Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

DHAQAN-SIYAASADEED UGUB AH – FALANQAYN

Qalinkii Cabdullaahi Janno

Waxaa hadda dhaqanka Soomaalida, gaar ahaanna kan siyaasiyiinta, ku soo kordhay mid cusub oo laga soo minguuriyay dhaqamo shisheeye sidii isqarxintaba loo soo minguuriyay. Waxaa noo soo dusay nooc ka mid ah beenta balse aafadeeda lagu halaagmayo. Beentan cusub ee dhaqangashay waa iyada oo uu siyaasigu meel fagaare ah ka yiraahdo hadal been ah oo iska cad. Siyaasiga beentan faafinayo ujeedkiisu ma ahan in la aamino. Qorshihiisu waa mid salka ku hayo abuuridda jahwareer iyo tuhun si uu u kala dhantaallo midnimada iyo wadajirka dowladda iyo shacabka.

Imaam Bukhaari oo doon ku safrayo baa 1000 dirham uu watay waxaa sheegtay tuug. Tuuggii af buuxuu ku qeyliyay in lacag 1000 dirham ah laga xaday. Imaam Bukhari (rc) waa nin garasho fogaaye wuxuu lacagtii ku tuuray badda. Wuxuu Imaamku yiri, “Dadka doonta ila saarnaa waan ku oran karay lacagtaan anigaa leh, oo wuxuu tuuggu ogaa inaan 1000 dirham watay. Waxaanse ka baqay in qaar kale uu tuhun galo.” Calaashaan hadduu tuhun yimaadana Xaddiisyadii uu soo werinayay ayaa sidoo kale la tuhmi lahaa saxiixnimadooda.

Tuhun. Waa aafooyinka waaweyn ee ka dhasho been-abuurka. Waa midduu ka cabsaday Imaam Bukhaari in loo daciifiyo Xaddiisyadii uu u soo uruuriyay sida daacadnimada iyo hawl-karnimada aheyd. Wuuna ku baraarugsanaa in shacabka ay qaar dagmi karaan, oo ay tuuggaas hadalkiisa rumeysan kareen – ama ugu yaraan uu shacabkaas geli karay tuhun iyo tashwiish.

Markii la qorayo sheeko-faneedda, wuxuu qoraagu isticmaalaa aalado sida timo-jaruhuba uu u isticmaalo makiinad, makhas iyo shanlooyin kala duwan. Aaladaha qoraaga uu ku dhiso sheekada waxaa ka mid ah wax la yiraahdo “believability” – ama suurtagalnimada qisada/ficilka sheekada. Waa macquul/suurtagal haddii uu qoraagu qoro: “Hooyadii iyo caruurteeda oo gaajeysan ayaa qof u keenay jab rooti ah – jabkiina waxay u kala jebisay labadeeda caruur.” Suurtagalse ma ahan oo akhristuhu ma aqbalayo haddii uu qoraagu qoro: “Hooyadii iyo caruurteeda oo gaajeysan ayaa qof u keenay jab rooti ah – isla markiina ilmaheeda oo arkaya ayay hooyadu rootigii afka ku boobtay oo liqday.” Akhristuhu wuxuu garowsan in dabeecadaha hooyadu aysan aheyn inay nafteeda ka hormariso ilmaheeda.

Arrinkan suurtagalnimada ah aan ku dabbaqno waaqaceenna – iyo qaasatan eedeynta ay siyaasiyiintu ku hayaan dowladda. Waxaa fagaaraha lala yimid eedeyn ay ka mid tahay dowladdu ma aysan qaban hawlihii loo igmaday sidaa darteedna way fashilantay. Siyaasigu wuu og yahay inuu been sheegayo – wuuna og yahay in aan la aaminayn hadalkaas beenta ah. Xasuusnow qasadkiisu ma ahan been macquul ah sheeg; qasadku waa abuurista tuhun iyo fawdo.

