Muqdisho, Warsaxaafadeed maanta ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawladda F. Soomaaliya ay u aqoonsantahay maamulka Jubbaland ee uu madaxda ka yahay madaxweyne Axmed Maxamed Islaan maamul KMG ah, jiritaankiisuna ku egyahay muddo laba sano ah.
Dawladda F. Soomaaliya ayaa iyadu hore u diidanayd in ay aqoonsato doorashooyinkii ka dhacay Jubbaland ee dib loogu doortay madaxweyne Axmed Madoobe iyadoo ku tilmaantay in ay yihiin kuwo shrci darro ah oo baalmarsan dastuurka Jubbaland iyo habraaca doorashooyinka maamul goboleedyada ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Dawladda F. Soomaaliya.
Warsaxaafaddeedka madaxtooyada oo aanay ilaa hadda wax jawaab ah ka bixin maamulka Jubbaland ayaa u qornaa sidatan:
Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyada oo ka duuleysa qaraarkii Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ay ku ansixiyeen go’aankii Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta kaasoo ay ku caddaysay inaysan aqoonsaneyn natiijooyinkii kasoo baxay doorashooyinkii Jubaland ee hareer marsanaa habraacyada saxda ah ee ay dejisay Wasaaradda, kana hor imaanayay Dastuurka Jubaland iyo Dastuurka Federaalka;
”DFS iyada oo tixgelisay mawqifkii caddaa ee Beesha Caalamka ee ku aaddanaa in ay lagama maarmaan tahay in ay dhacdo doorasho la isku raacsanyahay, la isku halleyn karo, haysata taageerada dadka Jubalanad oo dhan, horseedi karta midnimada bulshada Jubaland, laguna duray sax ahaanshaha doorashadii dhacday,” ayuu ku qoran War Saxaafadeedkan oo iminka kasoo baxay Madaxtooyada Qaranka.
”DFS waxay ka xuntahay faragelinta qaawan ee Kenya ee arrimaha doorashooyinka Jubaland taasoo dooneyso in ay cadaadis siyaasadeed uga dhigto Dawladda Federaalka Soomaaliya si ay danaheeda uga gaarto qadiyadaha lagu muransan yahay ee dhex yaalla labada wadan gaar ahaan dacwada badda ee u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya,” ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka.
DFS oo garawsan baahida loo qabo in la helo maamul ay heshiis ku yihiin dhammaan dadka deegaanka, ayna lagama maarmaan tahay in la lasoo afjaro khilaafaadka soo jiitamayay waxay soosaartay go’aamadan;
1. DFS waxay Mudane Axmed Maxamed Islaam u aqoonsanaysaa Madaxweynaha Maamulka Kumeel Gaarka ah ee Jubbaland.
2. Muddo-xileedka Maamulkan KMG ah waa labo sano ah oo ka bilaabanaysa xilligii uu dhammaaday muddo xileedkii u dambeeyay.
3. Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweynaha KMG ee Jubaland inuu fidiyo gogol ay isugu imanayaan dhammaan dadkii ku kala irdhoobay khilaafka ka dhashay doorashadii Jubaland si dib loogu yagleelo Jubaland mideysan, ayna ka dhacdo doorasho waafaqsan Dastuurka Jubaland iyo Dastuurka Federaalka.
4. DFS iyada oo gudanaysa waajibeedkeeda dastuuriga ah waxay mar walba u taagan tahay ilaalinta danadaha qaranka, midnimada shacabkeeda iyo wadajirka dhuleed iyo badeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Dhanka kale waxaa sidoo kale ay isla maanta soosaartay madaxtooyada Soomaaliya warsaxaafadeed ku saabsan casuumad ay u fidisay madaxda dawlad goboleedyada iyo gobolka banaadir in ay ka soo qaybgalaan shir ballaadhan oo looga hadlayo geeddisocodka doorashooyinka iyo arrimaha nabadgelyada dalka.
Warsaxaafdeedka laguma xusin soo jeeedintii guddoomiyaha Aqalka Sare iyo guddidii uu dhawaan u magacaabay in ay ka hawlgalaan shir la isugu keeno maamul goboleedyada iyo dawladda F. Soomaaliya.
Haddaba aqoonsiga xilligan ee madaxtooyada ee maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa loo fasiran karaa mid looga gol leeyahay sidii ay suurtogal ugu noqon lahayd maamulka Jubbaland inuu ka soo qaybgalo shirka uu ku baaqay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Warsaxaafedeedka casuumadda shirka ayaa u qornaa sidan:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan Shirka Golaha Amniga Qaranka u fidinaya Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir.
Shirkan ayaa ku saabsan sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa geeddi socodka doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.
Sidoo kale, waxaa jira shir hordhac ah oo ku qabsoomaya aaladda la iska arki karo kaasoo lagu qiimeynayo dadaallada wadajirka ah ee haatan socda ee lagula dagaallamayo cudurka Coronovirus, sidii loo sii xoojin lahaa ka hortaggiisa iyo culeyska dhaqaale ee ka dhashay .
Jadwalka uu ku qabsoomayo Shirka Amniga Qaranka waxaa ka shaqeynaya guddiyo farsamo oo ka kooban dhammaan dhinacyada kasoo qeybgalaya si loo sii amba qaado wadatashiyada arrimaha masiiriga ah ee dalka iyo xoojinta wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
Madaxtooyada JFS waxa ay adkaynaysaa muhiimadda shirkan, maadaama uu dhammeystir u yahay guulaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay wadajirka u xaqiijiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna shirku jihaynayaa hannaanka dimuqraadiyeed ee dalkeenna.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
WardheerNews, Muqdisho.
Leave a Reply