Dibumilicsiga Kaydka WardheerNews: Afka Jannada Ma Lagu Doorsan Karaa Soomaali?

Dibumilicsiga Kaydka WardheerNews: Afka Jannada Ma Lagu Doorsan Karaa Soomaali?

W/Q Saciid A. Ismaaciil

Odhaahda Tifatritka: Waa qoraal kale oo aan idiinka soo xulnay kaydka WDN munaasabadda toban guurada aasaaskii WardheerNews awgeed. Maqaalkan oo uu qoray Siciid A. Ismaaciil, laguna baahiyay WDN March 10, 2009, waa mid si qotodheer  u lafaguraya doodda ku aaddan doorka Afka hooyo iyo barashada diinta Islaamka. Waa maqaal aad u xiiso badan, si wacana u  soo koobaya fikirka kala duwan ee ay ka qabaan wadaaddada Soomaaliyeed iyo muhiimadda ay u leedahay fahamka Diintu marka loo adeegsado Afka hooyo.

———————————————–

Madaxweynaha maamul goboleedka Buntlaan mudane C/Ramxaan Maxamed Maxamuud “Faroole”, wuxuu wadaaddada ka khudbeeya masaajidda ku yaal deegaannada maamul-goboleedka kula taliyey inay khudbada salaadda jamcada ku jeediyaan af Soomaali (VOA, Qaybta Soomaaliga 20/02/2009). Run ahaantiina, mowqifka mudane Faroole waa mid mudan bogaadin iyo dhiirrigelin. Laakiin sida la wada garan karo arrinkaan iyo kuwa la mid ka ahi ma aha kuwo lagu xalliyo wareegto ka soo baxda xafiis dowladeed, balse waxaa lamahuraan ah inay ku yimaadaan wacyiga iyo bisaylka bulshada.

Dhallinyaro-nimadaydii waxaan aad u akhrin jirey qoraallada afcarabiga ku qoran ee ka hadla duullaanka xagga maskaxda ah [= Al-Gaswi Al-Fikrii] ee reer Galbeedku ku hayaan carabta iyo muslimiinta, laakiin maanta waxaan rumaysnahay in duullaanka maskaxda ee Carabtu u geysteen Muslimiinta kale uu ka ballaaran yahay, kana qoto dheer yahay kan reer-galbeedku u gaysteen, sababtuna waxay tahay muslimiintu duullaanka Saancaddaha waa ka digtoonaayeen, wax walba oo xaggiisa uga yimaadana waxay ku eegi jireen shaki iyo ilxun, laakiin si taa ka duwan muslimiintu marna iskama jirin duullaanka Carabta. Wuxuuna ku galay si sahlan oo doqon ma garato ah, waayo wuxuu ugu soo dugaalay diin. Soomaaliduna waa tii horay u tiri: “Dhurwaaga kan qayliya iyo kan aammusan keebaa la qaataa“, jawaabtii ay bixiyeenna waxay ahayd: kan qayliya saa yur baad iska tiraahdaaye!, sida la ogyahayna Abeesadu dhul u ekaan bay kugu dishaa!

Carabtu magcaanta shanta maalmood ee ugu horreeya maalmaha isbuuca waxay ka qaateen tirada xisaabta, oo Axad, Isniin, Talaado, Arbaco iyo Khamiis waxaa laga keenay waaxid, itniin, Talaata, Arbaca iyo Khamsa, oo u dhigma kow, labo saddex, afar iyo shan. Magaca maalinta lixaad ee jimcaha oo macnihiisu la mid yahay “Kulan ama kulmiye”, isagana waxay ka soo qaateen dhaqan ay lahayd Qureeshtii Maka oo ahaa in maalinta lixaad ee toddobaadka ay ku kulmaan guri la oran jirey “Daar An-Nadwa”, si ay ugu shiraan, arrimahoodana ugu lafo guraan. Erayga sabtina waxaa la malaynayaa in laga soo xigtey erayga cibriga (afka Yuhuudda) ah ee “shabaat” oo macnihiisu yahay maalin nasasho. Kutubta Towreedka midkoodna wuxuu leeyahay: ” Lix maalmood waxaad qabanaysaa shaqadaada, maalinta toddobaadna waad nasanaysaa, si ay u nastaan dibigaaga iyo dameerkaagu,…”. Quraanka kariimkuna Yahuudda wuxuu ugu yeeray magaca “sabtilayaal /Asxaab Asabti”.

Qoraallada taariikhduna waxay sheegaan in Carabtu waagii hore maalinta Jimcada u taqiin maalinta Carabta [= yoom al-curuuba], ruuxii ugu horreeyey ee maalinta Jimcada Jimce ugu yeerana uu ahaa nin la oran jirey Kacab bin Lu’ey oo la qiyaasayo inuu ahaa nebiga (SCW) awowgiis 7-aad. Markii islaamku yimidna muslimiintii magaalada Yatrib – oo mar danbe loo bixiyey Madiino- waxay qaateen dhaqankii Carabta ee ahaa in la isu soo ururo maalinta jimcada, sababta oo ah waxay u baahnaayeen inay helaan maalin ay maamuusaan oo ka duwan sabtida Yahuudda iyo axadda kiristaanka.

Halkan ka akhri qoraalka oo dhan

W.Q. Saciid A. Ismaaciil
Email: sismail42@gamail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.