Muqdisho (WDN)- Dawladda Mareykanka ayaa dib ugu soo celinaysa Soomaaliya boqolaal ciidamadeeda ah oo hore looga daabuley, si ay gacan u siiyaan ciidamada Soomaalida ee dagaalada kula jira xoogaga mintidka ah ee Alshabaab.
Go’aan uu saxiixey madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa ogolaanaya in ciidamadii Mareykanka ahaa ee hore looga saarey Soomaaliya xilligii wadankaas uu xukumi jirey Donald Trump dib loogu celiyo. Go’aankaas ayaa durba waxa soo dhaweeyey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya dhawaan la doortey Xasan Sheekh Maxamuud.
Qoraal madaxtooyada Soomaaliya kasoo baxey oo lasoo dhigey barta Twitterka ayaa lagu sheegay in dawladda Mareykanku tahay dal iskaashi buuxa kala dhaxeeyo oo la isku halleyn karo, go’aannka dawladda Mareykankana uu ka qeybqaadan doono hawlaha lagu baadi goobayo xasilooni buuxda oo Soomaaliya ka dhacda laguna soo afjarayo dibindaabyada dhagarqabayaasha Alshabaab.
Dawladda Mareykanka ayaa ka taageerta dawladda Soomaaliya dhanka amniga ayadoo tababaro iyo mushaaraadba siisa ciidamada gaarka ah ee Komaandooska Soomaaliya, sidoo kale taageero kale ayey siisaa laamaha amniga sida Nabad sugida. Waxa kale oo ay qeyb ka qaadataa hawlaha horumarineed iyo gargaarka dalka.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa bishii December 2020 hore uga saarey Soomaaliya 700 askari oo ciidamadiisa ah, taasi oo keentey in uu yaraado iskaashigii dawladda Soomaaliya iyo Maraykanku.
Maxamed Cumar Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply