xusuustaadi waa kuu soo noqotay. Iska bixi 50$.

Ninki ayaa mar kale baxay isagoo careysan, wuxuu soo noqday dhawr cisho ka dib si uu lacagihiisi ula soo noqdo.

Sidi oo kale wuxuu fakiray wax uu is lahaa ma daweyn karo ee lacag ku hel. Wuxuu yiri, “Aragi Indhaheyga ayaa daciifay. Wax ma arki karo”

Dr. Qooto Qooto : “Wax daawo ah uma hayno taas. Qaado Boqolkan Dollar.

Ninki British-ka ahaa: “Laakiin tani waa 50$ ma aha 100$”

Dr. Qooto Qooto: Hambalyo, aragtidii waa kuu soo noqotay. Iska bixi 50$.

Hadii aadan Cilmiga baran 
Caqliga kaasho 

Cabdicasiis Maxamed Cismaan
Email: drphilips89@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.