Thursday, July 04, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Dhuusamareebey waxaanu ku sugannahay dhibaato

W/Q Dr. Saadiq Enow

Waxaa jirta ooraah ku can baaxday dadka Mareekanka ah dhexdooda, taas oo ah Houston we have a problem. Ooraahda waxay ku baxday filim la yiraahdo Apollo 13 oo la smaeeyey sanadkii 1974-kii. Sheekada filimku wuxuu ahaa gantaal ay saaran-yihiin cir-baxeenno lix ah. Gantaalkan ayaa wuxuu ku hallaabayaa fagaagga sare. Nimanka saaran oo khatar aad halis u ah ku sugan, ayaa meel ay u baxsadaan ayan jirin. Khatartu waxay kaga awdan tahay jaho walba.

Nin kamid ah cir-bixeennadii jilayay filimka oo la yiraahdo Jack Swigert ayaa raadiyaha wuxuu kula soo hadlay qof fadhiya xarunta dhexe ee is-gaarsiinta hay’adda NASA (NASA Mission Control Center), goobtaas oo ku taal magaalada Houston. Jack Swigert ayaa isaga oo cabsi xooggan ay ka muuqato wuxuu leeyahay, (Houston we have a problem).

Isla ooraahdan ah (Houston we have a problem) waxaa adeegsaday danjirihii Mareekanka u fadhiyay Soomaaliya xilligii ay dhacday doorashadii ay xilka isku wareejiyeen labada madax-wayne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Danjirahan oo magaciisa la yiraahdo Stephen Michael Schwartz, wuxuu kamid ahaa diblomaasiyiin reer galbeed ah oo kulan isugu-jira salaan iyo hambalyo ugu qabtay Madaxwayne Farmaajo xarunta Xalane. Taariikhda uu dhacayo kulanka waa subaxnimadii ay taariikhdu ahayd 17/ 2/2017-kii. Waxay ahayd maalintii ay doorashadu dhacday maalintii xigtay. Waxay ahayd iyada oo dhawaaqii ahaa (Farmaajo ii geeya) uu jabaq-celiskiisii weli ka ciyayo daafaha magaalada Xamar.

Doorashadii Madaxweyne Farmaajo
Feb 16, 2017

Kulankii subaxaas dhacay, salaantii iyo hambalyadii dabadeed, qaar kamid ah diblomaasiyiintii ayaa madax-waynaha uu xilka ku cusub yahay waxay weydiiyeen su’aalo dhowr ah. Isaguna sidii ay ugu muuqatay ayuu ugu jawaabay. Goortii ay kala tageen ayaa waxaa isu haray lix diblomaasi oo ah kooxda C-6 (Copenhagen – 6), si ay u qiimeeyaan hoggaanka cusub oo ay la shaqeynayaan. Markaas ayuu Stephen Michael Schwartz, isaga oo qiimeynaya xaaladda cusub ee ku soo wajahan Soomaaliya iyo diblomaasiyiintan martida ah, wuxuu ku yiri saaxiibadiis: (houston we have a probmem).

Haddaan ka imaanno tusaalooyinka talan-taalliga ah ee lagu miisaamo dowladda Soomaaliya u dhisan, kuwaas oo Soomaalida ugu muuqda midabyo kala duwan. Saddex sano iyo bar dabadeed maalinta uu diblomaasigaas ooraahda yiri. Maanta oo ay taariikhdu tahay  14 bishii Ogost, 2020ka, waxaa la filayay in uu qabsoomo shirkii Dhuusamareeb – 3. Labadii shir ee ka horeeyey ayaa wixii ka soo baxay lagu heshiiyay in kulanka saddexaad uu dhaco. Waa madal ay Soomaali iyo adduun-waynaha ku rajo weynaayeen in uu shacni iyo wanaag u soo kordhiyo siyaasadda murugsan ee hoggaanku uu lugaha la galay.

Sida la ogsoon-yahay, madasha waxaa ku ballansanaa madaxda Soomaaliya oo isugu jira dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada. Maadaama xilli kala guur ah lagu jiro, oo guddigii doorashadu uu keeni waayay naqshad cad oo la xiriira waajibkii qeexnaa ee muddeysnaa ee loo diray. Waxaa halkaas ku hakaday shaqadii guddigaas, waayo ma-jirin talo-kale oo guddiga loo igmaday. Markii ay arintu halkaas mareyso, waxaa howsha in ay la wareegaan ay tahay cidda saamileyda ah ee iska-leh milkiyadda dowladnimo si iyada oo la tix-raacayo dastuurka loo badbaadiyo qarannimada. Madasha Dhuusamareeb – 3 ee la carqaladeynayo, intaas ayay ka turjumeysaa.

Haddii laga leexdona, waddada furan waa mid qura oo waa waddo qarda-jeex ah. Qarannimona qarda-jeex laguma kexeyn-karo. Sidaa darteed ayay xaaladda Soomaaliya ay ugu muuqataa mid lamid ah cabashadii ay cir-bixennadu u dirsadeen Houston. Soomaaliduna cabashadooda waxay u dirayaan Dhuusamareeb (Dhusamareb we have a problem).

Dr. Saadiq Enow
Email:[email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.