DHAMBAAL FURAN: KACDOON BULSHO MIDEYSAN

DHAMBAAL FURAN: KACDOON BULSHO MIDEYSAN

W.Q; Xasan Xaaji Cabdiraxmaan, MD

IMG_1697
Xasan Xaaji Cabdiraxmaan MD

Cidna kama qarsoona xaallada cakiran ee siyaasadda gudaha ee dalkeennii hooyo. Qarannimada dalkeenna waxaa gaaray burbur qoto dheer. Rubac qarni, boogaha ummaddeennu weli wey bogsan la’yihiin. Hoggaanka dalkan waxaa u tartamay noocyo badan oo ka mid ah qeybaha bulshadeenna, sida oday dhaqameed, dagaal-ooge, aqoonyahan, ganacsato, dibed-jooge, wadaad, iyo shisheeye kalkaal. Nasiibdarro, is-bedbedelkoodu waxa uu horseeday fashil noqday silsilad taariikh taxane ah. Sababaha burburka dowladnimadeenna kuwa ugu waaweyn, aragtideyda, waxaa ka mid ah musiibada hoggaanka.

Kobaca dhaqaale, tayada waxbarasho, bilicda muuqaalka, iyo horumarka kooban ee maamulka iyo nabadgelyada maanta ka jirta gudaha dalka badankeedu doonista Alle swt kaddib waxa ay ku timi damaca dalal shisheeye iyo danaha horboodayaasheenna siyaasadda oo wada kulmay.  Kulanka ujeedooyinka daneystayaasha gudaha iyo dibedda waxaa dabcan ku doogsaday dal iyo duunyo aan loogu talogelin. Si gaar ah haddii aan u tixraacno jilayaasha siyaasadda maanta, runtii waa tiro kooban inta ay daacadda ka tahay adeegga bulshada, haddii uu bar billowgoodu hufnaana, waxa ay u badan tahay in ugu danbeyn ujeedkoodu ku dhex milmo danaha jaalkooda (tol ama saaxiib daneed).

Marka lagu qiimeeyo hannaankooda xukun doonka ah ee musuqmaasuqa ku saleysan, khudbadahooda dhalanteedka ah, iyo dhiirranaantooda waxqabad li’i, nasiibdarro maanta gudaha dalka sahal ma aha helista hoggaan Soomaaliyeed oo daacad u ah una hagar baxa shacabka miskiinka ah ee uu magacoodu ku soo shaac baxay. Hogaamiye iyo hoggaan walba waxaa lagu soo dhoweeyaa suugaan iyo maanso cusub, murti bogaadin ah iyo duco; sagootintiisuna waa kacdoon, af-gembi, lacnad iyo habaar. Uur-ku-taalladan mar walba soo noqnoqata waxa ay mudan tahay in la is dul istaago oo si cilmiyeysan loo derso.

Dhowr iyo labaatankii sano ee ugu danbeeyay waxaa dhulkeenna lagu tijaabiyay dagaallo sukeeye oo beeleysan, kaddibna markii ay cududdeennu wiiqday, waxaa billowday beretan xoogag shisheeye oo xambaarsan dano maldahan. Markii ay labadaa hore fashilmeen, waxaa la hindisay nidaam maamul-goboleedyo ku qotoma abtirsiinyo kaa oo dib inoogu raray noloshii ka horeysay xilligii gumeysiga. Sida muuqata nidaamkan maamul-goboleysiga waxa loogu talo galay in uu dib u dhameystiro wareegga meertada waallida ah (maamul goboleysi à dagaal beeleed à hoos tagga xoogag shisheeye). Ciil iyo caloolyoow aan dhammaad laheyn!

Meertadan kore waxaa calanka u sida rag iyo haween Soomaaliyeed oo isugu jira dhammaan qeybaha bulshada. Fajacisooyinka maanta waxaa ka mid ah iney showr wadaag iyo jaalba wada noqdeen aqoonyahan PhD wata iyo oday dhaqameed abidkiis aan qalinka kor u qaadin! Sidoo kale musiibada maanta waxaa ka mid ah aayaha ummaddan inuu gacanta u galay wadaado iyo indheergarad matasha bulshada rayidka hase yeeshee rabitaan li’i (ama si rabitaan ah) lugtoodu ugu xiran tahay jiheeyeyaal laga rogrogo xuduudo shisheeye. Tani waxa ay keentay saadaasha abwaanka Soomaaliyeed iney mar walba beenoowdo oo ay runta baal marto, sidoo kalena shacabkeennu sanad walba ku hungoobo rajooyinka is bedbedelka waayaha soo maray.

