Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Alshabaab oo hoobiyeyaal la beegsatay qeybo ka mid ah Muqdisho

Muqdisho (WDN)- Tiro hoobiyeyaal ah ayaa goor dhawayd lagu garaacey qeybo ka mid ah degmooyinka Warta Nabadda, Hawlwadaag iyo Xamarweyne. Jugta hoobiyaashaas aya laga wada maqlay inta badan degmooyinka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Wararka naga soo gaadhaya ayaa sheegaya  inuu jiro khasaaro naf iyo meelba leh oo weerarkani geystay.

Muqdisho

Goobaha la beegsadey ayaa waxaa ka mid ah goobo u dhaw wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Hoteelka SYL iyo xaafadda Ex Fiyoore, waxaana lagu soo waramayaa in ay geysteen burbur hantiyeed ,dhimasho iyo dhaawac soo gaarey dadka degan goobahaasi lagu garaacey hoobiyeyaasha.

Alshabaab ayaa sheegatey masuuliyadda weeraradaan maanta, iyadoo inta badan goobaha la beegsadey ay yihiin goobo ka tirsan ama si aad ah ugu dhaw madaxtooyada looga arrimiyo Soomaaliya,waxaana weerarkaan uu qeyb ka yahay culeyska kooxda Alshabaab ay soo saartey magaalada caasimadda ah ee Muqdisho maadaama kooxdu kala kulantey hawlgalka ballaaran ee ciidamada dawladda iyo maleeshiyaadka deegaanka oo kooxda looga saarey degmooyin iyo magaalooyin muhiim ah oo muddo ka badan 10 sano ka arriminayeen.

Maalintii Axadda ee 22-kii bishan aynu ku jirno ayey ahayd markii kooxda Alshabaab weerar ismiidaan ku ekeysay Xarunta Maamulka Dawladda Hoose ee Muqdisho, kadibna uu xigey iska hor imaad toos ah oo saacado badan socday. Halkaasi oo ay ka dhacdey dhimasho iyo dhaawac badan, wallow ugu danbeyn ciidamada gaarka ee Haramcad ay soo afjareen, isla markaana ay dileen maleeshiyadii gudaha xarunta dawladda hoose ka dhex dagaalamayey.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.