Friday, March 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

DFS iyo Heshiiska Berbera: Faalo

WardheerNews

Heshiiski dekedda Berbera ee sadex geesoodka ahaa ee ay bishan Maarso 1-dii ku kala saxeexdeen dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, Soomaaliland, shirkadda DP world iyo Itoobiya, ayaa si aad ah ay uga soo horjeesteen dad badan oo Soomaaliyeed.

Marka si dhab ah loogu kuur galo ka soo horjeeskaasi heshiisku, ma ahayn mid dadka Soomaaliyeed ay ku diiddan yihiin in la dhiso dekedda Berbera iyo guud ahaan dhaqaalaha Soomaaliland oo horumar laga gaadho, balse waxa ay salka ku heysaa iyada oo Shirkadda DP World ula heshiisay Soomaaliland sidii dal xor ah, oo  gooni u taagan oo la aqoonsan yahay. Arinkan ayaana ah ka ay dadka Soomaaliyeed ee aaminsan midnimadda  Soomaaliya u cuntami waayay.

Haddaba heshiiskan oo muddo ka badan sanad laga soo shaqaynayay, isla markaana ay wax ka ogeyd Dowladda Federaalka Soomaaliya, ee ay hoggaaminayeen RW Cumar Cabdirashiid iyo M/Weyne Xasan Sheekh, maxaa keenay in hadda uu kiciyo buuq hor leh?

Waxa ku cusub heshiiskan sadex arimood:

  • Dowladda Farmaajo iyo Xasan Kheyre oo dadka u tuntay durbaan khayaali ah, isuna tustay in ay tahay dowlad danaha dalka ilaalinayso, oo ka duwan tii Xasan Sheekh, balse aan ka dhabeyn in ay tahay dowlad ka shaqaynaysa danaha guud iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.
  • Dowladda Itoobiya oo qeyb ka noqotay heshiiska, islamarkaana ku leh saami dhan 19%.
  • Shirkadda DP World oo mowqif cad iska taagtay gooni isutaaga Soomaaliland, taageertayna in Soomaaliland tayay dal xor ah oo ay si toos ula dhaqmayso.

Ra’iisal Wasaare Kheyre, oo la hadlay saxaafadda, ayaa sheegay in aysan DFS qeyb ka aheyn heshiiskaasi, laakiin ka gaabsaday::

  • U yeedho safiirada labada dal ee Isutaga Iimaaraadka Carabta iyo Itoobiya, iyada oo maraysa habka diblamaasiyadda si ay dacwad ugu gudbiso labada dal.
  • Madaxweyne Farmaajo oo aan ilaa hadda aan arinkan ka hadal, isaga oo caadeystay in uu u dhaqmo sidii madaxweyne aan awood laheyn (ceremonial president).

Haddii Dowladda Federaalka Soomaaliya, aysan si rasmi ah dacawd uga geyn heshiisk Berbera, tani waxa ay noqonaysaa in aay taageertay gooni isutaaga Soomaaliland.

WardheerNewws


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.