Helista furaha guusha iyo horumarku waa riyada waddani walba oo samadoon ah. Garashada sababaha guuldarrida waxa ay fududeyn kartaa in dalka iyo dadkuba ka badbaado meertadan wareertay ee waalida ah. Maqnaanshaha dareen dhalad ah oo mideysan waxa ay dhalisay in dhulkeennii udugga ahaa loogu adeego dano shisheeye. Sidoo kale, la’aanta masuuliyadda lahaanshaha dalka waxa ay horseeday in masraxa siyaasaddu isu bedelo goob shaqo ah oo si degdeg ah looga hanti urursado. Taxanaha waayadan walbahaarka xambaarsani isha iyo marqaatiga nool ayaa u wada shaahid ah.

Si aan dib ugu hananno jiritaankeenna, dalka iyo dadkana looga xureeyo gacanta cadowga muuqda iyo midka qarsoon, waxaa waajib ah in la unko kacdoon bulsho leh himillooyin mideysan, cudud dhaqaale iyo mid meliteri. Xal dhalad ah oo aan dhoofis aheyn waa marinka keliya ee dalka iyo dadkaba ka bedbaadin kara xabaasha gunta dheer ee uu cadowgu u qoday. Hoggaanka kacdoonkan barakeysan waa iney calanka u qaadaan wejiyo cusub oo leh tilmaamo gaar ah oo ay isaga soocaan dhammaan intii wax ku soo dhaamisay wadaantii musuqmaasuqa iyo boobka hantida qaran. Halheyska (loogada) kacdoonkan bulsho waa inuu ahaado Soomaalinnimo iyo Islaamnimo, labada astaan ee halbowlaha u ah midowga qowmiyadda Soomaaliyeed.

Kacdoonkan bulsho mideysan waa midka keliya ee jebin kara derbiyada dhalanteedka ah ee la dhex dhigay dadkeenna kaddibna si fudud u hanan kara taageerada qalbiga iyo gacanta qof walba oo Soomaali ah oo ku nool dalka gudihiisa iyo dibediisa. Hormuudka xooggan cusub ee barakeysan, aragtideyda, waxaan u dooran lahaa culeyskiisa iney xambaaraan ‘CIYAALKA XAAFADDA’, xoogga Soomaaliyeed ee keligii weli xurta ah ee aan xuduudda laheyn, dakanena ka gelin weli dadkiisa. Si looga bedbaado sedbursi iyo sunta seexisay soomaalinnimadeenna, horjoogeyaashani sidoo kale waa iney yeeshaan tilmaamahan sooca ah:  b) wejiyo ku cusub masraxa siyaasadda, t) aqoon iyo karti u leh howsha loo doortay, j) xilka hogaankana loo xulay iyaga oo aan marna u ololeyn.

Horkaceyaasha baraaruggan bulsho mideysan waa iney dulqaad weyn iyo xirfad sare u leeyihiin isu soo dhoweynta iyo is ogoleysiinta aragtiyada kala duwan ee ay yeelan karaan xubnahooda si loo wada hiigsado danta guud. Billowga dhismaha isutaggan cusub iyo dhagax dhiggiisu waa inuu si cilmiyeysan ku billowdo kaddibna adeegsado xoogga dadweynaha si dhibicda roobkiisu u gaarto dhammaan ciidda soomaaliyeed! Waxgaradka Soomaaliyeed ee xurta ah, weli maanka iyo maskaxduna baaqiga ku tahay, haddii uu ka dhabeeyo meel marinta mashruucan cusub, saadaashu waa guul!

Sidii roon Rabbi swt ayaa og!

W.Q. Xasan Xaaji Cabdiraxmaan MD
Email: has_bio@hotmail.com