Dawladda Soomaaliya oo mamnuucdey baahinta wararka Alshabaab, kana joojisey Xasan Daahir adeegsiga baraha Bulshuda

Dawladda Soomaaliya oo mamnuucdey baahinta wararka Alshabaab, kana joojisey Xasan Daahir adeegsiga baraha Bulshuda

Muqdisho (WDN)- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Md. Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaalla, ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay amar kasoo saartey baahinta wararka la xariira kooxda Alshabaab isla markaana ay beegsan doonaan cidwalba oo amarkaasi ka hor timaada.

Wasiirka ayaa sheegay in amarka xukuumaddu yahay in aan la baahin karin wararka la xariira kooxda Alshabaab, faafinta wararka kooxdaasina uu yahay fal dambiyeed tallaabooyin sharciga waafaqsanna laga qaadi doono ciddii ka hor timaadda.

“Waxaa la mamnuucay baahinta wararka Al-shabaab, talaabooyin ayay qaadday dowladda, waxaana la beegsan doonaa warbaahin kasta ama shaqsi kasta oo lagu helo faafinta farriimaha Kooxdaasi” ayuu sheegay Cabdiraxmaan

Dhanka kale xukuumadda Soomaaliya ayaa ka mambuucday wadaadka xagjirka ah ee dawladda muddada 9 sano u xiran Sheekh Xasan Daahir Aways, adeegsiga baraha bulshada oo in muddo ah uu kasoo muuqan jirey.

Xasan Daahir oo ah wadaad xagjir ah ayaa baraha bulshada u adeegsan jirey inuu kusoo bandhigo afkaartiisa xagjirnimada ah, waxa uuna inta badan dhaleeceyn jirey xukuumadda Soomaaliya. Waxaana amarka looga joojiyey adeegsiga baraha bulshadu yimid xilli dhawaan wiil uu dhalay lagu diley duqeyn dhanka cirka ah oo ay fulisey dayaarad duuliye la’aan ah isagoo gaari ku wadey sarkaal sare oo Alshabaab ka tirsan oo in muddo ah la baadi goobayey. Kaasi oo lagu tirinayey inuu yahay hogaamiyaha badali raba hogaamiyaha kooxda oo iminka xanuun la ildaran.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.