Dastuurka Jubbaland oo la ansixiyay iyo doorashada maamulka jubbaland oo la cayimay

Dastuurka Jubbaland oo la ansixiyay iyo doorashada maamulka jubbaland oo la cayimay

Kismaayo ( WDN) – Ergo ka kooban 300 oo ku sugnaa Xarunta Caymiska ee magaalada Kismaayo, ayaa maanta cod u qaaday Qabyo-qoraalka Dastuurka Jubbaland, iyadoo ergadu ay cod aqlabiyad ah ku Ansixiyiin Dastuurka Maamulka Jubbaland.

Kismaayo shirka dastuurka1
Axmed Madoobe, Kismaayo

Xafladdii ansixinta Dastuurka Jubba ayaa, waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xuseen Sh. Maxamuud, R/Wasaarahii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya, Cabdullahi Ciilmooge, Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey, Wasiirkii hore ee Tacliinta maamulka Puntland Cali Xaaji Warsame, xubno kasocday UNDP iyo martisharaf kale.

Ansixinta dastuurka kaddib, waxaa madasha ka hadlay mas’uuliyiin kala duwan, kuwaas oo bogaadiyay qaabka ay u dhacday munaasabaddii ansixinta Dastuurka, iyagoo sheegay inay tahay tallaabo horumar leh oo ay gaareen shacabka iyo maamulka Jubbaland.

Wakiilka IGAD ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey oo khudbad dheer goobta ka jeediyay, ayaa sheegay in ansixinta dastuurkan Jubbaland ay tahay tallaabadii ugu danbeeysay ee heshiiskii Addis Ababa ee dowladda Somaaliya iyo maamulka Jubbaland.

Md. Afey ayaa sheegay in ka IGAD ahaan ay cadeeynayaan in maamulka Jubbaland uu gabi ahaanba kasoo baxay heshiisyadii uu la galay dowladda Soomaaliya, uuna filayo in doorashadu madaxtinimo ee maamulka ay ku dhacdo xilligii lagu balamay.

Kismaayo Shirka dastuurka
Shirka dastuurka Kismaayo

Md. Cali Maxamed Geedi, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo isna goobta khudbad dheer ka jeediyay, ayaa sheegay in Soomaaliya ay gashay marxalad ka badalan tii hore, isagoo xusay in ansixinta dastuurkan ay tahay tallaabo wax ku ool ah. Waxa uuna kula dardaarmay maamulka Jubbaland in had iyo jeer uu ka shaqeeyo sidii loo qancin lahaa cid walba oo wax tabaneeysa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland, Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan oo isna ka hadlay xafladdii maanta ayaa sheegay in heshiiskii Addis Ababa uu qorayay in waqtiga maamulka KMG ee Jubbaland uu ku eg-yahay dabayaaqada bishan Ogoosto, Wuxuuna Xusay in Doorashadu ay dhici doonto 15-ka bishan Agoosto.

Wasiirka Dastuurka dowladda Soomaaliya, Xuseen Sh. Maxamuud oo isna goobta ka hadlay ayaa xusay inuu soo dhaweeynayo dastuurka ay maanta ansixiyeen ergada reer Jubbaland, isagoo goobta ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii la isugu soo dhaweyn lahaa maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jubbaland Sh. Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo khudbad dheer munaasadda ka jeediyay, ayaa ugu hambalyeeyay ergadii ka kala timid seddexda gobol, guddiyadii ka shaqeynayay dastuurka iyo cid walba oo ka qeyb-qaatay sidii loo qori lahaa dastuurka Jubbaland.

Cabdicasiis Maxamuud ( Garyaqaan)
Kismaayo, Jubbaland

Leave a Reply

Your email address will not be published.