Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Diblomaasi shisheeye ah ayaa hadda ka hor wuxuu yiri: “There is no adult in the room”

By Dr. Saadiq Enow

Sida xeerka noloshu yahay, fal-celisyada (reflexes) aadamiga uu kaga jawaabayo farriimaha nolosha, waxay kamid yihiin miisaanka lagu qiimeeyo qofka baaluqnimadiisa iyo caafimaadkiisa. Fal-celisyadaas ayaa waxay isugu jiraan kuwo ku dhaca doonistayada (voluntary reflexes) iyo kuwo ka madax-bannaan doonistayada (involuntary refexes). Mid ay tahayba waxaa falalkaas ku dhaca is-beddel iyaga oo la jaan-qaadaya waayaha qofka iyo khibradaha nololleed ee uu helo. Dhaqdhaqaaqyadaas qaarkood waxay u dhacaan si dabiici ah, iyaga oo kamid ah fir-fircoonida nolol-maalmeedka qofka. Qaarkoodna waxaa lagaga fal-celiyaa ogaallada xambaarsan farriimaha kediska ah.

Arin xiiso leh ayaa waxay tahay ilmaha markii ay dhashaan, fal-celiska ay kaga jawaabayaan cimilada ku hareereysan waa eber. Dareemada ogaalka gudbiya ee ku rakiban gebi-ahaantood waa curyaan. Indhahooda oo furan baynan waxba arkin, iyaga oo soo jeeda baynan waxba maqlin. Iyada oo xaaladdooda ay caynkaas tahay, ayaa waxaa jira fal-celisyo kooban oo xubnahooda dareenka ay ka nool-yihiin. Falcelisyadaas oo tiro lix ah, ayaa takhaatiirtu waxay ku ogaadaan caafimaadka ilmaha cusub ee dhasha. Waxaa kamid ah fal-celiska nuugista oo markii afka loo geliyo naaska Hooyada, wuxuu bilaabayaa in uu nuugo. Cunuggii laga waayo fal-celiskaas, takhaatiirtu waa u baqaan in uu xanuunsan yahay.

Laga bilaabo xilligaas ilmaha waxaa u bilaabanaya nolol ay fal-celisyadii ka soo kacayaan eber. Waxay ku bilaabanayaan nolol ku tilmaaman anaanyad heerkii ugu sareeyey. Wax aanan isaga ahayn ma aqoonsana. Haddii uu gaajoodo waa oynayaa, haddii uu dhaxamoodo waa oynayaa, haddii uu culeys dareemo, haddii uu xanuunsado, xataa markii ay hurdo qabato waa oynayaa oo wuxuu rabaa in la seexiyo.

Mar-walba wuxuu doonayaa in loo adeego illaa uu qanco. Maadaama Hooyadu ay tahay qofka ugu badan oo ag-jooga, isla-markaas uu hiillada ka helo, dareenkiisu wuxuu baranayaa Hooyo. Wixii Hooyo dhibaya waa uu la dhibtoonayaa. Markii ay qososho waa uu la qoslayaa.

Si qunyar socod ah oo kala danbaysa oo da‘diisa la xiriirta ayuu u fahmayaa in ay jiraan Aabe, walaalo, qaraabo, ehelo, deris, saaxiibo iyo jaal. Dabadeed wuxuu u gudbayaa in uu u dooddo gurigiisii, degaankiisii, xaafaddiisii, gobolkiisii iyo dalkiisii, iyada oo taas qudheedu ay da‘diisa iyo fahamkiisa la xiriirto.

Baaluqnimada middeeda ugu sareysa waa qofka oo u doodda Aadamiga kana tallaabsada tilmaamaha Aadamigu ku kala duwan yahay. Haddaba dadku maadaama ayan isku-garaad ahayn. Garaadkana waa mid u dhalasho ah iyo mid kasbasasho ah. Kala-duwanaanshahaas garaadka, ayaa wuxuu sabab u noqdaa in dhallaanadii ay kor ula kacday sallaankii da‘da, in koox waliba koritaanka fal-celiskoodii uu meel kaga joogsado.

Waxaa jira kuwo ay kaga joogsatay anaaniyaddii caruurnimada oo naftooda cid aanan ahayn aanan aqoon. Kuwaa qoyskii ku haray, kuwaa qaraabadii ku haray, kuwaa qabiilkii ku haray.

Dadkaasi ayaanan midkoodna uusan weli qaan-gaar noqon. Iyagu waxay ka dhigan yihiin macnaha ooraahdii uu ninku yiri: There is no adult in the room.

Dr. Saadiq Enow
 Email:[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.