Hargeysa (WDN)- Waxaa la filayaa in maalinta berri ah uu ka furmo magaalada Jabuuti wadahadallo aan horey loo shaacin, oo dhex mari doona Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Soomaaliland Md. Muuse Biixi.

Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, oo marti gelinaya wadahadalladan , ayaa ku sheegay bartiisa Twiter-ka in uu maalinta berri ah ee ku beegan bishan Juun 14, uu guddoomin doona shir dhexmari doona Madaxweyne Farmaajo iyo Biixi.
Madaxweyne Ismaaciil ayaa ku qoray bartiisa twiter-ka “ Berri waxaan Jabuuti ku guddoomin doonaa kulanka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo daba socda wadahadallada dhexdhexaadinta labada hoggaamiye. Waxaan sidoo kale ku casuumay Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed inuu ka qeyb galo wadahadallada.”
Wararka soo gaadhaya WardheerNews, ayaa sheegaya in wadahadalladan ay soo dhiseen, gadhwadeena ka yihiin Safiirka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya Md. Donald Yamamoto iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Md. Abiy Ahmed, islamarkaana uuu salka ku hao Barnaamijka Isdhexgalka ( Integration Initiative) ee Itoobiya, Eriteriya iyo Soomaaliya.
Md. Abiy Ahmed ayaa in badan isku dayay siduu uu isugu soo dhaweyn lahaa DFS iyo Soomaaliland, si markaasi uu u fulo barnaamijkiisa Isdhexgalka, isagoo islamarkaana heshiisyo aan la shaacin la gaadhay Farmaajo.
Shirkan Jabuuti ayaanay wali ka soo bixin wax faahfaahin ah, balse la filayaa in uu dhaliyo dood cusub oo uu culeyska ku saarayo Muuse Biixi in ay u furan tahay oo kaliya mawqifka sidii Somaliland u heli lahayd aqoonsi, halka Farmaajo ay u eeg tayay in aanu wadan wax qorshe ah, oo ka fog ama ka baxsan sidii looga taageeri lahaa doorashada 20/21.
Dad badan ayaa is weydiinaya in Ismaaciil Cumar Geelle, Farmaajo iyo Abiy Ahmed, oo dhamaantood ay ku furan yihiin qalalaase siyaasaddeed iyo kacdoono, in ay ka shaqeyn karaan dejinta arrimaha Soomaaliya iyo heshiis dhexmara Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland!
Warar badan oo soo gaadhaya WardheerNews oo ka imanaya shacbiga Soomaaliyeed, ayaa muujinaya walaac ay ka qabaan wadahadalladan, oo aan si qorsheysan loo maamulin, balse uu ka muuqdo istraatijiyad la’aan, degdeg iyo habacsanaan.
Waxaa sidoo kale dad badan ku dooddayaan in ay aheyd Beesha Caalamka iyo Dowladdaha jaarku ay mudneyd in ay xoogga saaran oo ay ka shaqeeyaan sidii looga midhodhalin lahaa dadaalka uu haddu wado Aqalka Sare ee Soomaaliya ee ku aadan sidii ay Soomaaliya uga dhici lahayd doorasho lagu heshiiyay, la iskuna keeno Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada isdiiddan.
WardheerNews
Leave a Reply