W.T. Maxamed Hiirad
Maansadan waxaan kaga sheekaynayaa dadka Soomaaliyeed meesha xaaladdoodu maanta marayso. Dawlad iyo qaranimo ma jirto. Dhaqan iyo xishood ma jiro. Xigto iyo ixtiraamkeed ma jiro. Sidaasaa lagu wada heshiiyey. Gabagabdii waa quus. Waxaanse ku faraxsanahay in aanan wax badan sii joogi doonin.
Waxaan ahay nin dhowriyo toban
Da’du boqol ka dhimantahay
Dhaayaha araggu liitoo
Dheel dheelli socodku uu yahay
Dhegaha maqalku culusyahay
Intaan duni dhex joogaye
Orod iyo dhabaabaco
Dhan kastaba u cararaye
Dhabiil intaan u taagnaa
Qayrkaa ku dhaaf idhi
Dhib wixii aan soo maray
Ama aan dhacamo jeexaye
Dheefti baa dambeysee
Dhiirranaan ku jiidh idhi
Hawadeed ma dhigin weli
Waanigaa aan dhowrsane
Sidii galow dhawaaqee
Dhiilada ka digayee
Dhaliilaha faraha badan
Qaylo dheer ku sheege e
Hayeeshee dhowaanahan
Amuurahakan dhacayaa
Waa dhabar jab weynoo
Dhakafaar dadkii noqoyaye
Cidna waanay dhaadayn
Dhaqashiyo hantiba daayoo
Dhereg iyo xarrago daayoo
Sharaf la dhawrto daayoo
Dhito dhaxal awoow daayoo
Naftaan meel la dhigo jirin
Dawladdii dhisnayd ee
Lagu dhaadan jiray ee
Loo wada dhammaa baa
Lagu kala dhaqaaqoo
Muddo aan dhoweynoo
Laba tobnaad kasii dheer
Dhufaysyo laysu galay oo
Madaafiic dhuglaysiyo
Rasaas laysla dhacayaa
Maydkaa dhabbaha yaal
Dhaawac aan la qaadayn
Dhaaxaa wax garad iyo
Abwaanada murtida dhiga
Culimadii dhabta ahayd
Waano kula dhex jiray oo
Dhibka jooja la lahaa oo
Dhegna cidi u jalaq siin
Muslimiin dhawaaqdiyo
Caalamkaaba dhaygagayoo
Dhexdhexaad ka gelay oo
Dhegna cidi u jalaqsiin
Xaaladdaa dhabaqdiyo
Dhagartaa la qaayibay
Dadku dhoofayaanoo
Dhulkoodii banneeyaan
Saxrahaa ku kala dhume
Qaarna doon ku dhuuntoo
Baddaa dhumucda weyn bay
Degdeg ugu dhacaanoo
Libaax dhugux ka siiyaa oo
Dhimashada dan lagama leh
Kana dhawr san maayaan
Bal Soomaali dhoy laawaay
Dhaxalkeeda ka dhursuga
Anigaan cid dhaawicin
Kooxna anan dhalleecayn
Weedh dhaba haddaan qoro
Duulkan aan u dhigayaa
Kolley dheehan maayaan
Bal inay dhirfaan qaar oo
Ka dhiidhiyaan waxaan dhaho
Dhinac kalana maan dayo oo
Runta oo dharaar ka cad
ceebta maan u kala dhigo
Intii hore ka dhumuc weyn
War Soomaali dhalashiyo
Dhaqankii wacnaa iyo
Laga dhaqaaq asluubtii
Afkii hooyo waa dhumay
Dhalinteenna joogtaa
Dhabarkay u jeedsheen
Dhaantadii iyo gabayada
Suugaatii ma dhuuxaan
Luqado kalaa u dhaamoo
Laga dhaadhacsiiyoo
Dhegahooda lagu shubay
Gabdhaheenii dhaladka ahaa
Maro saddex dhudoodiyo
Dhaclihii iyo boqorkii
Waa horay dhigeenoo
Qundi lagu dhex qariyoo
Dhaayihii qam yahay bay
Dhulka jiidayaanoo
Dhoobadiyo xashiishkiyo
Dhiriqda xaabsanaayoo
Dhalankood la garanayn
Loo dhaafshey koodii
Kuwo kalana dhaaraan iyo
Surwaal dhuuqsan loo xidhay
Dhexdu qaar banaatahay oo
Maduxuna dhukuranyahay
Dharkoodii ka faanaan
Wiilashuna ma dhaamaan
Laba dhinac u kala baxe
Dhexdhexaad ma yeeshaan
Dar baa dhuxulo naareed iyo
xabagtii dhunkaashiyo
Dharkayn caanihii iyo
Khamri soo dhamaayoo
Habeenkii ku dhaxayoo
Intay dhilifka muujaan
Dhurwaayada sidoodii
Lugta sii dhuftaan bay
Suuqyadaa dhacdhacayaan
Qaar kalana dhaqankii iyo
Dhaxalkii awoowgood
Iska dhigid carbeed bay
Dheehoodii madoobaa
kaga dhuumanayaanoo
Surwaal dhaadka joogiyo
Shulug dhudhunka gaadhayn
Malkhabad diina qaataan bay
Murbad dhalada saaraanoo
Dhukub dhukub u yaacaanoo
Sidii ay ku dhalan diin bay
Walaalihii dhabta ahaa iyo
Waalidkood dhaliilaanoo
Dhugdhuglaha ka gooyaan
Muumin dhuunta jarayaan
Dhamac kulul ku shidayaan
Dhiilo hadal ma buuxshee
Dhaabaddaydu waxay tahay
Haddaan Eebbe dhinaceen
Naxariis ku soo dhugan oo
Raxmad nagu dhaqaalayn
War Soomaali dhimataye
Dhulkan yaa ha dhow degi
Ilmahooda yaa dhigan oo
Dhakhso buuxin doonaanoo
Nicmadaa dhex taal iyo
Macdantiisa soo dhuran oo
Innagaan dhadhaminayn
Dhereg la jiifi doonaan oo
Uga dheelman doonnaa.
Dhammaad
W.T. Abwaan Maxamed Hiirad
Email mohamedhiirad@yahoo.com
Leave a Reply