Diyaaradaha Duuliye la’aanta Mareykanka oo Duqeymo ku Diley Maleeshiyo ka Tirsan Alshabaab oo ku Sugnaa Deegaanka Camaara

Diyaaradaha Duuliye la’aanta Mareykanka oo Duqeymo ku Diley Maleeshiyo ka Tirsan Alshabaab oo ku Sugnaa Deegaanka Camaara

Muqdisho (WDN)- Diyaaradaha dagaalka ee duuliye la’aanta ah ayaa duqeymo ka gaystay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ee maamulka Galmudug. Halkaasi oo ay isku urursanayeen maleeshiyo ka tirsan kooxda argagixisada ee Alshabaab.

Maleeshiyada Alshabaab

Duqeymaha ayaa lala beegsaday xubno ka tirsanaa AlShabaab oo ku sugnaa agagaarka deegaanka Camaara ee gobolka Mudug, waxaana halkaasi maleeshiyada kooxda loogu geystay khasaaro xoogan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burburka gaadiid dagaal oo ay wateen.

Sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya, ayaa xaqiijiyay in weerarka ay dayaaradaha duuliye la’aanta fuliyeen, iyadoo Alshabaab jab xooggan loo geystay. waxaana weerarka uu ku tilmaamay  mid lagu fashiliyey weerar kooxdu doonaysay in ay ka geysato deegaanada maamulka Galmudug oo inta badan deegaanadii ay maamulaysay laga saarey, iyagoo kusoo koobmay dhulka baadiyaha.

Kooxda Alshabaab ayaa gebi ahaanba jarey isgaarsiinta deegaanka, waxaana adag in la helo faahfaahin buuxda oo la xariirta weerarka deegaanka Camaara ka dhacey, mana jirto war ku saabsan weerarkaasi oo ay soo saartey kooxda Alshabaab.

Shalay ayey ahayd markii duqeymo dhanka cirka ah oo diyaaradaha Doroneska fuliyeen lagu dilay 40  maleeshiyo ka trsan AlShabaab, kuwaasi oo isku ururusanay deegaan ku dhow duleedka degmeda Xarardheere ee gobolka  Mudub, oo dhawaan kooxdu ka baxday kadib markii ciidmada xoogga iyo macawisleydu ku soo dhawaadeen.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.