Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Maqaallo.
  • Opinion
  • Slideshow

DALMAR: Taariikh Nololeedkii Ibraahin Ismaaciil

Qore: Ibraahin Ismaaciil iyo Eugène Gaspard Marin  

[1]Tifatire (English): Dr. Richard Panchurst

Tifaftire (Somaali): Boodhari Warsame

Sebtember 23, 2013

 

Hordhac

Waxa aan xusuusannaa taxane taariikh-nololeed ah oo aan hadda ka hor la wadaagay akristeyaasha wardheernews.com (Mahadhadii Maxammad Nuur). Waxa aan filayaa in waxyaalo badani nooga kordheen oo ay ka mid ahayd xogtii ku saabsananyd “Warqaddii Maka” oo sheekadaa ka hor aan wax badan laga aqoon. Waxa kale oo aan is leeyahay waa laga kororsaday milicsi ku saabsan caqabadihii nolosha qurbajoogtii Soomaaliyeed ee markii ugu horreysay Yurub soo gala.

Haddaba, akhristeyaasha sharafta leh iyo inta kale ee xiisaynaysa, waxa ay igu la qummanaatay in aan la wadaago sheeko-nololeed kale oo aan taa ka dhicin una xilli dhowayd oo uu noo marinayo nin kale oo ka mid ahaa raggii Soomaaliyeed ee waayadaa sii horreeyay Carabiya iyoYurub yimid.

Sheekadan waxaa markii ugu horreysay soo helay qoraaga Ingiriiska ah, Dr. Richard Panchurst, ee cilmibaarista Itoobiya caanka ku ah. Waxaa uga horreeyay oo sheekada ka wariyay ninka Soomaaliyeed qoraa kale oo Biljam u dhashay magaciisuna ahaa Eugène Gaspard Marin. Ninka Soomaaliyeed, Ibraahin Ismaaciil Cali (ama Caali), iyo Marin waxa ay ku kulmeen magaalada Cardiff  ee carri Ingiriis oo uu Ibraahin markaa joogay, waxayna isu raaceen oo muddo wada degganaayeen degmo iskaashato hantiwadaag ah oo ku taal Cotswolds (Gloucestershire) oo Whiteway la yiraahdo. Intii uu halkaa degganaa ayuu Marin ka qoray Ibraahin taariikh nololeedkiisii oo afka Ingiriisiga ku qoran, dabadeedna meel iska dhigay oo kaga tegay.

Si ay ahaydba, Marin waxa uu dhintay sanaddii 1969. Sida uu Dr. R. Panchurst sheegayo, isaga oo cilmibaarid Geeska Afrika (Ethiopia) la xiriirta ku dhex jira ayuu sheekadan oo ay hayso haweenay dhaxalkii Marin ka wakiil ahayd ka dul dhacay. Sidaa ayuu markii ugu horraysay sheekada dhammaanteed oo laba qaybood ah ugu daabacay laba caddad oo ka mid ah majallad la yiraahdo Africa oo carriga Talyaaniga ka soo baxda. Labada caddadba sanaddii 1977 ayay soo baxeen.

Wixii faahfaahin ah dib ayaa la iska waraysan doonaa e, sidaan ayay u dhigantahay, aniguna aan af Soomaali idiin ku soo tebinayaa:

 

Cutubka 1aad

Dhalasho iyo Korriimo

Waxa aan dhashay gu’gii Deera Laaye. Sanaddaa roob mahiigaan ah, ayaa inta carrada oo dhan ka da’ay daaddadkii iyo dhiirigii uu reebay duunyadii iyo ugaartii oo dhammi ku hafatay oo dhaqaaqi wayday ilaa la gaaray heer ay ugaaratadu aayar deerada iska soo qabqabsato. Aabbahay Ismaaciil Cali waxa uu ka dhashay Warsangeli, lafta Reer Xaaji, hooyadayna Faadumo Aw Nuux waxa ay ka dhalatay Dhulbahante, lafta Wacays Dheere [Reer Wacays?]. Xagga aabbe, todoba wiil iyo saddex gabdhood oo dhammaantood iga waawayn ayaa ila dhashay. Saddex sano oo kaliya ayaan jiray markii aabbahay lagu dilay dagaal dhex maray Dhulbahante iyo Warsangeli. Geelii aabbahay waxa uu sidaa ku noqday hanti reeraha oo dhan ka dhexaysa, arigiina (riyihii iyo idihii) waxaa qaybsaday carruurtiisii oo bah walbaa qaybteedii heshay. Sababta garan mayo, laakiin aniga qaybtaydii ariga waxaa kala bartay hooyaday iyo walaalkay Cabdille.

Hooyaday mar kale ayay guursatay, waxayna dhashay ina hooyahay Cabdiraxmaan la yiraahdo. Cabdille, ina aabbo, oo markaa ilaa 25 jir ahaa, ayaa i kafaalaqaaday aniga oo i soo koriyay. Geela reerka oo soddomeeyo ilaa afartameeyo dhammaa ayuu raaci jiray. Beryihii hore garbaha ayuu igu qaadi jiray meel walba oo uu aadayo, markii se aan afar jirsaday hal hebed ah ayaa la i saari jiray. Hashaa ayaan marka la cuntaynayo ka soo degan jiray oo isla iyada la ii lisi jiray. Magaceedu Xumbey ayuu ahaa. Ilaa waagaa hashaa qalbigayga meel qaali ah ayay kaga qornayd, maxaa yeelay marna ma illoobi karo sidii ay hooyo labaad iigu ahayd.

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa waxaa ii muuqatay haweenay meel fadhida, dabadeedna inta ay magacayga iigu yeedhay ayaa ay i tiri “ma i garanaysaa?” Waxaan ugu jawaabay “maya, ma haweenka dunida oo dhan baan aqaan!” Waxay tiri “anigu hooyadaa baan ahay.” Waxay i siisay xabbado timir ah oo faraqa ugu xirnaa. Wax aan waligay arkay ma ahayn, sidaa awgeed ayaa waxa aan wayddiiyay in aan ceeriinka ku cuno iyo in kale. Aad ayaan uga helay, wax macaan oo wanaagsanna waa ahaayeen. Sidaa darteed, qaar ayaan meel ku qarsaday. Maalintaa caano ayaannu wadaagnay, habeenkiina laabteeda ayaan ku gam’ay. Subixii dambe ayay igu tiri Cadcaddo ii raac, magaalo xeebta ku taal oo ay deggenayd. Halkaa ayaan bad ku arkay oo aad ula yaabay dhanaanka markii aan damcay in aan biyaha cabbo. Aad ayaan ugu raaxaystay in aan bataaxa xeebta ku boodboodo oo carruuro kale kula ciyaaro.

Halkan ka akhri qoraalka oo dhan: Dalmar- Taariikh Nololeedkii Ibraahim Ismaaciil

Boodhari Warsame

Email: [email protected]



We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.