Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Itoobiya oo laga celiyay Garoonka Kismaayo

Kismaayo (WDN) Warar lagu kalsoonyahay oo naga soo gaadhay magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo ka tirsan AMISOM kuwa ka jooga Jubbaland, ay maanta diyaarad ay leeyihiin ciidamada Itoobiya, oo la sheegy in ay ka timid magaaalada Godey,  isku dayeen in ay khasab ku fadhiisato Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo.

Ciidamada Itoobiya oo laga celiyay Garoonka Kismaayo

Diyaaradda oo laga cabsi qabay in ay wadey hub iyo saanad, ayay Jubbaland u diidday inay ku soo degto ama soo fadhiisato garoonka Kismaayo, kuna amray in ay dib u laabato.

Sidoo kale ciidamada Jubbaland iyo Kenya, ayaa iska hortaagey ciidamada Itoobiya in ay soo galaan garoonka Kismaayo, kuwaasi oo rabay in ay diyaaradda u suurta geliyaan sidii ay ugu soo degi lahayd garoonka Kismaayo.

Labada ciidan, Itoobiya oo dhinac ah iyo Jubbaland iyo Kenya oo dhanka kale ah, ayaa qarka u saarmay inuu iska horimaad ka dhex dhasho , hase yeeshee waxaa arinkaasi baajiyay markii ciidamada Itoobiya ay dib ugu laabteen fariisimadoodii waqooyiga Kismaayo, oo ay horey uga oo kicitimeen.

Diyaaradii ayaa la sheegayaa in ay dib u laabatay, iyada oo ka degtay magaalada Baydhabo.

Arinkan ayaa runtii sii kala fogeynaya xurgufta ka dhex taagan Dowladda Federaalka iyo Jubbaland, oo u aragta in DF ay adeegsanayso ciidamada Itoobiya, sidii ay khalkhal uga ridi lahayeen doorashooyina ka socda Jubbaland. Dowladda Federaalka ayaa dhawaan sheegtay in aynan aqoonsan doonin natiijada ka soo baxda doorashooyinka Jubbaland.

WardheerNews.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.