W.Q. Cabdiraxmaan Aadan Cabdi
Caawa dareenka aan ku suganahay ma aha mid aan hore ula kulmay. Cagaha markaan tallaabo qaad is idhaahdo waxaad mooddaa in cag walba kiish ciid ah la igaga xidhay. Sidii qof tooray lala dhacay ayaan u luudayaa. Madaxayga sida denbiile askar muruqyo waaweyni garbaha ka hayaan oo maxkamad loo sii wado ayaan u foorarinayaa. Dhabbaha suuqa ka soo baxa ee qolka aan magaalada ka degganahay yimaada, sidaan ku soo maray ma xasuusto. Habeenadii hore intaan qof telefoonka ka garaaco ama heeso daarto oo xadhkaha codka qaada labada dhegood xaluuliyo ayaan waddada kusoo mari jiray. Habeenada qaarna qof aanu is garano ayaan sheekadiisa kusoo jid mari jiray. Haseyeeshee caawa labada midna ma samayn oo taleefankayga meel aan ku sheego ma garanayo, qof garabkayga socdaana ma jiro. Albaabka hore ee guriga oo furihiisa meel aan ku sheego aanan garanayn markaan hor marayo ayaan miyirsaday. Ma awil baan waalnaa? Ma qof waalan baa gurigiisa toos u yimaada? Haddaa ma qof miyirqaba oo telefoonkiisii iyo furihiisa toona meel uu ku sheego garanayn baa la arkay.
“Walaal Xamdaay waa aniga’e iga fur”, ayaan ugu jawaabay inanta I weydiisay qofka albaabka garaacaya. Qof “wa ayo” la weydiiyey inuu “waa aniga” qallalan oo aanu magaciisa raacin ku jawaabo malahayga waa caado dalkeena uun laga helo. “adigoo ayo ah” ayaa igu filnayd laakiin nasiib wanaag inantu codkayga ayay garatay.
Inanta albaabka iga furtayi si weji furan bay igu salaantay. Aniguna sidoo kale Inta aan furaha qolkayga jeebabka ka baadhayey iyo muddadii koobnayd ee aan furaha rogayey, qosol dibnaha uun ah, farxad is tiilnimo iyo codkarnimo yaan lagaa dareemin ah baan inanta u muujiyey. Markaan qolkayga foodda geliyey ayaan iska bixiyey wejigii beenta ahaa ee aan dadka kale tusayey.
Qolkaygani waa meesha aan adduunka ugu jecelahay; waa halka keli ah ee aan ku nefiso. Jidh ahaan uun uguma nefiso ee sidoo kale waa goobta aan ruuxdayda ku dhayo. Jidhkayga keliyi ma seexdo ee marar badan ayaan ruuxdaydana waadh ahaan halkan u jiifiyey. Waa goobta keli ah ee aan Ilmada ku daadiyo, isku qaawiyo, mararka aan wax wanaagsan la kulmana ku damaashaado inkastoo beryahan wax i farxad geliya la kulmin.
Alaabta qolka taalla mid weliba abaal ayuu igu leeyahay, aniguna yaanan abaalkaa waxba gudine ugu yaraan inay abaal igu leeyihiin ayaan garwaaqsanahay oo niyadda uga mahadceliyaa. Muraayadda kabadhkaan dharka ku gurto ku dherersan ayaase iigu abaal badan. Maya maya waa beentay. Miiska iyo kursiga daaqadda hoos yaala oo ah kuwaan wax ku akhristo ama qoro ayaa abaalka u weyn igu leh. Wax kale iska daaye kiliinigis(istiraasho) aan ilmada iskaga bi’iyo ee aan bacdaa iskugu uruuriyey ayaan abaal gooni ah u hayaa.
Sariirta oo sidii aan saaka kaga tegay ku sugan, ayaan isku tuuray. Waqti aan ku hurgufo ama ku hagaajiyo ma hayo, waqti aan go’a sariirta kaga beddelona hadalkiisaba daa oo ugu yaraan toddobaad dhan ayaan go’yaashan isticmaalayay. Dab qaybisada qolka sida maska u dhex dherersan ayaan sariirta hoosteeda iskaga durkiyey. Caawa baraysadani waa shaqo la’aan oo telefoonkaan ku dabaysan jiray ma sito, Laabtoobna ma isticmaalayo oo waa kaas miiska dulsaaran isagoo shandadiisi ku jira ee aan dhawr maalmood dibad loo soo saarin. Maxaan laabtoob soo saaraa, tamar aan wax ku akhriyo, taxadir aan filin ku daawado iyo waqti aan fikir mooyee wax kale ku qabto toona ma hayo’e.
