Kismaayo (WDN) Warar lagu kalsoonyahay oo naga soo gaadhay magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tirsan AMISOM kuwa ka jooga Jubbaland, ay maanta diyaarad ay leeyihiin ciidamada Itoobiya, oo la sheegy in ay ka timid magaaalada Godey, isku dayeen in ay khasab ku fadhiisato Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo.
Diyaaradda oo laga cabsi qabay in ay wadey hub iyo saanad, ayay Jubbaland u diidday inay ku soo degto ama soo fadhiisato garoonka Kismaayo, kuna amray in ay dib u laabato.
Sidoo kale ciidamada Jubbaland iyo Kenya, ayaa iska hortaagey ciidamada Itoobiya in ay soo galaan garoonka Kismaayo, kuwaasi oo rabay in ay diyaaradda u suurta geliyaan sidii ay ugu soo degi lahayd garoonka Kismaayo.
Labada ciidan, Itoobiya oo dhinac ah iyo Jubbaland iyo Kenya oo dhanka kale ah, ayaa qarka u saarmay inuu iska horimaad ka dhex dhasho , hase yeeshee waxaa arinkaasi baajiyay markii ciidamada Itoobiya ay dib ugu laabteen fariisimadoodii waqooyiga Kismaayo, oo ay horey uga oo kicitimeen.
Diyaaradii ayaa la sheegayaa in ay dib u laabatay, iyada oo ka degtay magaalada Baydhabo.
Arinkan ayaa runtii sii kala fogeynaya xurgufta ka dhex taagan Dowladda Federaalka iyo Jubbaland, oo u aragta in DF ay adeegsanayso ciidamada Itoobiya, sidii ay khalkhal uga ridi lahayeen doorashooyina ka socda Jubbaland. Dowladda Federaalka ayaa dhawaan sheegtay in aynan aqoonsan doonin natiijada ka soo baxda doorashooyinka Jubbaland.
WardheerNews.
Leave a Reply