Dilal Qorsheysan oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (WDN) – Magaalada Muqdisho oo dhawaanahan aad looga dareemayo islamarkaana uu isa soo tarayo ol’olaha doorashooyinka Madaxtinimada Soomaaliya, oo boodhad ay ku sawiran yihiin qaar ka mid ah  musharaxiinta u tartamaya doorashooyinkaasi, oo ilaa hadda laga buuxiyay wadooyinka magaalada sawirada Madaweyne Xasan Sheekh, ayaa iyana waxaa soo batay dilal qorsheysan oo ka dhacay magaalada Muqdisho. Kuwaasi oo khalkhal hor leh ku abuuray ammaanka murashaxiinta mucaaradka iyo guud ahaanba shacabka ku nool caasimadda Muqdisho.

qarax-gaadhi_jen-goobaale
Qarax gaadhigi Jen Goobaanle

Dilalkaasi qorsheysan ayaa  dhawaan lagu khaarajiiyay dad isigu jira shicib iyo kuwa ka tirsan dawladda.

Maalintii Axada ee bishan Sebtember ku beegneyd 18-ka, aayaa gaadhi is nidaamin ah lagu dilay Jen. Maxemed Rooble Jimcaale “Goobaanle”, oo ahaa  taliye ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed, isla markaana madax ka haa guutada 3 xaad ee ciidanka  Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegay in taliyaha lagu dilay goob u dhow Wasaaradda Gaashaandigga, isaga oo baabuurkii uu watay lala beegsaday mid kale oo walxaha qarxa lagu soo xidhay. Jeneraalka waxa goobta kula geeriyooday 7 askari oo ilaaladiisa ahaa.

Waxa kale oo isla Muqdisho lagu dilay fanaan ka tirsanaa kooxda Onkod oo lagu magacaabi jiray Cabdi Maxamed Safaari. Dableydii dilka Fanaanka geysatay oo ku hubeysneyd Bistoolado, ayaa la sheegay in ay goobta ka fakadeen.

Sidoo kale waxa isla magaalada Muqdisho, degmada Yaaqshid, lagu dilay maalintii Sabita nabadoon Tiiteeye. Iyadoo budhdcadii geyssay dilku ay sidoo kale baxsadeen.

WardheerNews