Carruurnimadaydii aan tuulada ayeyday la degganaa, ci’da diigga ayaa hurdada iga toosin jirtay. Laakiin sidaan tan magaalo ah usoo galayba qof ama jabaqda(Alarm’ka) aan telefoonka ku xidho ayaa i toosinayey. Mararka qaarna jaqafta, jabaqda iyo codka carruurta reerka aan guriga wadaagno ee dugsiga isku diyaarinaya ayaan ku toosaa. Saaka intaas midna kuma toosin ee waxaa hurdada iga kiciyey,cadceedda daaqadda qolka iiga soo gashay ee faduulinimadeeda sariirta iigu timi!
Markaan soo fadhiistay daqiiqado ayay igu qaadatay inaan maskaxdayda soo celiyo; xaggee ayaan joogaa? Saacaddu waa imisadii? Anigu yaan ahay? Markii iskugu kay danbaysay maxaan ku mashquulsanaa? Iyo weydiimo kale oo tiro badan ayaan naftayda su’aalay.
Xalay markaan qolka soo galay ee sariirta isku tuuray ilaa soo dhawaadka waagaa, fikir, galgalasho iyo is hiifid ayay ii ahayd. Mawduuc keli ah ayaan marba dhinac iska taagayey. Go’aankaan qaadan lahaa ayaan boqollaal su’aalood iska weydiinayey. Dhinac akhlaaqeed, dhaqan iyo diiniba inaan ka eego ayaan ku isku taxaluujiyay. Sababtaa awgeed ayaan hurdada barqo dheertan qorraxdu kuluulaatay ugu gaadhay. Keli noolaanshuhu sida kale wuu u fiican yahay oo waa xornimo laakin markan oo kale ayaa inaad khatar daaqayso ogaanaysaa. Bal iminka haddaan xalay geeriyoodo yaa i ogaan lahaa? Haddaan ballan muhiim ah lahaan lahaa oo talefoonkuna iga maqnaan lahaa sida xalay oo kale, yaa ballantayda ii toosin lahaa? Anigaygii, qoyskayga oo magaalada deggan qolkan keliga ah ka doorbiday miyaa durtaba khatar kelinimo ka cabanaya!
Sidii nin aan xalay fikir dhammaysan ayaan anigoo cidhifka sariirta fadhiya, weli go’iina lugahayga saaran yahay haddana fikir cusub bilowday. Sidaan sariirta ugu dhegsanahay bir iyo magnad ayaa nala moodaa. Inaan meesha ka kaco, fooldhaqdo, cadaydo oo goobahaa quraac iyo qado waxay doonto halagu magacaabee, waxaan afka geliyo u doonto, ayaa ii qorshaysan. Balse awood, karti iyo dhiiranaan aan sariirta kaga soo kaco ayaan iska waayey. Waxaan tamar iska baadhaba ugu danbayn inaan istaago waan ku guulaystay.
“Eeddo maanta miyaanad shaqaynayn… maxaa kugu dhacay miyaad xanuunsanaysaa…oo inaad joogto haddaan moodayno quraac ayaan kuu reebi lahayne..”, waxay ka mid ahaayeen hadallo marwada labada qol ee iga soo horjeeda deggan, markay anigoo saacaddan albaabka qolkayga ka soo baxaya i aragtay intay naxday igu tidhi. Nin weyn oo saacaddan dumarka guriga dhex fadhiya waa laga fiican yahay’e degdeg ayaan guriga kaga soo baxay oo meel ina rag joogo iyo suuqa u soo orday.
Inaanan hurdo ka dhergin oo xalay oo dhan soo jeeday cid kale iska daaye ilmaha yar ayaa iga garan kara.. Belo cabtaygan qadhaadh dadku maxay ku falaan horta? Shaahyo cab aan qaxwaha jeclayn baan ahaaye saaka waa anigaa koobkii labaad ee qaxwaha ah fiiqsanaya. Markaan caloosha wax geliyey, kafee badanna wahabka iskaga kiciyey ayaan go’aansaday in qof culayska iyo walbahaarka i saaran iga khafiifiya oo aan rarkan badh ka mid ah ku qubo, intaan dadku iga dareemina u bandhigo meel uun ka raadiyo.
Walaaladay iga yar iyo iga weynba magaalada way joogaan laakiin cidda keli ah ee dhibkaygan iga caawin kartaa, waa saaxiibkay. Sababtaan saaxiibkay u doorbidayaa waa inuu arrinta aniga iyo gabadha,hore ula socday iyo ta ugu muhiimsan oo ah inuu nin aad u deggan oo dhanka talada guud ahaan, gaar ahaan talooyinka xidhiidhada ku saabsan ku fiican yahay. Sidaas oo ay tahay ninkaas weligii xidhiidh ma samayn, guur iyo meherna hadalkoodaba daa. “dadka bilaa xidhiidhada ah ayaa talada xidhiidhka ku fiican waayo qof caqli iyo aqoon leh oo wax fahansani, xidhiidh ma sameeyo”. ayuu dhawr mar oo aan arrintan wax ka weydiinay noogu jawaabay.
La soco qaybta 2aad
W.Q. Cabdiraxmaan Aadan Cabdi
Leave a Reply