Su’aashu waxay tahay, arrinkan suurtagalnimada inay eedahaas macquul yihiin (believability) yaa u xilsaaran inuu kala shaandheeyo?

Waa adiga. Haa, waa adiga Soomaaliga ah. Halkii ay shacabku rumeysan lahaayeen eedeynta lagu saleeyay mooshinka, waxaa caafimaad ah in loo kuurgalo hawlaha ay dowladdu qabato ka dibna la barbar dhigo hadallada siyaasiga.

U fiirso, haddii qof Muslim ah iimaankiisa lagu garto ficillada ay ka midka yihiin shanta salaad, soonka, Xajka, iyo sadaqada, dowladda waxqabadkeedana maxaa lagu garan karaa? Haddii dhallinyaro maxaabiis ahaa oo laga soo daayay xabsiyada adduunka aysan waxqabad aheyn; haddii miisaaniyadda Soomaaliya oo kor u kacday aysan waxqabad aheyn; haddii ciidankii qaranka oo mushaar loo qoray aysan waxqabad aheyn; haddii la sameeyay guddi qaran oo dalka u diyaarsho doorasho sannadka 2020 aysan waxqabad aheyn; haddii hawadii Soomaaliya oo Xamar laga maamulo aysan waxqabad aheyn; haddii in IMF iyo bangiyada caalamka ah ay dowladda u qireen daah-furnaan maaliyadeed aysan waxqabad aheyn; haddii soo celinta safaarradihii dunida iyo sare u qaadidda haykalka dowladnimo aysan waxqabad aheyn, maxaa waxqabad ah Soomaaliyow?

Dhanka kale u rog. Siyaasiga eedeynta iyo mooshinka wado, maxaa waxqabad ah ayuu ku faani karaa? Horta waxqabad ha noo dambeeyee weligiis kulan ma la qaatay gobolkii ama degmadii uu matalayay? Weligiis ma dhageystay tabashadooda? Himiladooda? Miyayse ku filan tahay inuu yiraahdo waxqabad waxaan idinkaga dhigay inaan dowladda mooshin ka keeno? Haddiise waxqabad uu yahay ficil (waxqabad = ficil), suurtagal (believable) ma tahay in dowlad waxqabadkeedu muuqdo uu siyaasi aan waxqabadkiisu muuqan ku eedeeyo waxqabad la’aan?

Jawaabta adiga Soomaaliga ah ayaan kuu daayay. Ogowna Kitaabka Furqaanka ah ayaa ina farayo in la iska hubiyo hadallada qofkii kuu keeno war cusub – sida beenta cad ee sidii hubka loogu adeegsanayo curyaaminta dalka iyo dowladda. Murti Soomaaliyeed baa aheyd “Beeni raad ma leh.” Tu kale oo Hindi ahna waxay tiraah: “Si loo qariyo hal been ah, waa in la sheego kun been.” Kun been buu siyaasigu masraxan la yimid.

Sideedaba adiga shacabka ah waa maxay kaalintaadu? Maxaad ugu qanacday in sidii kalluunkii lagu jillaabaysto? Soo xil kuma saarna? Soo ma aheyn madaxweyne John F. Kennedy qofkii yiri: “Su’aashaadu yaysan noqon muxuu waddankayga ii qaban karaa ee isweyddii waxaad waddankaaga u qaban kartid”? Haddii ay shacab ahaan kaaga dhegtay dowladdu wax ma qaban, kaalintaadu ma intaas ayaad uga qoondeysay dalkii Soomaaliya?

Haddii aysan shacabka waddanka wax u qabaneyn, dowladda ma keligeed ayaa ku wada filan hawlaha baaxadda weyn ee horyaallo dal ka soo kabanayo burbur iyo baaba’? Dhabse (believable) ma ahaa eedeynta lagu saleeyay mooshinkii uu soo dhoodhoobay siyaasi aan qudhiisu waxba qaban – beentana ku beerlaxawsado shacabka?

Wabillaahi towfiiq,

Qalinkii Cabdullaahi Janno
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.